Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay waddada 26-ka June ee isku xirta Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi ee degmada Hodan, taasi oo uu burbur xooggan kasoo gaaray roobabkii ka da’ay Magaalada Muqdisho.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in maalgalinta ugu weyn ee dhismaha waddadan ay ka imaanayso sanduuqa gobalka Banaadir, arrintaas oo ah mid ka dhalatay dib-u-habeyn maamul iyo mid maaliyadeed oo la sameeyay taas oo suurtogalisay in la beeqaamiyo dakhliga, waxa uuna guddoomiyuhu ballanqaaday in canshuurta shacabka caasimadda loo adeegsan doono fulinta mashaariicda horumarinta.
Munasaabadda dhagax-dhigga dhismaha waddadaan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud Md. Xasan Maxamed Jimcaale, Guddoomiyaha Degmada Hodan Md. Cali Fahle, Odayaal dhaqan, madaxda Shirkadda Docol oo dhismaha fulineysa iyo mas’uuliyiin kale.