Cabduqadir Qoslaaye waxa uu kamid ahaa dhallinyarada soomaaliyeed ee kunoolaa dalka koonfur Afrika, Kooxo burcad koonfur/afrikaan ah ayaa goob ganacsi uu ku lahaa tuulo ka tirsan magaalada Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika. ALLAHA u Naxariistee Marka laga soo tago geerida Cabduqaadir Qoslaaye waxaa kale uu dhaawac soo gaaray Muwaadin kale oo lagu Magacaabo Muxudiin Xuseen Gacal sida eheladooda ay xaqiijiyeen. Boliiska Koonfur Afrika ayaa sidii horay looga bartayba sheegay inay baarayaan dadkii ka dambeeyay weerarakaasi,
Author: Asad Shadhuuke
Sida ila wareedyo gudaha garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde Ee Magaalada Muqdisho ku sugan ay xaqiijinayaan waxaa maanta soo gaaray gudaha dalka Ciidamadii ugu horreysay ee tabbabar ugu maqnaa dalka Eritrea kuwaas oo muran badan dhaliyay maqnaashahooda,Waxaana la xaqiijinayaa in maanta soo dagatay diyaarad ciidan oo ay saarnaayeen askar gaareysa ilaa 400 askari, waxeyna hordhac u yihiin soo celinta dhamaan ciidamadda maqan. Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan Mareykanka ka sheegay in dhamaan ciidamadda ku maqan Eritrea ay dalka dib ugu soo laaban doonaan ugu dambeyn bisha January ee sanadka cusu ee 2023.
19qofood ayaa xabsiga la dhigay kuwaas oo afar kamid ah ay yihiin rag halka 15kalena ay yihiin dumar kadib markii Ciidamo booliis islaami ah ay ku weerareen waqooyiga dalka Nigeria goob xaflad aroos aheyd, Lawal Ibrahim Fagge Oo ah afhayeenka booliiska ee magaalada Kano ee dalka Nigeria ayaa sheegay in sababta ka dambeesay weerarka ay ku qaadeen xafladani arooska inay tahay in arooska ay dhiganayeen lamaane isku jinsi ah. Inkastoo aysan ku guuleysan ciidanka booliiska inay gacanta ku soo dhigaan lamaanaha xafladda arooska dhiganayay hadana waxa ay soo xereen 19 ruux kuwaas oo kamid ahaa dadkii xafladda qeybta kala ahaa,…
Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Gargaarka Soomaaliya Amb. Adam Abdelmoula ayaa maanta kuwada kulmay magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha ayaa ergeyga kaga warbixiyay xaaladda nololeed magaalooyinkii dhawaan booqashooyinka uu ku tagay ee Xudur iyo Baydhabo kuwaas oo ay ka jiraan xaalado cakiran oo bulshada deegaanka ka haysta dhinaca nolosha. Wuxuuna guddoomiyuhu ku booriyay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Arrimaha Gargaarka in deegaannadaas la tago si wax looga qabto dadka ay abaartu saameysay. Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Gargaarka…
Waxaa maanta si rasmi ah loo dhagax dhigay dhismaha Xafiisyada Hay’addaha Dowladda ee ka hawlgelaya dekedda Garacad.Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland ayaana dhagax dhigay dhismaha xaruntaasi, siyaasadda Xukumadda Dowladda Puntland ayaa qeyb ka ah Horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha Dowladda iyo unkidda dhismaha xarumaha muhiim ka ah ee dowladda. Waxaana munaasabadda lagu dhagax dhigayay dhismaha Xafiisyada Hay’addaha Dowladda ee ka hawlgelaya dekedda Garacad ku wehlinayay madaxweynaha.Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda iyo Guddiga Shirkadda Wadaagsan.
Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Dowladd gobolleedka Puntland oo safar shaqo ku jooga degmada Garacad ee gobolka Mudug ayaa saakay kormeeray Dekedda cusub ee magaaladaasi, Dekedda ayaa waxaa ka socda shaqo Lixaad leh oo lagu dhameystirayo dhismaha dekedda,Madaxweyne Deni ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee Dekedda, isagoo warbixino faahfaahsan oo ku qotoma qaabka shaqadu u socoto ka dhegaystey masuuliyiinta iyo hawlwadeenada dekedda.
Taliska Booliiska gobolka banaadir ayaa warbaahinta u sheegay inay gacanta ku soo dhigeen labo ruux oo ku hubeysnaa AK-47 kuwaas oo dhac geysanayaY, Raggaan hubeysnaa ayaa laga soo qabtay qeybo kamid ah degmada Yaaqshiid iyaga oo ku howlan fal dambiyeedyo, Maalmihii ugu dambeeyay Ciidamada Booliiska gobolka Banaadir ayaa laba jibaaray howlgallada ay kula dagaalamayaan kooxaha burcadda ah iyo Ciyaal weerada iyo dadka ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.
Kadib howlgallo saacado badan qaatay oo xalay ay ka sameeyeen ciidamada Booliiska dowlad goboleedka Puntland Xaafado ka tirsan Magaalada Garowe ayaa waxay ku soo qabtaan dad lala xariirinayo ka gancsiga waxyaabaha maanka dooriya, Sarkaal ka tirsan Booliiska oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkii xalay ay ka sameeyeen xaafadaha Garowe uu ahaa mid ka dhan ah kooxaha ka ganacsada maandooriyaha Khamriga.wuxuuna intaasi raaciyay sarkaalka Booliiska” Sidaan u qorshaynay ayuu u fulay hawlgalkii xalay waxaana gacanta lagu dhigay ciddii la doonayay” Howlgallada ka dhanka ah maandooriya ayaa mudooyinkii dambe ku soo badanayay xaafadaha kala duwan ee magaalada Garowe caasimadda Puntland,…
Axmed Macallim Fiqi Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Somaliya iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo ku sugan Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan ayaa halkaasi kawada kulamo kala duwan, Waxa uu saaka la kulmay wasiirku Senator Raza Rabani iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dalkaasi. Mudane Fiqi, oo wafdigiisu ay qeyb ka yihiin XFS iyo Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada ayaa Senator Raza oo horay usoo hoggaamiyay Senate-ka Pakistan kala hadlay arrimaha federaalka iyada oo lagu soo qaaday hannaanada federaalka ee labada dal iyo khibradaha. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, muddada todobaadkan ah ee uu joogayo dalkaasi waxaa…
Xildhibaan Ilhaan Cumar Oo ka tirsan Aqalka Golaha Wakiilada Maraykanka ayaa La filayaa in Maalinnimada Berito ah ay soo gaarto caasimadda dowlad gobolleedka Puntland ee Garoowe. Waxaana ka socda gudaha magaalada garowe qaban qaabada loogu jiro soo dhaweynta Xildhibaan Ilhaan Cumar .Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dowladda ayaana si weyn u soo dhaweyn doona. Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa sannadkii 2018 noqotay qofkii ugu horreeyay ee Somali-American ah oo loo doorto Aqalka Congress-ka Mareykanka waxaana laga soo doortay Gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka, Marwo Ilhaan ayaa asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya gaar ahaanna deegaannada Puntland.