Author: Asad Shadhuuke

Magaalada Nairobi waxaa maanta ka furmay shirka Dowladda Soomaaliya iyo Ha,adda IMF ee hannaanka dib-u-eegista iyo horumarinta maaliyadda Dalka, Shirka ayaa waxaa lagu lafa-guray heerka siyaasadda dhaqaalaha iyo dib-u-habayntiisa Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumada Fadaraalka ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saaray xoojinta dhaqaalaha mustaqbal ka dhaw. Ee dalka. Wasiirka ayaa u mahadcelinayay dhammaan hay’adaha Dowladda ee shirka kala qeyb galay, sida Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Bangiga dhexe, Xafiisyada Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxtooyada. RBN NEWS SOMALIA

Read More

Xafiiska Ergayga Gaarka ee Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Carruurta ayaa ka shaqeeyay in dalka dib loogu soo celiyo 9 dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xayirnaa Liibiya muddo sanooyin ah, kuwaas oo gacanta ugu jiray kooxaha dadka tahriibiya. Dhallinyaradan oo xiriir la sameeyay Safarradda Soomaaliya ee Liibiya ayaa laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo ay ku soo dhaweysay Ergayga Gaarka ee Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Carruurta u qaabilsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf iyo masuuliyiin kale. Dowladda Soomaaliya waxaa ay dadaal dheer ugu jirtaa sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanniban xabsiyada dalalka adduunka ay dib ugu soo celin lahayd…

Read More

Cidamada dawlada somalia ayaa Howgalo Balaran Kasameeyay Degano Katirsan Gobalka Bakool Ee Maamulka Konfur Galbeed Somalia Howgalka Cidamada Dawlada waxa Ku Wehelinaya Xildhibano Katirsan Golaha Shacabka Oo Deegan Dorashadooda Tahay Konfur Galbeed Somalia. Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya maamulka gobolka Bakool ayaa Lawareegay Degaano Hoostaga Dagmada Xudur Ee Gobalka Bakool. Deegaanada sida gaarka ah howlgalka looga sameeyay oo ciidanka xoogga ay gaareen ayaa waxaa ka mid ah Farag, Wargaloole, Luwaay weyne iyo Huuyaley, waxaana deegaan isaga baxay Xubno Katirsan Ururka Al Shabaab Oo Mudo Ka Ariminayay Deganadaas. RBN NEWS SOMALIA

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Danjiraha Masar u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed al-Saciid Axmed al-Baz. Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa kulankooda uga wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii xoojin lahaa. RBN NEWS SOMALIA

Read More

Wasiirka kuxigeen warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaliya cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala’ Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur shuuriye oo gaaray gaaraya Degmada baxdo ee Gobolka galgaduud iyo deegaanada uu ka socdo kacdoonka kooxda Alshabaab ayaa la kulmay dhaqanka iyo bulshada Baxdo Waftiga wasiirka ayaa sidoo kale kulan la qaatay saraakiisha heer federaal ee hogaamiyaana kacdoonka la doonayo in lagu xoreeyo degaanada Galmudug ka jogaan argagixisada Wasiir Alcadaala iyo Xildhibaan Cabdi Saabir ayaa lagu wadaa iney tagaan dhamaan degaanada ey ku diyaarsanyihiin Ciidamada iyo Dadka degaanka ee u diyaarsan xoreynta deeganada RBN NEWS SOMALIA

Read More

Muqdisho, 20, Sebtember, 2022: Dowladda Hirshabeelle waxa ay bogaadineysaa guulaha muhiim ka ah ee laga gaaray howlgalada baahsan ee ka socda deegaanada Hirshabeelle ee lagu ciribtirayo kooxda argagixisada arxanka daran ee alshabaab. Qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa suuragaliyay inay xureeyaan deegaano dhowr ah oo argagixisada AS ay hore u maamulayeen jab xooganna lagu gaarsiiyay dagaaladii lala galay sida deegaanada, Yasooman, Nuur fanax, Buuraha qayaayaale, Garasyaani, Aboorey, Tardo, Sagal geed, Geedsamo, Inameey iyo Booco oo maanta laga saaray cadowga. Dowladda Hirshabeelle waxaa ka go’an xureynta deegaanada ku jira gacanta cadowga iyadoo kaashaaneyso Ciidamada Qalabka…

Read More

Wasiiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Aden ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Per Erik oo u dhashay dalka Norway iyo Peter Sol oo u dhashay Maraykanka oo ah xeeldheereyaal caalami ah oo dhinaca kalluumeysiga iyo badaha ah kuwaas oo ka tala bixinaya sida lagu horumarin karo kalluumeysiga gudaha, ilaalinta badqabka noole-badeed ka, ilaalinta fayadhowrka kalluunka iyo horumarinta xeebaha. Wasiir Ahmed ayaa uga mahadceliyey aqbalaadda casuumaadda uu u ufidiyey iyo in ay diyaar u yihiin in ay wasaaradda kala shaqeeyaan horumarinta arrimaha horutabinta u leh wasaaradda ee kalluumeysiga, ka faa’ideysiga kheyraadka badda iyo sida ugu haboon…

Read More

(RBN NEWS SOMALIA)Garoowe: 17 September 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Goleyaasha deegaanka ee saddexda degmo ee Eyl, Ufeyn iyo Qardho, oo ah Goleyaashii ugu horeeyay ee hal qof iyo hal cod lagu soo doortay Puntland. Mudaneyaasha Goleyaasha deegaanka ee saddexda degmo ayaa la tusay oo booqday qeybaha kala duwan ee Madaxtooyada ka koobantahay oo uu ku jiro Xafiiska Madaxweynaha oo ay salaan ugu tageen, intaasi kadib waxaa uu Madaxweynuhu Kula hadlay Hoolka Shirarka Isagoo la wadaagay sida ay Dowladda uga go’antahay dhameystirka doorashada degmooyinka Puntland. Munaasabadda waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Wasiiru…

Read More