Ciidamada Daraawiishta koonfur/galbeed ayaa toogtay xubno shabaab ka tirsanaa oo howlgal ay ku soo qabteen,Howlgalka oo ka dhacay deegaanka Mooda-moode dhaca inta u dhaxeyso Degmooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba Ee gobolka Bay, Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Koonfur/galbeed ayaa sheegay in toogashada ragani ay timid kadib markii shalay kooxda alshabaab dagaal ay ku soo qaadeen saldhigga ciidamada ay ku lahaayeen deegaanka Deynuunaay iyaga oo doonayay inay xoog ku furtaan ragaasi, Wuxuuna intaasi raaciyay in Xubnahaan shabaabka ee la toogtay ay kooxda u qaabilsanaayeen aruurinta lacagaha ay ugu yeeraan Zekawaatka.
Author: Asad Shadhuuke
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Nin la sheegay inuu ahaa Maamule dukaan kaas oo isla goobtiisa ganacsi ku laayay dad ka adeeganayay dukaankiisa, Dhacdadaan ayaa ka dhacday gudaha dalka mareykanka gaar ahaan gobolka Virginia.qoraal barta twitterka uu soo dhigay Maamulka magaalada Chesapeake ayaa waxay ku xaqiijiyeen dhacdadaan sababtay dhimashada oo ka dhacday dukaanka Walmart, balse faah-faahin dheeri kama aaney bixin maamulka magaalada kaas oo ku aadan waxa ku sababay ninka inuu toogashada geysto.balse waxa ay cadeeyeen inuu marqura rasaas ooda kaga qaaday dad dukaanka ku sugnaa uuna goobta ku dillay 10ruux iyadoona ugu dambeyn uu isna istoogtay, Louise…
Dhul gariir cabirkiisa lagu qiyaasay 5.9-magnitude ayaa gilgilay gobol dhaca waqooyi galbeed dalka turkiga saaki aroortii Dhulgariirkaan oo sababay khasaarooyin lexaadleh ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay ku dhawaad 40ruux iyadoona laga yaabo in tirade khasaaraha ay sii kordhaaan, Wasiirka arimaha gudaha ee dalka turkiga Suleyman Soylu ayaa warbaahinta u sheegay in ilaa iyo iminka aaney la soo diiwaan gelin dad ku dhintay dhulgariirka , Warbaahinta Maxalliga ah ee dalka turkiga ayaa soo bandhigtay sawiro muujinaya dhismayaal burbur xooggan uu soo gaaray kuwaas oo dhulgariirka ku burburay, Gobolka Golkaya oo ah halka uu ka dhacay dhulgariirka ayaa 200km bari…
Dhawaan doorasho ka dhacday gudaha degmada dhuusamareeb ee gobolka galgaduud maamulka galmudug ayaa waxaa lagu doortay Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka degmadaas ee ah Caasimadda dowlad gobolleedka Galmudug ee Dhusamareeb . Munaasabad lagu caleemo saarayay mas;uuliyiintaasi ayaa ka dhacday gudaha degmada dhuusamareeb waxaana ka qeybgalay Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye qoor-qoor.. sidoo kale waxaa munaasabadda caleema saarka ka qeybgalay Madaxweyne ku Xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Daahir Ciid, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, mudane Maxamed Nuur Gacal, Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiiro Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ee DFS, qaar ka mid ah xildhibaanada BFS, xubnaha…
Qeybaha bulshada iyo maamulka degmada Ceelguula ee gobolka mudug ayaa siwadajir ah u dhagax dhigay Aargo ay yeelan doonto degmadaasi taas oo laga hergalinayo bartamaha degmada, Guddoomiyaha Dagmada Ceelguula Cali Baashi Macalin Aadan ayaa sheegay inay qeyb ka tahay dhismaha Aargadani horumarinta iyo sara u qaadista Bilicda Dagmada Ceelguula.. Waxaana lagu wadaa in dhismaha Aargadani ay si Mutaddawacnimo ah inay kaga qeybqaataan dhammaan qeybaha bulshadda oo ay ugu horee-yaan dhallinyarada ganacsatada iyo haweenka. Dhanka kale Guddoomiyaha Dagmada Ceelguula Cali Baashi Macalin Aadan, ayaa ugu baaqay qurba joogtada ka soo jeeda degmada isaga oo yiri’Waxaan idinka codsanayaa inaad haddii aad tihiin…
Xilli uu ku gudo jiray waan waan uu ka dhexwaday maleeshiyo beeleed maalmihii u dambeeyay ku dagaalamayay deegaano hoostagga degmada Cadalle ayaa waxa uu ku waayay noloshiisii. Nabadoon Muqtaar Axmed Xasan waxa uu kamid ahaa nabadoono dhawaan ku baxay sidii loo xalin lahaa colaad beeleed mudooyinkii dambe ka socday deegaano hoostaga degmada Cadalle ee gobolka sh/Dhexe, In colaadda la joojiyay waa ay ku guuleysteen nabadoonadu uu qeybta ka ahaa Alle ha u naxariistee nabadoon muqtaar balse shalay gellinkii dambe ee shalay iyada oo weli howshii nabadeynta ay socoto ayaa maleeshiyo kamid ah maleeshiyo beeleedkii uu waan waanta ka dhexwaday ku…
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay Dekadda Muqdisho waxaana ku soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdullahi Axmed Jamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Sadaam Maxamuud iyo Maareeyaha Dekadda, Xasan sheikh maxamuud ayaa booqday qeybaha kala duwan ee dekedda iyadoona mas’uuliyiinta dekedda muqdisho ay uga sheekeeyeen sida dekedda ay u shaqeyso, Madaxweyne Somaliya ayaa tilmaamay mar uu la hadlayay shaqaalaha dekadda ku soo dhaweeyay iyo mas’uuliyiinta ku shaqada leh muhiimadda shaqada socota ay u leedahay guud ahaan bulshadda soomaaliyrr, Wuxuunna kula dardaarmay in iyaga oo ilaalinaya qaanuunka dowladnimada ay si wanaagsan ugu shaqeeyaan dadka Soomaaliyeed,…
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa gudaha madaxtooyada ku qaabilay warqadaha aqoonsiga danjiranimana kagala wareegay Safiirka Cusub ee Dowladda Qatar ay u soo magacaabatay dalka mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi. Danjire Al-nuceymi ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiyey salaan iyo farriin muujineysa ixtiraamka qarannimada iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal, taas oo uu ka siday Amiirka dalkiisa Mudane Tamiim Binu Xamad. Wuxuu danjiruhu soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay, Madaxweynaha soomaaliya ayaa ugu dambeyn kula dardaarmay Danjiraha…
Shirkan loogu magac daray horumarinta dhallinyarada iyo haweenka gobolka banaadir ayaa ujeedkiisu wuxuu yahay in looga doodo arimaha la xariira horumarinta dhallinta iyo haweenka iyadoona diiradda lagu saari doonno sida shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhallinta looga qeybgalin lahaa siyaasadda heer kasta, iyo dhibaatooyinka isticmaalka daroogada sharci darada ah. Wasiirka Waaaaradda Cayaaraha iyo Dhalinyarada Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliyeed, Md Mohamed Barre qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka, Guddomiyaha Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada, Agaaismaha Guud ee Qorahaynta Maamulka G/Banaadir, xubno ka mid ah bulshada rayidka iyo dhalinyarada iyo haweenka degmooyinka Gobolka ayaana shirka siwadajir kaga soo qeybgalay. Shirka ayaa la filayaa…
Eeney Ureyn waxa uu ahaa mid kamid ah dhallinyarada iyaga oo aad u da’yar ku biiray kooxda alshabaab isagoona kaga biiray kooxda deegaanka Ceel-Bashiir Ee hoostagta Degmada Buur-hakaba. Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa Eeney ka soo qabteen Dagmada Afgooye 13-kii Bishii Juun ee Sanadkaan, isaga oo Al-Shabaab u qabilsanaa Qeybta Qaraxyada. Sidoo kale Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa sheegtay in Eeney uu si toos ah saraakiisha qaraxyada kooxda Alshabaab uu ka soo qaadi jiray Miinooyin diyarsan ka dibna uu gayn jiray dagmada Buur-Hakabe isaga oo isticmaalaya mooto Feekon ka dibna waxa uu dhigi jiray meeshii uu markaas u arko in…