Author: Asad Shadhuuke

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, ayaa maanta xero ku taalla degmada Cadaado tababar uga furay dufcadii koowaad ee ciidanka Booliska Galmudug. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa dardaaran u jeediyay cutubyadaan ciidanka ah ee tababarka uu u furmay, isagoo wasaaradda amniga Galmudug ku amaanay xulista iyo diyaarinta ciidamadan la carbinayo. Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa faray saraakiisha tababarka siinaysa ciidankaan in ay u dhameystiraan adeegyada ay u baahanyihiin, si ay uga mid noqdaan ciidanka booliska Galmudug. RBN NEWS SOMALIA

Read More

Muqdisho Luulyo 25,2022, Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta waxaa uu kulan la qaadatay Ergeyga Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb, James Swan. Kulanka ayaa waxa ay masuuliyiintu ugu hadleen weeraradii ugu dambeeyay ee ay Al Shabaab ka geeysteen qeybo ka mid ah gobolada dhaca xadka aynu wadaagno Itoobiya, sidoo kale masuuliyiinta ayaa waxa ay soo hadal qaadeen sidii loo dardar gelin lahaa taageerada ay siineeyso Qaramada midoobay ee Golaha Shacabka JFS iyadoo laga sii-amba qaadaayo kulamo horay ay yeesheen danjire James swan iyo Guddoomiye Madoobe. Ugu dambeyn Guddoomiyaha…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa ku guda jira kulamo iyo wadatashiyo muhiim ah oo uu la yeelanayo qaybaha kala duwan ee ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed. Raiisul Wasaaraha ayaa qeybaha uu maanta qaabillay waxaa ka mid culamaa’udiinka Soomaaliyeed, oo uu ka dhageystay tallooyinkooda wax ku oolka ah ee ku wajahan xukuumadda. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay, si uu u soo dhiso xukuumad tayo leh, isuna dheelli tiran, ay lagama maarmaan noqotay in waqti ku filan uu geliyo la tashiyada uu la sameynayo qeybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta. RBN NEWS SOMALIA RBN NEWS SOMALIA…

Read More

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka BJFS Sacadiyo Xaaji Samatar oo uu weheliyo ku-xigeenka 2aad ee Golaha shacabka ayaa shir guddoomisay Kalfadhiga 1aad kulankiisa 10aad ee maanta. Ajandaha kulanka ayaa ahaa Codsi ka yimid Ra’iisul Wasaare Xamse Abdi Bare Intaas ka dib Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa meelmariyay codsiga Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Bare u soo gudbiyay Guddoonka Golaha shcabka BJFS oo ahaa in muddo 10 cisho dheeraad ah loogu daro soo magacaabidda Golaha Wasiirada. 144 Xildhibaan ayaa ogolaatay, waxaa diiday hal Xildhibaan,wax ka aamusay ma jiraan. Sidaas ayuuna ku ansaxay Codsiga Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Bare. RBN NEWS SOMALIA RBN…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga tacsiyeeyay guud ahaan shacabka magaalada Jowhar, gaar ahaan dadka dhibaatada ka soo gaartay qaraxa maanta ka dhacay magaalada. Ra’iisul Wasaare, Xamse ayaa telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, oo xog ka siiyay xaaladda iyo goobta qaraxu ka dhacay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u ballanqaaday in uu garab taagan yahay maamulka iyo shacabka gobolka, gacanna ay ku siin doonaan sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay waxyeelladu soo gaartay.

Read More

Qarax Qasaro Kaladuwan Dhaliyay Ayaa Kadhacay Magalada Jawhar Ee Xarunta Maamulka Hirshabeele qaraxa Ayaa Kadhacay Hotel Ay Daganayeen Masuliyin Katirsan Maamulka Hirshabeele Gobta Uu Qaraxa Kadhacay Ayan Sida Oga Fogeen Xarunta Madax Toyada Hirshabeele. qasaraha Qaraxa Ayaan La Cayimin Balse Wararka Ayaa Shegaya inuu Dhawac Kasogaray Wasiiro iyo Xildhibaano Katirsan Maamulka qaraxaan Ayaa lo Adegsaday Gari Walxaha Qarxa Lagusooraray Gobta Qaraxa Uu Kadhacay Ayaa Aad Ubur burtay Maamulka Hirshabeele Wali Wax Wara Kama Soosarin Qaraxa Kadhacay Magalada Jawhar Waxase Lafilaya inay Lamaha Amaanka Faah Fahin Kabixiyan Qasaraha Kadhashay Qaraxa Kadhacay Magalada Jawhar. RBN NEWS SOMALIA

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane Shakhbout Bin Nahyaan oo soo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo caleemosaarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayed Aala Nabyaan. RBN NEWS SOMALIA RBN NEWS SOMALIA RBN NEWS SOMALIA

Read More

Guddomiye Abshirow iyo safiirka ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS iyo sidii loo tayeyn-lahaa shaqaalaha BJFS, Safiir Tiina ayaa ku amaantay Guddoonka Golaha shacabka dedaalka dheer ee ay ku bixiyeen dhismaha Hay’adda ugu sarreysa dalka, kaas oo lagu soo doortay Madaxweynaha JFS. Ugu dambeyn guddoomiye Abshirow ayaa safiirka ku bogaadiyay dedaalka joogtada ah ee ii Midowga Yurub la garab taaganyahay Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. RBN NEWS SOMALIA RBN NEWS SOMALIA RBN NEWS SOMALIA

Read More

Muqdisho, Juun 08, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay La-Taliyeyaasha Arrimaha Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka. Dr. Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow La-Taliyaha Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Dastuurka.Mudane Axmed Cabbaas Axmed La-Taliyaha Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Federaalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryey La-Taliyeyaasha cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan dalka. Mas’uuliyiinta la magacaabay ayaa ka soo shaqeeyay hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’ado kale oo muhiim ah, waxa ayna khibrad wanaagsan iyo…

Read More