Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaaxalay kulan la qaatay musharaxiinta u taagan tartarnka xildhibaanimo ee Golaha Shacabka. Madaxweynaha ayaa musharaxiinta u sheegay inay u diyaar garoobaan doorasho daahfuran oo si nabad ah ku dhacda, waxa uuna balanqaaday inaysan dhici doonin in kursi loo xiro cid gaara. Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa musharaxiinta kula dardaarmay inay hay’addaha amniga kala shaqeeyaan nabadgalyada Magaalada Beledweyne RBN NEWS SOMALIA RBN NEWS SOMALIA RBN NEWS SOMALIA RBN NEWS SOMALIA
Author: Asad Shadhuuke
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa maanta lagu qabanayaa doorashada shan kursi oo deegaan doorashadooda ay tahay magaaladaas. Guddiga hirgelinta doorashooyinka Galmudug ayaa shalay diiwaangeliyay oo shahaadada musharraxmino guddoonsiiyay tartamayaasha Shanta kursi, waxaana si aad ah loo adkeeyay amniga goobta doorashada ay ka dhaceyso. 1: Hop#101 2: Hop#013 3: HOP#060 HOP#017Hop#001 Gudiga Dorashada Galmudug Ayaa Wada Dadal Laguso Afjarayo Kurasta Golaha Shacabka Ee Talada Magalada Gaalkacyo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qadar halkaas oo uu ku tagay safar shaqo oo labo maalmood ah. Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ay u sii ballaarin lahaayeen iskaashiga miro-dhalka ah ee dhinacyada maalgashiga, diblumaasiyadda iyo horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha. “Safarka Madaxweynuhu waxa uu daba socodaa kulamadii hore ee ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar, waana mid lagu adkeynayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ee…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhowayd safar shaqo oo labo maalmood qaadanaya ugu ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Amiirka Dowladda Qadar Mudane Tamim bin Hamad Al Thani ayaa halkaas ku yeelan doona wada hadallo lagu gorfaynayo xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo horumarinta iskaashiga ku qotoma is-ixtiraamka, wax wada qabsiga iyo horumarinta danaha qaran ee labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah
Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa maanta lagu doortay qaar kamid ah Kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Magaaladaas, waxaana aad loo adkeeyay amniga goobta doorashada ay ka dhaceyso. Kursi koowaad oo tirsigiisu yahay HOP#157, waxaa ku guuleystay Maxamuud Axmed Aadan (Geesood), waxaana kursigaas kula tartamayay Iidle Cali Axmed. Xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Maxamuud (Qambi) ayaa dib loogu doortay HOP#227, wuxuuna kaga guuleystay doorasho ka dhacday magaalada Boosaaso Muna Cali Mire Cartan. Gen. Bashiir Cabdi Maxamed Maxamuud (Ameeriko) Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa cod gacan taag ah oo 99-cod ah kaga guuleystay musharaxii la tartameysay ee Sahro Maxamed Maxamuud Cali.…
Guddiga Qiimeynta Xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarreey ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa soo gabagabeeyay wadahadalladii iyo kulammadii wadatashiga ahaa ee ay magaalada Kismaayo kula lahaayeen mas’uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubaland ee ay khuseyso doorashada Garbahaarreey.Guddiga ayaa tan iyo Arbacadii oo ay gaareen magaalada Kismaayo waxa ay kulammo la yeesheen madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, madaxweynen ku-xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan, xildhibaanno heer federaal iyo heer dowlad goboleed ah iyo siyaasiyiin reer Jubaland ah, gaar ahaan kuwa ay khuseyso arrinta deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarreey, iyagoo ka dhageystay aragtiyahooda…
Guddiga doorashada Galmudug ayaa shaaciyay xubnaha guddiga xulista 4-kursi oo kamid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Gaalkacyo oo horey loo shaaciyey iyo jadwalka qabashada Doorashada RBN NEWS SOMALIA
Guddiga Qiimeynta Xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarrey ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa gaaray magaalada Kismaayo, halkaas oo ay kulammo wadatashi ah kula leeyihiin mas’uuliyiinta Jubaland RBN NEWS SOMALIA
Guddiga Maamulka doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee HirSabeelle ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 11 kursi ee ugu Dambeeysa kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Beledweyne. Qoraal kasoo baxay Guddiga waxaa lagu sheegay in 5-ta ilaa lixda Bishaan ay soo gudbin doonaan Ergada, lana hubin doono kadibna la diiwaangelin doono Ergada si loo tababaro. Sidoo kale Guddiga waxaa u sheegeen in 7-Bishaan la diiwaangelin doono musharrixiinta ku tartami doonta 11 Kursi halka 8-da ilaa 9-ka Bisha ay qaban doonaan doorashada kuraasta 11-kursi. RBN NEWS SOMALIA
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Baydhabo ku soo gaba-gabeeyay shirka looga wada tashanayay sidii wasaaradaha Caafimaadka ee heer Maamul Goboladeed ay u samaysan lahaayeen Qorshaha Hirgalinta Istaraatiijiyada Nidaamka Caafimaadka Dalka 2022-2026. Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukumadda Federalka Soomaaliya ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirada Wasaaraddaha Caafimaadka ee maamul goboleedyada kala ah, Hirshabeele, Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug iyo Gobalka Benadir RBN NEWS SOMALIA RBN NEWS SOMALIA RBN NEWS SOMALIA