Wadahadallada xabbad joojinta ee Gaza ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ayaa galay todobaadkii labaad , iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu weli rajo ka qabo in la ga garo guul, xili in ka badan 20 qofna lagu dilay dhulka.
Wada-hadallada dadban ee ka socda caasimadda Qatar ee Dooxa, ayaa u muuqday kuwo is-af-garan waayay dhammaadkii toddobaadka ka dib markii labada dhinac ay ku eedeeyeen dhinaca kale inuu horjoogsaday heshiis xabbad-joojin ah oo 60-maalmood ah iyo sii deynta la haystayaasha.
Qaza, hay’adda difaaca madaniga ah ee dhulka falastiiniyiinta ayaa sheegtay in ugu yaraan 22 qof lagu dilay duqeymihii ugu dambeeyay ee Israa’iil ay ka geysatay magaalada Gaza iyo hareeraheeda Khan Younis ee koonfurta.