Golaha Shacabka Somalia Ayaa Mudeeya Xiliga Uu Qabsomayo Kalfadhiga 3aad Ee Barlamanka 11aad Ee Somalia. Xafiiska Golaha Shacabka Ayaa Sheegay In 29 May Qabsomidono Kulanka 1aad Ee Kalfadhiga 3aad Ee Barlamanka Somalia.
Author: Asad Shadhuuke
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka, kaas oo looga hadlay qodobada mudnaanta u leh horumarinta dhaqaalaha dalka iyo barnaamijka dayn cafinta. Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray kobcinta cilmi baarista dhaqaalaha, kobcinta heerka nolosha shacabka Soomaaliyeed, iyo wada shaqeynta hey’adaha kala duwan ee dowladda iyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka, si loogu diyaar garoobo koboc dhaqaale waara marxaladda ka dambeysa deyn-cafinta iyo ka xoreynta. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay Golaha dadaalkii ay ku bixiyeen diyaarinta wejiga 1-aad ee Hiigsiga Qarni-jirka ee 2060-ka, isagoo faray inay dardargeliyaan qorshaha dhaqaalaha dalka…
Mogadishu, 18-da May 2023; Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan la qaatay safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya mudane İbrahim Mete YAĞLI. Kulanka ayaa looga hadlay taageerada iyo mashaariicda ay Turkigu ka fuliyaan deegaannada Galmudug, sidoo kale Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay ku garab siintooda dagaalka lagula jiro argagaxisada.
Sida uu u sheegay warbaahinta dowladda Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xil. Maxamed Barre Maxamuud kadib shir fogaan arag ah oo uu la yeeshay xubno ka tirsan Xariirka kubadda cagta ee Aduunka FIFA, waxa uu yiri FIFA waxa ay ka digtay islamarkaana isla garanay halista ka imaan karta doorasho aan la isku raacsanayn oo hal dhinac ah iyo sida ay u xagal daacin karta xiriirka kubadda cagta Ee Soomaaliyeed. Waxa uu yiri wasiirka dhallinyarada iyo Cayaaraha inay isla garteen xiriirka kubadda cagta adduunka FIFA inaan la aqbalaynin doorasho hal dhinac ah oo kala qaybinaysa xiriirka Soomaaliyeed ee…
Hamza Abdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda , Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa faray Agaasimayaasha ilaalinta wakhtiga shaqada dowladda ee shaqaalaha, iyadoo agaasime walba laga rabo kormeer joogta ah in uu ku sameeyo howlwadeennada Wasaaradda uu Agaasimaha ka yahay, islamarkaana uu soo gudbiyo ciddii aan gudan waajibaadka ay u hayaan qaranka. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa faray Agaasimayaasha ilaalinta wakhtiga shaqada dowladda ee shaqaalaha, iyadoo agaasime walba laga rabo kormeer joogta ah in uu ku sameeyo howlwadeennada Wasaaradda uu Agaasimaha ka yahay, islamarkaana uu soo gudbiyo ciddii aan gudan waajibaadka ay…
Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku Qaabilay Odeyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed, Madaxweynaha ayaa kala hadlay sidii Doorkooda Nabadeed ay uga qaadan lahayeen Xal u helidda Shaqaqadii Shalay ka dhacday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
kulan siweyn loo soo agaasimay ayaa maanta ku dhexmaray Qasriga Madaxtooyada Puntland Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni Iyo Guddoonka iyo Golaha sare ee Jaaliyadda Qurbojoogta Puntland ee Puntland Diaspora Forum loona soo gaabiyo (PDF), Waxaa hogaaminayay Golaha sare ee Jaaliyadda Qurbojoogta Puntland guddoomiyaha Jaaliyadda Mudane Faarax Aw Cismaan.Madaxweyne deni ayaa Qurbojoogta uga warbixiyey Shaqooyinka Dalka ka socda, waxayna uga mahadceliyeen Madaxweynaha soo dhaweynta iyagoo aad u boggaadiyey hirgelinta Shaqooyinka Taariikhiga ah sida Dhismayaasha Wadooyinka, Dhismaha Ciidanka iyo Hirgelinta Dimuqraadiyadda, Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu qaabilay qeybaha kala duwan ee Bulshadii ka qeybgashay soo dhoweynta Qurbojoogta Puntland .
Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi isugu jiray Ganacsato ka socotay Dalka Turkiga iyo Madaxa hey’adda TIKA ee Soomaaliya Mr. Ilhami Turus. Iyagoo kawada hadlay fulinta mashaariic dhowr ah kuwaas oo wax ku’ool ah lagana fulinayo Caasimadda JFS. Duqa Caasimadda iyo Wafuudda ayaa sidoo kale kawada hadlay arrima ay kamid yihiin iskaashiga la xariira Dhismaha Wadooyinka, xarumaha Danta Guud, hirgalinta Warshadaha Wax soo saarka, Shaqa abuurka Dhallinyarada, xal u helida Qaxootiga iyo Barakacayaasha. Yuusuf Xuseen Jimcaale guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeyn kaga mahadceliyay Dowladda…
Wafdi ballaran oo uu hogaaminayo Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sanataro. Taliyaha ciidanka dhulka guddoomiyaha gobolka sh.dhexe iyo mas’uulyiin kale ayaa kormeer ku tagay deegaanka Daaru-Naciim Ee gobolka Shabeelaha dhexe. Boqolaal dadweyne oo kamid ah dadka deegaanka ayaa mas’uuliyiinta si weyn ugu soo dhaweeyay deegaanka, Masuuliyiinta ayaa maalmihii u dambeeyay kormeer ugu kuur galayay deegaanadii laga saaray kooxda Alshabab ee ka tirsan gobolka sh.dhexe.
Dhacdooyin sababay dhimasho iyo dhaawac oo la xariirtya aanooyin qabiil kana dhacay qeybo kamid ah magaalada Gaalkacyo dhinaca Puntland ayaa la soo warinayaa in xal laga gaaray. Shir ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka dowlad goboleedka Puntland iyo odiyaasha dhaqanka beelaha xurgufta ay dhexmartay ayaa lagu kala saxiixday heshiis hordhac ah oo la xariirta waxyaabihii dhacay, Odiyaasha labada beelood ee walaalaha ayaa isla gartay inay duug kala qaataan ayna nabad kuwada noolaadaan. waxaana iminka loo madalsan yahay kulan weyne lagu dhameystiraayo heshiiska hordhaca ah ay wada gaareen beelahani.