Afhayeenka Ciidanka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadalay goordhaw Warbaahinta ayaa ka warbixiyay weeraro ay koxaha argagixsada Al-shabaab xalay ay ku soo qadeeyn degmooyin kamid ah Gobalka Banaadir. Afhayeenka ayaa sheegay in argagixisadu oka xun horumarka iyo dhismooyinka ka socda ay weeraro qaraxyo ah iyo dagaal toos ah ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Booliska degmada Kaxda balsa ciidamada geesiyaasha qaranka Somaaliyed ee saldhiga ku sugnaa ay iska difaceen werarkasi,isagona tilamay in argagixisadii werarka soo qaaday oo u baxsatay dhanka Shabeellaha Hoose ay ku raad jogaan ciidamada dowlada kacantana lagu soo dhigi doono. Afahayeenka ciidanka Booliska ayaa sidokale sheegay…
Author: Asad Shadhuuke
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray hay’adaha amniga dalka, kadib falalkii argagixisadu xalay ka geysteen qeybo ka mid ah Muqdisho, isagoo faray hay’adaha amnigu in ay qaadaan tallaabooyin dheeri ah oo lagu xoojinayo amniga. RBN NEWS SOMALIA RBN NEWS SOMALIA RBN NEWS SOMALIA
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka ee C6+ oo ay ka wada hadleen qodobbo dhowr ah oo khuseeya dhammeystirka, daahfurnaanta iyo amniga doorashada dalka. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in doorashadu ku soo idlaato xilligii loo qorsheeyay iyo in aan cidna lagu xad gudbin. Mar uu ka hadlayay qoontada haweenka ee Golaha Shaacabka ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la xaqiijiyo qoontada haweenka ee 30%, taas oo hadda gaarsiisan 21%. Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale ku celiyay in aan la aqbali…
Hadal Hayn Ayaa Kadhalatay Kulan Uu Madaxweyne Qoor Qoor Laqatay Xildhibanada Cusub Ee Kala Ah 1 = Cadirixman Cabdishakuur Warsame 2 = Cabdulahi Kulane iyo Saadaq Joon Madaxweynaha Dawlad Gobaledka Galmudug Axmed Abdi Kariye Qoor Qoor Ayaa Kulan Gara Laqataday Sadexda Xildhiban Ee Dhawan Lagudortay Magalada Dhusamareb Ee Maamulka Galmudug Siyasintan Ayaa Ku Kaladuwan Nidamka Dawliga Ah Ee Kajiro Dalka Waxayna Ukala Qaybsanyihiin Muxaafid Iyo Mucaarad Lakin Waxay Kulan Kawada Qateen Madaxtoyada Galmudug Kadib Markii Ay Sedexduba Kamid Noqden Barlamanka Cusub Ee Somalia. Bulshada Seganka Iyo Siyasinta Somaliyeed Ayaa Aad Kulankan Uhadalhaya Lamana Oga Waxa Ay Kawada Hadlee Siyasinta Iyo…
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dil ku xukuntay Xasan Maxamuud Dhiblaawe oo bishii Augost 2019 agagaarka tarabuunka ku toogtay marxuum, Maxamed Cawil Jaamac oo ahaa darawal Mooto Bajaaj. Maxkamadda ayaa doodo dheer ka dib maanta go’aan ka soo saartay dacwadda loo haysto eedeysanaha, iyadoo Xasan Maxamuud Dhiblaawe ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta marxuum, Maxamed Cawil Jaamac. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukunsanaha iyo qareennadiisa siisay fursad ay ku dalban karaan racfaan.
Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya ayaa deeq raashin ah oo cadad ahaan gaarayso 20 Tan gaarsiiysay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobalka hiiran. Gargaarkaan ayaa loogu talagalay dadka ay saameeysay abaaraha ee kajira Gobalka Hiiraan iyo dadka kusoo barakacay magaalada ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda laga qaybiyo goobaha loogu tala galay. Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ayaa gargaarka ku wareejisay Wasiirka Gargaarka ee Hirshabeele Xilibaan, Cabdi Mahad, wuxuuna uga mahadciliyay Xukuumada Federaalka Soomaaliya deeqda ay gaarsiisay gobolka xilli ay baahi weyn u qabeen shacabka halkaasi ku dhaqan. Xildhibaan, Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in qaar kamid ah gargaarkii Dowladda…
Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha -Mw.hrd XFS xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa maanta ka qeybgashay shir ay isugu yimaadeen haweenka Soomaaliyeed oo lagu xoojinayay ololaha u qareemidda iyo xaqiijinta qoonddada haweenka ee ugu yeraan 30% kuraasta harsan ee Golaha Shacabka Soomaaliya. Madasha oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Haweenka dowladda federaalka ayaa waxaa ka qeybgalay xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka, guddoomiye ku xigeenka arrimaah bulshada maamulka Gobolka Banaadir, guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, guddoomiyaha ururka haweenka Gobolka Banaadir, wakiilo ka socday ururada u dhaqdhaqaaqa arrimaha haweenka iyo mas’uuliyiin kale
Warka RBN NEWS SOMALIA Wadajir Waxa U aqrinaya 1=Axmed Miido 2=Mahad Africa Farsamada Warka: Cabdulqadir Salaad Munye RBN NEWS SOMALIA
Waxaan goor dhow soo gaaray Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Shaxnadii seddexaad oo ka timaada Dowladda Imaaraatka Carabta. Waxaana ka guddoontay Wasiirka Gargaarka iyo Mareeynta Musiibooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye. taas oo loogu talagalay dadka ay Abaaraha ku Saameeyeen dalka. “Dowladda Imaaraatka waxaan uga mahadceliyay doorkooda ku aadan xaaladdaha Bini’aadanimo ee dalka ka taagan” ayey tiri Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye Iyadoo ku soo aadayaan immaatinka deeqaha nooga immanayaan Dowladda Imaaraatka xilli abaaro ba’an ey ku dhufteen guud ahaan Soomaaliya RBN NEWS SOMALIA RBN NEWS SOMALIA
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayay wakiilka Soomaaliya ee hay’adda Qaxootiga adduunka ee UNHCR, Magatte Guisse. Kulanka ayaa inta uu socday looga hadlay wada-shaqaynta iyo taageerrada shaqo abuur iyo farsamo ee qaxootiga dalka ku soo laabanaya iyo kuwa ku barakacay gudaha dalka. Waxaan ku xoojinay kulankan sidii xasillooni dalka ay ugu heli lahaayeen muwaadiniinta ku soo laabanaya iyo kuwa abaaraha ay barakiciyeen, waa arrin naga go’an shaqo abuurka iyo helida xirfado ay ku shaqayn karaan dadkaas, taa ayaanna hoosta ka wada xariiqnay wakiilka UNHCR.”…