Dowladda Puntland oo baaritaan ku haysa markabka Sea World oo shixnad hub ah u siday magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in ay dhawaan warbixin ka soo saarto dhammaan xogta ku saabsan markabka.
Markabkan oo hadda ku xiran dekedda Boosaaso, kaddib markii Puntland qabatay, islamarkaana uu baaritaan ku socdo ayaa ka soo shiraacday dekedda magaalada Izmir ee dalka Turkiga, waxaana uu ku sii jeeday Muqdisho, si uu halkaasi ugu dejiyo shixnadda habka ah ee saaran.
Xukuumadda Puntland oo qoraal kooban shaacisay waxay xaqiijisay in markabka Sea World uu sido shixnad hub ah, taasi oo ay warbixin rasmi ah ka soo saari doonto markii uu dhammaystirmo baaritaanka ku socda, balse xogta intaasi ka baxsan ma sheegin.
Dhinaca kale, xukuumadda Puntland waxay Beesha Caalamka ka dalbatay in Soomaaliya dib loogu celiyo Cuna-qabatayntii hubka ee saarnayd, si uusan hubku gacanta ugu gelin kooxaha argagixisada ah, maadaama aysan Soomaaliya ka jirin dowlad mas’uul ah oo xil iska saarta arrintaasi.