WAR SAXAAFADEED MOGADISHU, 12 October 2022: Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay mar kale caddeyneysaa inay ka go’an tahay ilaalinta iyo dhowrista xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida saxaafadda. Sidoo kale waxaa wasaaradda ka go’an ilaalinta xuquuqda suxufiyiinta, in loo fududeeyo gudashada waajibaadkooda iyo inay si xor ah fikirkooda u dhiibtaan iyagoo raacaya xeerarka saxaafadda iyo sharciga dalka u yaalla. Wasaaradda waxay ka war heshay xarigga Mudane Cabdalla Muumin oo ka tirsan bahda ururada saxaafadda ee magaalada Muqdisho ka hawlgala. Xiriir ay la sameysay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa wasaaradda lagu wargeliyay in Cabdalla Muumin uu gacanta ugu jiro Ciidanka Booliska Soomaaliyeed…
Author: Asad Shadhuuke
Madaxweynihii Hore Ee Dowladdii Kumeel gaarka aheyd Ee Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed ayaa Ugu hampalyeeyay Guud ahaan Umadda Soomaaliyeed 12October Oo ku Asteysan Maalintii Calanka Soomaaliya. Sh.Shariif oo qoraal kooban ku soo qoray bartiisa Facebook ayaa Yiri. Bismillahi, Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynayaa sanad guurada 68-aad maalinta Calanka Soomaaliyeed ee 12-ka Oktoobar. 1954-kii maanta oo kale ayay Soomaaliya yeelatay calan u gaar ah oo aan uga soocannahay Umadaha kale.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta qiimaha badan ee 12-ka Oktoobar oo ku beegaan maalintii la yagleelay Calanka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in maalinta Calanka ee 12-ka Oktoobar ay shacabka Soomaaliyeed ugu suntantahay maalin weyn oo halyeey Maxamed Cawaale Liibaan uu hindisay Calankeenna quruxda badan ee aan dunida kale kaga tilmaaman nahay, taas oo muujineysa sida dadka Soomaaliyeed Maskaxdooda, naftooda iyo maalkooda ugu hureen gobanimada dalka iyo helidda astaan ay gaar u leeyihiin. “Si aan u dareensiinno Carruurteenna iyo jiilasha danbe maalintan qiimaha badan waa in aan xusnaa oo…
Madaxweyne ku Xigeenka koowaad Ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan Iyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo iskaashiga Caalamiga Ee Dowlad Gobolleedka Jubbaland Mudane Cabdiraxman Cabdi Axmed ayaa maanta magaalada Nairobi kullan kula qaatay Safiirka Dalka Sweden u qaabilsan Somaaliya Mr. Per Lindgarde. Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Iyo Wasiirkiisa Wasaaradda Qorshaynta iyo iskaashiga Caalamiga Ee ayaa waxay safiirka kala hadleen qoddobo ay kamid yihiin: Arrimaha Amniga iyo la dagaalanka AlshababArimaha abaaraha iyo xal u helidda soo Noqnoqoshada Musiibooyinka dabiiciga ah. Sidoo kale Madaxweyne ku Xigeenka Jubbaland ayaa kala Hadlay Safiirka Sweden Ee Soomaaliya Wax ka qabashada dabkii ka kacay suuqa…
Sh. Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka BJFS, kuna Sugan dalka Netherland ayaa xalay kulan la qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi. Kullankaan Waxaa Hormuud ka ahaa Amb. Yuunis Yaasiin Xaashi Oo ah Safiirka Soomaaliya Benelux iyo Midowga Yurub. Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Netherland iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa ayaa ka Wada hadlay arimo dhowr ah iyaga Oo isxaal wareestay.. Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ka dhageystay Jaaliyadda Soomalida Ee Netherlands Xaaladda ay ku Sugan Yihiin Sidoo Kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, ayaa dhankiisa lawadaagay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magalada…
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Shirka (IMF Afrika Group 1) Kaas Oo ah shir ay ka soo qeyb galaan Wasiirada Maaliyadda iyo Gudoonka Bangiyada Dowliga ah ee dalalka afrika,Iyo madaxweyne ku-xigeenka hey’adda maalgalinta Bangiga Adduunka (IFC) Shirkaan ayaa inta badn diiradda lagu saaraa Horumarinta dhaqaalaha Mustaqbalka Afrika iyo ka gudbidda caqabadaha maaliyadeed, oo Soomaaliya ay qayb ka tahay. Sidoo Kale Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Elmi M. Nur ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweyne ku-xigeenka hey’adda maalgalinta Bangiga Adduunka (IFC) Mr. #Sérgio_Pimenta, Waxeyna Labada Mas’uul kawada Hadleen Sidii loo maalgalin lahaa Ganacsiga gaarka loo leeyahay ee…
Sida ay baahisay Warbaahinta dowladda Soomaaliya Ciidamo ka tirsan Millateriga Somaliya ayaa Howlgalo qorsheysan ka Sameeyay Deegaanka Buulo Kuuno iyo Deegaano kale Oo dhaca dhulbeereedka dhinaca Waqooyi kaga begaan degmada Balcad Ee Gobolka Sh.Dhexe. Dowladda Soomaaliya ayaa Sheegtay in Howlgalkaasi ay ku dileen Afar ka tirsan DagaalYahanada Alshabaab. Halka Sidoo kalena ay gacanta ku soo dhigeen hal dagaal Yahan hub iyo gaari uu watay. Dowladda Soomaaliya ayaa tilmaamtay in howlgalkaan uu yimid kadib markii Ciidamadda Soomaaliya ay heleen xog la xariirta in tuulooyinkaas ay Ku sugan yihiin Xubno ka tirsan AS.
Xafiiska Xilaaliyaha Guud Ee Dowladdeer Gobolleedka Jubbaland ayaa maanta bur-buriyay 445 dhalo Oo ay Ku jireen Maandooriyaha khamriga. Dhalooyinkan Khamriga ah ayaa Waxay Ciidamada Jubbaland Gacanta ku Soo dhigeen 30kii bishii May Ee Sanadkaan. Iyadoona Mudadaas Wixii ka dambeeyay Laamaha Amaanka baaritaano ay ku Sameynayeen. Ugu Dambeyn Maanta ayuu Fagaare ku burburiyay Xeer ilaaliyaha Guud Ee Dowladd Gobolleedka Jubbaland.
Dagaal Xooggan ayaa Markale Saaki aroirtii ka bilawday Deegaanka Yasooman Ee hoostaga Magaalada Buulo_burde Dagaalka ayaa la sheegayaa iney ku Soo qaadeen Dagaal yahano ka tirsan Alshabaab. Dagaalo qaraar ayaa Maalimhii u dambeeyay waxa uu ka socday deegaanka Yasooman Kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka Oo dhinac ah iyo Alshabaab.
Qoraal uu Soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ku sheegay inuu qaatay Shahaadada Sare PhD Ee Culuumta Nabada Iyo Houmarka. Madaxweynaha ayaa qoraalkiisa Sidaan ku yiri: Alle ayaa mahad leh, waxa aan maanta qaatay shahaadada sare (PhD) ee culuumta Nabadda, Maamulka iyo Horumarka ee Jaamacadda Nabadda Qaramada Midoobey. 30-kii sano ee aan ka soo shaqeynayey arrimaha waxbarashada dalkeennna waxa aan ka bartay in dib-u-dhiska dowladnimadeenna iyo horumarkeenna ay aas-aas u tahay waxbarashadu, sidaas awgeed, waxaa naga go’an in aan dadaal ku bixinno hirgelinta waxbarasho tayo leh iyo fududeynta addeegyada la xiriira waxbarashada aas-aasiga ah