Author: Asad Shadhuuke

Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Mudane Magatte Guisse Wakiilka Hey’adda Qaxootiga Aduunka (UNHCR) u Qaabilsan Soomaaliya, Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay xaalada Barakacayaasha ku sugan Magaalada Muqdisho iyo sidii wax loogu qaban lahaa. Guddoomiyaha Gobolka Madaale ayaa Magatte in u sheegay in Magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin Barakacayaasha ugu badan ee ka soo barakacay Abaaraha iyo Colaadaha ka jira Gobolada dalka, Wuxuuna tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya Bulshadiisa ay gacan ka geysteen sidii gargaar loo gaarsiin lahaa, balse ay dadkaasi u…

Read More

General Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici ) Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo saraakiil uu hogaaminayo ayaa kormeer ku tagay magaalada Hobyo, ee gobolka Mudug. Taliyaha iyo saraakiisha kormeerka ku wehlineysay ayaa kormeer ku tagay xarunta ciidamada ilaalada xeebaha, Saldhigga Boliiska iyo dekedda magaalada Hobyo,waxaana ay xog wareesteen mas’uuliyiinta xarumahaan. Magaalo Xeebeedka Hobyo Ee Gobolka Mudug ayaa kamid ah magaalooyinka maamulka galmudug ee uu ka arimiyo iyadoona mudooyinkii dambe magaaladaasi ay ku talaabsatay horumar dhan walba leh.

Read More

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hambalyo ku aaddan Xuska Sannad Guurada 79-Aad ee aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u diray Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska iyo qoysaskooda. Madaxweynaha ayaa xusay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin xaqiijinta amniga dalka, nabadda iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in markasta ay naftooda u huraan ciidda iyo Calanka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyey in ay ku garab istaagaan Ciidankeenna geesiyaasha ah gudashada waajibaadkooda Qaran, gaar ahaan wakhtigan oo dalka uu u jiheystay dabar-gooynta argagixisada Alshabaab oo sannado badan curyaamiyey nolasha…

Read More

Wasiiru-dawlaha & Agaasimaha Wasaaradda Caddaaladda Dastuurka, arrimaha Diinta iyo Dhaqan-cellinta ayaa magaalada Garowe Ee Xarunta dowlad goboleedka Puntland kaga qeybgalay dood cilmiyeed lagu falanqaynnayo tacddiyada Haweenka iyo Carruurta lagula kaco. Waxaana dood cilmiyeedkani xoogga lagu saaray sidii loo meel-marin lahaa shuruucda u qareemaya Haweenka iyo Carruurta. Sidoo kale waxaa ka qayb-galay barnaamijkan khuburo fahansan mawduucan iyo dhibaatooyinka kala duwan iyo raadadka ay arrintani ku yeellan karto Carruurta iyo Haweenka.

Read More

Kadib kullan saddex maalmood kaga socday magaalada Garowe Ururada Siyaasadda Ee Puntland ayaa ugu dambeyn laga soo saaray go’aano wadajir ah oo ay dhammaan qalinka kuwada duugeen, Ilaa 13qodob ayey sharuud kaga dhigeen ka qeybgalkooda doorashada qofka iyo codka Ee dowladda Puntland ay qabanqaabineyso. Hadaba Bayaanka ay soo saareen kuna saxiixnaayeen ururada siyaasada Puntland oo kala ah Dhlainyarada. Horseed, Ifiye, Mideeye. Mustaqbal.Run cad. Sin cad. Halka hoose ka aqriso.

Read More

Sida ay shaacisay Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka Saddex muwaadin oo haysta dhalashada dalka Maraykanka, asal ahaanna ka soo jeeda dalka Cameroon ayaa lagu soo oogay dacwad la xariirta  inay dhaqaale u aruurinayeen dagaalyahannada gooni-u-goosadka ah ee ku sugan waddanka Afrikada Dhexe, Eedeysanayaashaan Saddexda qof ah ee dacwadda lagu soo oogay ayaa lagu kala magacaabaa Claude Chi, oo 40 jir ah, kana soo jeeda gobolka Missouri ee Maraykanka; Francis Chenyi, 49 oo ka soo jeeda gobolka Minnesota; iyo Lah Nestor Langmi, 46 oo isna ka soo jeeda gobolka New York. Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka ayaa tilmaamtay in Ragaan ay ururiyeen…

Read More

Shirka sanadlaha ah ee uu soo qabanqaabiyay Bank-giga Adduunka.ayaa lagu soo bandhigay heerka uu marayo dhaqaalaha Soomaaliya iyo warbixinta guud ee dhaqaalaha Soomaaliya sanadkii 2021. Dr. Cilmi Maxamuud Nuur Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo kulanka ka qeybgalay ayaa soo dhaweeyay warbixinta Bangiga Adduunka, Bank-Aduunka ayaa sheegay in sanadkii 2021 Daqliga soomaaliya uu kordhay boqolkiiba 2.9 sanadkii 2021 marka loo eego sanadkii 2020. Wasiirka Maaliyadda ayaa yir“Waxa aan maanta shir Guddoomiyay kulan uu soo qabanqaabiyay Bangiga Adduunka oo lagu soo Bandhigay Warbxinta Dhaqaalaha Soomaaliya (Economic Outlook), Dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu sameeyay horumar, waana soo hagaagayaa inkastoo ay jiraan caqabado gudaha ah iyo…

Read More

Qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in heshiis ku kacaya  illaa $1 bilyan oo dollar  in hub looga iibinayo dalka Qatar. Noocyada hubka ee dalka Qatar laga iibin doonno ayaa waxaa kamid ah hannaanka difaaca ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo hub kala duwan, Arintaan ayaa soo shaac baxday xilli gudaha dalka Qatar ay ku dhexmareysay dalalka Mareykanka iyo Iiraan ciyaar kamid ah koobka Aduunka, Iiraan iyo Mareykanka waxaa ka dhaxeeya dagaal ku saleysan dhinaca Nukliyeerka iyadoona sidoo kale Iiraan marar badan ay u goodisay dalkaan yar Ee Qatar, balse arintaan ayaa farriin…

Read More

Mudane Hamza Abdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa galabta soo xiray Shirweynaha Maalgashiga Caalamaiga ah ee Soomaaliya kaas oo shalay Madaxweynaha soomaaliya uu isla magaalada muqdisho ka daah-furay, Ra’iisul wasaaraha ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay shirka isagoona sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo ay ka go’antahay sameynta dib-u-habeyn sharciyada dhaqaalaha iyo amniga oo fududeynaya in Soomaaliya gudaheeda ganacsi laga sameyn karo, lana abuuri karo jawi maal-gashi oo soo jiita maal-gashadayaasha. Wuxuu yiri mudane Xamsa in horay loo meel mariyay sharciga maalgashiga shisheeye, kaas oo damaanad qaadaya tartan ganacsiyadeed caddaalad ku saleysan.islamarkaana horay loo dhisay guddiga sare ee…

Read More