Dhaqdhaqaaqa hubeysan Ee Ururka Talibanta Pakistan loona yaqaano Tehrik-e-Taliban Pakistan (TTP), ayaa gudaha dalka pakistaan kaga dhawaaqay inay qaadaan weeraro argagixiso oo ka dhan ah dawladda Pakistan, Waxeyna go’aankooda dagaalka ay ku saleeyeen iyaga oo kaga falcelinaya hawlgallada milateri dowlada Pakistan ay ku beegsanayso dagaalyahannadeeda ku sugan magaalooyin kala duwan ee ku yaalla dhinaca woqooyi galbeed ee dalkaas dhaca. Nuqul ka mida qoraalka ka soo baxay kooxda Talibanta Pakistan oo dagaalyahanadeeda u marisay dhinaca warbaahinta ayaa lagu wargeliyay dhammaan qeybaha kala duwan Ee dagaalyahanada kooxda inay weeraro ka geysan karaan meel kasta oo suurogal ah” Qaramada Midoobay iyo dowladda Maraykanaba…
Author: Asad Shadhuuke
Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Taliyaha guud ee Ciidamada Darawiishta Jubaland. Kaas oo uu u magacaabay S/Guuto Ismaaciil Saxardiid Keydsane. Wareegtada madaxweynaha ayaa sidaan u qorneyd
Kullan galabta ka dhacay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa xilalka ku kala wareegay Agaasime Ku-xigeenka guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdirisaaq Cali Cartan iyo Agaasimihii hore, Kullankan waxaa Shir-guddoomiyey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali, sidoo kale waxaa kullanka goobjoog ka ahaa Saraakiisha Waaxyaha kala duwan ee Madaxtooyada. Waxaana ugu dambeyn shaqadiisa lagu wareejiyay Agaasime Ku-xigeenka cusub ee Madaxtooyada. Mudane Cabdirisaaq Cali Cartan kaas oo xilkaasi uu Madaxweynaha Dowladda Puntland u magacaabay 26 October 2022
Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland oo ay dhinacyadiisu taagan yihiin Wasiirka Difaaca Dowlada Federaalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidamada xooga dalka Sareeye Guuto Odowaa Yusuf Raage ayaa boqolaal kamid ah ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta jubbaland kula hadlay gudaha magaalada kismaayo kuwaas oo loo diyariyay dagaal ka dhan ah Alshabaab. Madaxweyne Axmed ayaa tilmaamay in Ciidamadan ay ka kooban yihiin noocyada kala duwan ee Ciidamada Jubbaland iyo kuwa xooga dalka isla markana ay diyaar u yihiin ka xoraynta Alshabaab dalka. Wuxuuna Axmed madoobe sheegay in marka deegaanada jubbooyinka laga xoreeyo AS. kadib ay…
Dhacdadaan Naxdinta leh ayaa bilawgii toddobaadkaan ka dhacday Magaalada Mayfair ee koonfur afrika halkaas oo ay soomaalida ku badan yihiin, Hooyadan soomaaliyeed ayaa la sheegayaa inuu ninkeeda asal ahaan ka soo jeeday dalka Itobbiya ayna labo carrruur ah u dhashay saygeeda, Balse booliiska magaalada Johannesbur faahfaahin dheeri ah kama aanu bixin sababta ku xambaartay inay disho ninkii nolosha ay la wadaageysay. Balse warar hoose oo warbaahinta RBN ay heleyso ayaa xaqiijinaya in in qoyska uu khilaaf hareeyay waqtiyadii ugu dambeeyay kaasi oo aan si dhab ah loo ogeyn waxa uu salka ku hayay, Gabadhaan Soomaaliyeed ayaa ninkeeda Itoobiyaanka ahaa ee…
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta furay shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga soomaaliya.Isagoona sheegay in dalkeena ay ka jirto fursado maalgashi oo ballaaran. Sidoo kale Xasan sheikh maxamuud ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha dowladiisu ee ku aaddan xaqiijinta Soomaaliya ku habboon maalgashi, “In kastoo aan halkan u imid si aan u dhiirri-geliyo maalgashiga dalkayga, haddana waa garowsanahay caqabadaha nagu xeeran oo ay ugu horreyso argagixisada, abaaraha, hannaanka dhaqaalaha oo dib u habayn u baahan iyo shaqo la’aanta dhallinyarada, haddana dhammaan arrimahaas waxaa barbar socda dadaallo aan ku xallinayno iyo fursado ballaaran oo ka jira dalka.” ayuu yiri Mudane…
Dagaal qaatay saacado badan ayaa maanta ka dhacay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool kadib markii xoogag ka tirsan Alshabaab ay weerareen, Dagaalka ayaa ka dhacay saldhig Ciidamada Daraaawiishta koonfur/galbeed ay ku lahaayeen degmadaasi ay weerar ku soo qaadeen dagaalyahano ka tirsan Alshabaab, Waxaana halkaasi ku dhexmaray dagaal saacado badan qaatay kaas oo khasaarooyin kala duwan uu ka soo gaaray dhinacyada ku dagaalamay, Inkastoo aanan la xaqiijin Karin tirada rasmiga ee halkaasi dhimashada iyo dhaawaca ku noqday, Dhawaan ayey aheyd kadib markii xoogag ka tirsan Alshabaab ay weerareen deegaanka Daynuunaay oo Kaabiga ku heysa Magaalada Beydhabo. Dagaalkan maanta ka dhacay degmada…
Mudanayaasha Golaha Wakiilada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo loogu qabtay Tabbabar sare loogu qaadayo aqoontooda kaas oo ku aaadan sida ugu macquulsan ee dib u eegis loogu sameyn karo dastuurka KMG ah ee Soomaaliya iyo nooca uu noqonayo doorka ay ku leeyihiin Golaha Wakiilada Jubbaland.
War ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu beeniyay warar sheegaya in wasaaraddu ay oggolaanshiyo u siisay inay ka shaqeyso hubinta Tayada Badeecadaha dalka shirkadda MARU PORT Oo iyadu baahisay in wasaaradda ay u ogolaatay. Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ayaa qoraalka ka soo baxay ku sheegtay inaaney jirin warka ka soo baxay shirkadda Islamarkaana ay u caddeynayso bulshada Soomaaliyeed, Ganacsatada iyo dhammaan hay’adaha kale ee khusayso arintaan in aanay illaa hadda jirin shirkad la siiyey wax oggolaanshiyo ah Oo la xariira ka shaqeysnta hubinta Tayada Badeecadaha dalka. Waxeyna Wasaaraddu sheegtay in dhawaan shaacin doonto…
Qoraal Kooban oo Lagu faafiyay page-ka Rasmiga Ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu baaqday kulan maanta ay ku balansanaayeen. *OGEYSIIS DEG DEG AH* Dhammaan xildhibaanadda Golaha Shacabka BJFS waxaa lagu wargelinayaa in kulankii wada-jirka ahaa ee labada gole BFS dib loo dhigay. Guddoonka labada gole ayaa dib ka soo sheegi doona fadhiga xiga. Mahadsanidiin