Author: Asad Shadhuuke

Muqdisho, Sebteembar 7, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa u magacaabay Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho. Madaxweynaha ayaa ku saleeyey magacaabistan aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale oo horey xilkan u soo qabtay, door wanaagsanna ka soo qaatay dib u dhiska caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan horumarka Gobolka Banaadir. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiye Yuusuf Jimcaale in uu mudnaan siiyo qorshaha xasilinta iyo amniga caasimadda, dib u heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta…

Read More

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshisiinta Mudane ilyaas Ali Hassan ayaa Maanta daah furay Kulan wadatshi ah oo la xiriira xeerka Machadka Qaran Ee Dowladaha Hoose. kulanka waxaa goob joog ahaa Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir Wasaaradaha Heer Federaal oo ay shaqadeedu la xiriirto machadka dowladaha Hoose iyo Hay’addaha Qaramada Midoobe ee taageera Mashruuca ( JPLG) Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Mud.Saciid Abdullahi Calasow oo ka hadlay kulanka wadatashiga ah ayaa sheegay in xeerkan lagu dhaqayo machadka u baahanyahay in laga galo wadatashi iyo in wax badan lagu biiriyo isaga oo intaa…

Read More

Waxaa Magaalada Jeddah ee waddanka Sacuudi Carabia gaara oo siweyn loogu soo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Barre Maxamed. Wafdiga ayaa waxaa ay magaalada Jeddah uga qeyb geli doonaan shirka Wasiirrada dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee wadamada Islaamka, kaas oo looga hadlayo marxaladda garoomada Ciyaaraha Soomaaliya guud ahaan iyo dhibaatada ay Al-Shabaab ku hayaan Shacabka Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Barre Maxamed ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlao xaaladda dhalinyarada Soomaaliyed, isaga oo codsan doona in lala yimaado fikir midaysan oo dunida…

Read More

Maanta oo Arbaco ah Gelinka dambe ayaa waxaa la filayaa in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay kulan aan caadi aheyn ka yeeshaan xaaladda Guud ee Soomaaliya , xilli Abaaro baahsan ay kajiraan meelo kamid ah Soomaaliya. Kulanka ayaa waxaa la filayaa inay warbixin siiyaan Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya,kuwaas oo sanad walba shirarka looga hadlao arrimaha Soomaaliya ka qeyb galla. Kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa Arrimaha la xiriira Ammaanka, Abaaraha iyo dhibatooyinka kale ee xilligaan kajira…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ee uu hoggaamiyo ayaa galabta kulan la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed. Kulanka oo looga hadlayay sidii loo dardargelin lahaa hawsha gurmadka abaaraha, ayaa dowladdu waxa ay ku soo bandhigtay hawlihii la qabtay iyo gargaarkii la qaybiyay tan iyo markii lamagacaabay Guddiga Qaran 17 bishii Agoosto. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Ahmed Moallim Fiqi ayaa sheegay in 23 Agoosto loo diray deeq dhan 26 tan oo cunto ah magaalooyinka Beledweyne iyo Buulo Burde. Sidoo kale, 25 Agoosto dowladdu waxay guddoonsiisay bulshada degmada Maxaas lacag…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta daahfuray qorshaha qaranka ee kaallinta haweenku ku leeyihiin amniga iyo xasiloonida dalka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka. Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ka hadlay munaasabadda ayaa waxa uu si qoto dheer uga hadlay doorka muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin nabadgelyada iyo amniga iyo gurmadka aabaraha. RBN NEWS SOMALIA

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxmed Nuur (Madoobe) ayaa hoyga uu ka degan yahay Magaaladda Muqdisho tacsi ugu tagey Madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed oo hooyadii Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq dhowaan ku geeriyootay Dalka isu-tagga Imaaraadka carabta. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa madaxweynihii hore la wadaagay murugada iyo xanuunka geerida marxuumada isagoo qoyska iyo qaraabada ay ka baxday Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq u rajeeyay inuu illaahey samir iyo iimaan ka siiyo. “Innaa Lillaahi wa inna Illeehi Raajicuun illaahey ha u naxariisto hooyo Xasno Cabdulle Isaaq oo shalay la geeyey…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxmed Nuur (Madoobe) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar qaatay afar cisho oo magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika uu uga qeyb galay shirweynaha 11-aad ee Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Afrika ee Pan-African Parliament. Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Adan Abdulle Osman (Aadan Cade) ee Magaaladda Muqdisho ku soo dhoweeyey qaar ka mid ah xildhibaanadda Golaha Shacabka ee BJFS, waxaana uu Guddoomiyuhu uga mahadceliyey soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen. RBN NEWS SOMALIA

Read More

Buulo Burde: 15, Agoosto, 2022: Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Buulo Burde. Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Wafdigiisa oo si diiran loogu soo dhoweeyay Degmada Buulo Burde ayaa inta ay joogaan waxa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Maamulka Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa sidoo kale xoojin doono howlgalada baahsan ee lagula dagaalamayo kooxaha argagixisada ee ka socda Degmooyinka Maxaas iyo Matabaan. RBN NEWS SOMALIA

Read More