Author: Asad Shadhuuke

Waxaa maanta shir jaraa’id ugu qabtay magaalada muqdisho xafiiska hanti-dhowrka guuds ee qaranka iyaga oo ka warbixiyay baaritaanadii ay sameeyeen sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2021, Xafiiska hanti-dhowrka guud ee Qaranka waxa uu tilmaamay in 5 Millyan oo Dollar lagu shubtay kooto ka baxsan Bangiga Dawlada,106 Millyann oo iib ahna ay Samaysay Dawlada, islamarkaana ay gashay waa dowladdee 105 heshiis ah. kuwaas ku kacay 14 Millyan, Sidoo kale xafiiska hanti-dhowrka qaranka ayaa farta ku fiiqay in deeqo dhan 13 Millyan oo dollar aanan lagu darin miisaaniyada Dawlada 2022 .Baaritaan lagu sameeyey 29 Hay’adood iyo 3 safaaradood.

Read More

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee CCTV. 38ruux ayaa ku dhintay kadib markii uu dab xooggan ka kacay warshad ku tiilay magaalada Anyang Ee dhacda bartamaha gobolka Henan Ee dalka shiinaha, labo qof waa dhaawac halka labo kalena nolol iyo geeriba lagu la’yahay.hadana dabka ka kacay warshadda waxaa lagu guuleystay in la baqtiyo wallow wararku ay tibaaxayaan inay ku qaadatay ciidamada dab-damiska mudo ka badan 4saacadood, Bishii Saddexaad ee sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii 78 qof ay ku dhinteen dab saameeyay warshad lagu sameeyo kiimikada ee ku taalla Shiinaha.

Read More

Taliye ku xigeenka booliiska magaalada Kasarani Anthony Mbogo ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen 200 oo Taleefanada shaashada kuwaas oo siyaabooyin kala duwan loo soo xaday, Wuxuu yiri taliye Anthony Mbogo waxaan sidoo kale ku guuleysanay ineynu gacanta ku soo dhigno nin looga shakisanyahay inuu kamid yahay tuugada taleefanada soo xaday kaas oo markii laamaha amaanka ay qabteen geeyay meel ay taleefanada ku raseesnaayeen Ninka tuhunsanaha oo magaciisa lagu sheegay Antony Orlando iyo sidoo kale 12qofood oo kale ayaa iminka ku jira gacanta laamaha amaanka dalka keynya, Inta badan ciidamada Booliiska dalka keynya ayaa baacsada kooxo burcad ah oo…

Read More

James Mugo Ndichu waxa uu ahaa dhaqtar xarun caafimaad ku leh xaafadda Githurai Ee Magaalada Nairobi, Sanadkii 2018kii ayaa waxa uu fal kufsi ah kula kacay haweeney bukaan aheyd oo xaruntiisa caafimaadka u timid inuu daaweeyo, Wendy Muchemi oo ah garsooraha maxkamadda xukuntay dhaqtarka ayaa sheegay in James Mugo Ndichu uu ku kacay fal khatar ku ah bulshadda isaga oo daroogo siiyay qof dumar bukaan ah kadibna kufsi kula kacay. Dr.Mugo ayaa markii ugu horreysay maxkamad la soo taagay afar sano ka hor, ka dib markii lagu soo qabtay falkani inuu kula kacay haweeney bukaan ahayd.

Read More

Ciidamo ka tirsan dowladda keynya ayaa lagu weeraray xaduud beenaadka gobolka jubadda hoose uu la wadaago dalka keynya, inta la xaqiiyay weerarkaan ayaa lagu dillay saddex askari oo keynyaan ah iyadoona lagu dhaawacay shan kale. waxaana la sheegayaa in weerarka uu fuliyay qof ku hubeysnaa qoryaha fudud kaas oo si gaadmo ah dhexda kaga galay askarta deetana rasaasta ooda kaga qaaday. Sarkaal ka tirsan ciidamada keynya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ninka hubeysan uu muddo tijaabinayay weerar noocan oo kale ah. isagoona tilmaamay in askarta kale laga doonayo inay taxaddar badan muujinaa oo feejignaanaa,” Ciidamadda Kenyanka ah ayaa…

Read More

Wararka ka imaanaya gobolka Ceyn ayaa sheegaya in ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa ciidamo kala taabacsan Maamullada Puntland iyo Somaliland. Dagaal sababay dhimashada laba ruux iyo dhaawaca shan kale ayaa ka dhacay deegaanka qararro oo ah halka ay isku heystaan ciidamada labada maamul. Inkastoo weli saraakiisha ciidamada ee Somaliland iyo Puntland aaney ka hadlin dagaalka hadana saaki xaalku waa mid yara degan walow la filan karo dagaalo markale halkaasi ku dhexmara ciidamada deegaanka dhufeysyada sameystay. Magaalada Boocame ee Gobolka Sool ayaa sidoo kale kamid ah meelaha ay isku hor fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo Puntland, Waxaana la ogeyn goorta…

Read More

Maxamed Xuseen Sebriye oo ku Magac dheer Guuleyste horayna uga mid ahaa musharrixiinta kula loolamay Xildhibaan Yuusuf Kabaale kursiga hop#33 ayaa kooxo bastoolado ku hubeysan ay ku dilleen gudaha degmada wadajir ee gobolka Banaadir, Koox dhallinyaro oo bastoolado ku hubeysan ayaa Maxamed ku toogtay Waaxda Tima Cade Ee degmada Wadajir iyaga oo durba goobta ka baxsaday, Laamaha amaanka ayaa gaaray halka uu ka dhacay falka dilka ah iyadoona howlgallo baaritaano ah goobta ay ka sameeyeen, Maalmihii ugu dambeeyay waxaa ku soo badanayay gudaha magaalada muqdisho falalka la xariira amni darada iyadoona marar badan maamulka gobolka banaadir iyo saraakiisha ay ku…

Read More

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Ee Somaliland ayaa ka warbixiyay halka ay mareyso xumaddii ka jirtay deegaanada Somaliland, Liibaan Yuusuf Cismaan oo la hadlayay laanta afka soomaaliga Ee VOA ayaa sheegay inay hoos u dhaceen kiisaska dadka uu soo ridanayay xumadda, Wuxuu yiri wasiir ku xigeenka weynu la tacaalnay dadkana waxaanu siinay talooyin caafimaad innaga oo buufinaya deegaanka iyo goobaha dhirta ku badan tahay sidaa aawadeed haatan xaalka xumadda waa mid sii yaraaneysa, boqollaal ruux ayaa kalhore goobaha caafimaadka loo dhigay halka kuwa kalena ay u geeriyoodeen xumaddan oo ka dillaacday magaalada hargeysa iyo deegaanada ku hareereysan dhowr bilood kahor…

Read More

Sida ay baahiyeen warbaahinta maxaligga ee ka howlgalla dalka Indonesia in ka badan 162ruux ayaa ku dhintay halka kummanaan kalena ku dhaawacmeen kadib dhul gariir xooggan oo ku dhuftay magaalada Cianjur Ee dhaca galbeedka gobolka West Java , Qiyaasta dhul gariirka oo cabirkiisa lagu sheegay 5.6 -ayaa sababay burburka guryo badan oo isugu jira iskuulo goobo ganacsi iyo guryo deegaan ahaa, Ridwan Kamil oo ah guddoomiyaha gobolka dhaca galbeedka ee Java dhulgariirkuna uu ka dhacay ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in tirada khasaaraha marba marka ka sii dambeyso ay sii kordheyso, Wuxuuna guddoomiye Ridwan Kamil uu goor sii horreysay u sheegay…

Read More

Guddoomiyaha Degmadda Kaxda Ee gobolka banaadir Cabdullahi Sheekh Cabdiraxmaan oo dhawaan loo magacaabay xilka Guddoomiyaha degmadaas ayaa dhawaanahaanba waday kulamo uu la yeelanayo qeybaha bulshada degmadiisa si ay isku bartaan una wada shaqeeyaan. Kullan ballaaran oo ay qeyb ka ahaayeen dhallinyarada haweenka odiyaasha salaadiinta iyo culimaa’udiinka ayuu maanta la yeeshay guddoomiye Cabdullahi Sheekh Cabdiraxmaan Waxaana kullankaasi looga arinsanayay sidii degmada kaxda loo hormarin lahaa taa oo ugu dambeyntii lagu go’aamiyay in la sii laba laabo bilacda iyo horumarka ay degmada ku talaabsatay,

Read More