Author: Asad Shadhuuke

Daud Aweys Jaamac Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Oo howlo shaqo ku jooga magaalada Tripoli Ee Caasimadda dalkaasi Liibiya, maanta la kulmey Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Jamhuriyadda Liibiya Mudane Hussein Atiya Abdulhafid Al Qatrani. Wasiirka warfaafinta ayaa Raiisul Wasaare Ku Xigeenka Libya u gudbiyay salaan uu uga siday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya,Xamse Cabdi Barre, Intaasi kadib Daud Aweys Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kaga warbixiyay kadibna uga warbixiyay Raiisul Wasaare Ku Xigeenka Liibiya xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan horumarka dhanka siyaasadda, dagaalka dalka ka socda Ee ka dhanka ah AS. xoojinta xiriirka Soomaaliya…

Read More

Wareegto ka soo baxday xafiiska maadaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland ayaa waxaa lagu magacaabay la taliyaha madaxweynaha arimaha shidaalka iyo gaaska, wareegtada madaxweynaha ayaa sidaan u qornaa. Xeer Madaxweyne Lr. 85 ee 17-ka December 2022, kuna saabsan magacaabid La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Shidaalka iyo Gaaska.Madaxweynaha Dowladda PuntlandMarkuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aadMarkuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.Wuxuu xeeriyey: Waxaa Xudeyfa Aadan Cukaash loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Shidaalka iyo Gaaska. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixa

Read More

Mudane Ahmed Moallim Fiqi Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiinta XFS ayaa u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed hambalyo ku aadan sannad Guuradii 79-aad Ee kaso wareegatay Aas aaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Wasiirka Wasaarrada Arrimaha Gudaha Federalka iyo dib-u- heshiisiinta ayaa farriinta hambalyada si toos ah hawada ugu mariyay Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska iyo qoysaskooda 79-guurada kasoo wareegtay aas aaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Ugu dambeyn Wasiirka Fiqi ayaa ku ammaanay kuna bogaadiyey Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed howsha nafhurnimada ah ay u hayaan shacabka iyo xaqiijinta amniga iyo xasilinta…

Read More

Sida warar kala duwan ay inagu soo gaarayaan waxaa muddo maalmo ah lagu la’yahay xeebaha puntland koox kalluumeysato ah iyo doontii ay saarnaayeen. Kalluumeysatadaan ayaa ka baxay maalinnimadii Sabtida aheyd marsada Caluula iyaga oo ku sii jeeday dalka Yaman. Doontaan oo uu lahaa muwaadin soomaaliyeed ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in war iyo wacaal aan toonna u aheyn shaqaalihii doontiisa kaga shaqeynayay badda, Gacanka Guardafui ee Puntland marar badan waxaa lagu waayay doomo kalluumeysi iyo raggii shaqaalaha ee saarnaa iyadoona qaarkood mar dambe lagu guuleystay in warkooda la helo,

Read More

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya mudane Ahmed Moallim Fiqi.Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Somaliya, Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada Soomaaliya, iyo hay’adda diiwaangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ayaa booqasho todobaad ah waxaa ay uga bilaabatay Jamhuuriyadda Islaamiga ee Pakistaan. Inta ay joogaan Wafuudaasi dalka Pakistan waxay geli doonaan kulammo iyo doodo la xiriira arrimaha federaalka, dastuurka, maamul daadejinta, dowlad dhiska iyo diiwaangelinta dadweynaha. Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Ahmed Moallim Fiqi, iyo mas’uuliyiinta la socotay ayaa durba waxay maanta kulan gaar ah la yeesheen hay’adda diiwaan gelinta Pakistaan ee NADRA, taas oo dowladda…

Read More

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga gudaha ahna Ku Simaha Wasiirka Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa galabta ku wareejiyay.Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ballanqaadka qorshe-howleedka sanadka cusub ee 2023 Ee Wasaaradda amniga. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in sugidda amniga gudaha ee dalka ay Xukuumadda #DanQaran siineyso ahmiyad gaar ah si looga xorreeyo guud ahaan goobaha kooban ee ay ku sugan yihiin AS.] Ugu dambeyn Ra’iisul wasaaraha ayaa kula dardaarmay Wasiiru Dowlaha iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradda inay xaqiijiyaan sidii looga gun gaari lahaa qorshooyinka howleedka Wasaaraddu soo bandhigtay maanta si shacabka Soomaaliyeed ay sanadka cusub ee 2023…

Read More

Madaxweynaha oo la hadlayay Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa si cad u sheegay in inta aysan dhamaan bishan December ay bilaabaneyso dib u soo celinta ciidamadda, bisha January ee sanadka cusubna la soo gaba gabeyn doono keenista askartan oo tababaro kala duwan soo qaatay. .“Dhalinyarada Eriteea jita mar dhaw wey imanayaan, bisha aan ku jirno ee Demecber inta aysan dhamaanin wey soo bilaabanayaan, Januaryna wey soo dhameystirmayaan, dib u dhac danbe ma rajeeneyno” ayuu yiri madaxweynaha. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laba jeer booqday ciidamadda ku maqan dalka Eritrea, isagoo madaxda dalkaasi kala hadlay sidii dalka dib loogu soo celin…

Read More

Saciid Cabdullahi Deni madaxweynaha dowlad gobolleedka puntland ayaa xalay kulan la yeeshay Guddiga Shirkadda Wadaagsan ee gacanta ku haysa dhismaha Dekadda Garacad. wuxuuna kala hadlay dhameystirtka wejiyada kale ee dhismaha Dekadda iyo horumarinteeda, Maalgashiga lagu sameeyo deegaanka Garacad, howlgelinta dekedda, adkaynta Nabadgalyada, dardargelinta iyo u diyaargarowga Doorashada golayaasha deegaanka ee soo socota, iyo warbixin ku saabsan qiimeynta iyo qorshaha Dhismaha Wadada Isku xirta Garacad iyo Galdogob. Mas’uuliyiinta Guddiga Shirkadda Wadaagsan ee gacanta ku haysa dhismaha Dekadda Garacad ayaa dhankooda madaxweynaha u sheegay inay si wanaagsan u sii dhameystiri doonaan wejiyada kale ee dhismaha Dekadda iyo horumarinteeda,

Read More

Maamulka Degmada Jalalaqsi Ayaa Soo Bandhigay Ciidamo Dadka Deegaanka ah Oo Ka Howlgali Doonno Deegaano Dhaca duleedka Buuloburde, Ciidankaan ayaa loo diyaariyay inay kooxda alshabaab kula jabhadeeyaan dhulka howdka ah ee u dhaxeeya magaalada buuloburde Buurweyn Iiji ilaa Jalalaqsi,. Waxaa maanta lagu soo bandhigay duleedka Degmada Jalalaqsi ee gobolka hiiraan waana ciidan ay u dhameystiran yihiin hubkoodii iyo gaadiidkoodii dagaalka, Kooxda Alshabaab oo laga saaray deegaano dhowr ah oo dhaca bariga gobolka hiiraan ayaa dagaalkooda u bedelay mid jabhadeyn ah iyaga oo dhulka howdka ah gudaha u sii galay markii doonaana ay weeraro ka soo qaadayaan, default default default

Read More