Author: Asad Shadhuuke

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY XOGHAYAHA ARIMAHA DIBADDA MARAYKANKA Washington, Sibteebar 17, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda Arimaha Dibadda Maraykanka ee magaalada Washington, Xoghayaha Arimaha Dibadda dalkaas Mudane Antony Blinken. Madaxweynaha iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal iyo taageerada muhiimka ah ee dowladda Mareykanka ay siiso Soomaaliya. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Dowladda Maraykanka Mudane Antony Blinken in lagu garab istaago dowladda Soomaaliyeed qorsheyaasha horumarineed iyo tallaabooyinka hor-u-socodka…

Read More

Muqdisho, Sebteembar 14. 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Maraykanka, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey. Meertadan oo soconaysa inta u dhaxaysay 13-ka ilaa 27-ka Bishan ayaa lagaga arrinsanayaa yareynta saboolnimada iyo xasillooni darrada, horumarinta waxbarashada, shaqo abuurka dhallinyarada, xal u helidda musiibooyinka dabiciiga ah iyo xuquuqda dadka laga tirade badan yahay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey waxa ay hordhigayaan aragtida iyo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira la dagallanka saboolnimada iyo…

Read More

RBN NEWS SOMALIA: 14, Sebtember, 2022: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Danjire Tiina Intelmann. Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan xoojinta iyo dardargalinta mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageerayo Dowladda Hirshabelle Sida Gurmadka abaaraha, Sugida amniga, Sare u qaadida mashaariicda horumarineed iyo dhisida awoodaha hay’adaha kala duwan ee Dowladda Hirshabeelle. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo dadaalka ay ugu jiraan sidii Hirshabeelle ay uga taageeri lahaayeen howlaha hortabinta u leh dowladda.…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Furey Shirka Gudoomiyaasha Gobolada iyo Degmooyinka Koonfur Galbeed. Shirka Waxa soxadiray Dhamaan Gudomiya Yaashada Dagmoyinka Ay Ka Kobanyihiin Gobalada Bay,Bakool,iyo Shabeelada hoose Oo Dhamaantoda Hoosyimada Maamulka Konfurgalbeed Somalia. RBN NEWS SOMALIA

Read More

Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshisiinta XFS ayaa waxaa ay baaq nabadeed u dirtay labo beelood oo ku dagaalamay deegaanka Laanqaylo oo 8 KM ujirta magaalada Xeraale gobolka galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug. Wasaaraddu waxaa ay ugu baaqaysaa odayaasha dhaqanka, waxgaradka deegaanka iyo dowlad goboleedka Galmudug, in ay ka shaqeeyaan joojinta colaadda iyo nabadaynta beelaha wada dega deegaankaas. Ugu dambayn, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, federaalka iyo Dib U Heshisiinta ayadoo ka xun colaadaha soo noq noqday ayaa waxay si gaar ah ugu boorineysaa beelahaas ay dirirtu dhax martay in ay ka dheeraadaan wax kasta oo kala fogeyn kara walaaltinnimada…

Read More

Nayroobi, Sebteembar 14. 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Kenya Mudane William Samoei Ruto ayaa Madaxtooyada dalkaas ku yeeshay kulan miro dhal ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal iyo mustaqbalka iskaashiga labada shacab ee dariska ah. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Mudane William Ruto munaasabadda caleemo-saarka iyo la wareegidda xilka, isagoo la wadaagay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay heshiis iyo iskaashi buuxa la yeelato dhammaan dalalka Gobolka. Dhankiisa, Madaxweyne William Ruto ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo guud ahaan wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socday Safiirada Beesha Caalamka ufadhiya Soomaaliya oo uu Hogaaminayey Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Amp James Swan. Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirada Beesha Caalamka oo ay sido kale ka qeybgaleen Wasiiro,Agaasimaha Madaxtooyada iyo La-taliyaasha Madaxweynaha ayaa looga hadlay Xoojinta Howlgalada lagu Ciribtiraayo Argigixisada Alshabaab,Wax ka qabashada Dadka ay Abaartu Saamaysay iyo Daadejinta Adeegyada Dowladda. RBN NEWS SOMALIA

Read More

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Amb. Khadija Mohamed Al-makhzoumi ayaa manta qaabishay wafdi ka socda waddanka Sweden oo uu hogaaminayo Safiirka Sweden u fadhiya Somalia Amb.Per Lindgärde, ooy ku weheliso madaxa Iskaashiga Horumarinta, Ms. Anna Saleem Högberg. Safiirka ayaa ka warbixiyay mashaariicda horumarinta ee ka socda Soomaaliya ee ay Sweden maal galiso sida maashiircda la xidhiidha: xoojinta adkaysiga bulshada, deegaanka, laqabsiga isbadalka cimilada, Nabadaynta, xaquul insaanka iyo Caafimaadka.Sidoo kale waxa Wasiirada iyo safiirku ka wada hadleen sidii kor loogu sii qaadi lahaa qorshayaasha horumarineed ee deegaanka iyo Isbeddelka cimilada, xoojinta xidhiidhka labada wadan ee ilaalinta deegaanka iyo Isbeddelka cimilada,…

Read More