Dr Maryan Maxamuud Xasan Wasiiru Dowlaha wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa kulamo iyo casho sharaf la qaadatay dhaqaatiir Suudaanees ah Oo howlo caafimaad oo indho-fiiqis ah u sameeyay dad gaaraya 100 qofood.halka sidoo kalena ay daaweeyeen dad ka badan 509 bukaan. Sidoo kale Dr Maryan Maxamuud Xasan ayaa kaga mahadcelisay dhaqaatiirta Suudaaneeska sida ay ugu adeegeen bulshada soomaaliyeed
Author: Asad Shadhuuke
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar ku bilawday qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Hoteel ku yaalla Aga-gaarka Godka Jilacow iyo Madaxtooyada Soomaaliya. Hotelka uu weerarka ka dhacay ayaa lagu magacaabaa Villa Rosa waana hotel inta badan mas’uuliyiinta dowladda ay degaan. Warar hordhac ah oo warbaahinta RBN ay goobta ka hjeleyso ayaa sheegaya in laamaha amaanka ay hotelka ka soo badbaadiyeen Mas’uuliyiin badan oo uu kamid yahay wasiirka wasaaradda amniga soomaaliya iyo wasiirka kalluumeysiga, Sidoo kale Wasiir u dowlaha wasaaradda Bey’ada iyo isbaddalka Cimilada ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray inuu ka soo badbaaday weerarka hoteelka ay Alshabaab…
Warbaahinta ay maamusho TPLF ayaa baahisay in duqeymo diyaaradeed loo geystay deegaano ay maamulaan. Waxeyna ku Eedeeyeen dowladda Eritariya in diyaaradaheeda dagaalku ay duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyeen maanta magaalo kamid ah gobolka Tigray oo lagu magacaabo Irob, TPlF ayaa intaasi raacisay in duqeymaha waxyeelo kala duwan ay gaarsiiyeen goobo ay degganaayeen dad shacab ah, Xarumo Waxbarasho, Isbitaalo iyo goobo kale oo dhammaan ay degganaayeen dad rayid ah. Dowladda Itoobiya ayaanan wali wax war ah kasoo saarin hadallada kasoo yeeraya TPLF, iyo eedaymaha ay TPLF usoo jeedinayso dowladda Eritariya. Sidoo kale Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijinaya warka…
Ciidanka xoogga dalka soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa dagaal la’aan gudaha ugu galay deegaanka Ceelbaraf halkaas oo ay baneeyeen Kooxda Alshabaab. Saraakiil ka tirsan Ciidamada gudaha u galay Ceelbaraf Oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney ku sii raad joogaan dagaal yahanada Alshabaab ee isaga baxay deegaanka. Sidaan Oo kale Toddobaad ka hor ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ayaa weerar ku qaaday deegaanka Ceelbaraf xilligaas oo ay ku sugnaayeen Alshabaab, Balse maanta ayey si toos ah ula wareegeen wallow aanan la hubin iney sii joogi doonaan maadaama marar badan deegaano horay looga qabsaday Alshabaab ay dib…
Cabdicasiis Cisman Maxamed oo ah guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah xafiisyada hoos yimaada waaxda Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha ayaa u kuurgalay howlaha shaqo iyo adeegyada loogu hayo Xafiisyada shacabka ku nool Gobolka Banaadir, sidoo kale mudane Cabdicasiis Cisman Maxamed guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kulan isbarasho iyo is xog-wareysi la qaatay qaar ka mid ah Howlwadeenada Xafiisyada Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta, Waxa uuna ka dhageystay howlwadeennada Xafiisyada warbixino la xariirta adeegyada iyo shaqooyinka kala gedisan ee ka socda xafiisyada, Mudane…
Kullan ay inta badan goobjoog ka ahaayeen Haweenka Aqalka sare Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Oo kaashanaya Uuna sidoo kale Abuukaatayaasha waaxda shuruucda Aqalka Sare ayaa wax ka bedel iyo toosin ku sameeyay ilaa iyo afar qodob ee Xeer-hoosaadka Haweenka Aqalka Sare,
Waxaa maanta kullankiisa 1aad Kuyeeshay gudaha magaalada Muqdisho Guddiga Garsoorka Arimaha Diinta iyo Awqaafta Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Kaas oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga garsoorka arimaha diinta iyo awqaafta Xildhibaan Cali Xaaji Daahir, Kulanka oo inta Badan xubnaha Guddiga ay goob-joog ka ahaayeen ayaa waxaa looga hadlay qorshe howleedka hortabinta u leh guddiga iyo sidii ay u joogtayn lahaayeen kulamada Guddiga,
Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta Xarunta Degmada Kaaraan ka dhagax Dhigay Dayactir iyo dib-u-dhis balaaran lagu sameynayo xarunta Degmadaasi Ee Maamulkiisa qeybta ka ah. Munaasabadda dhagax dhigga Mashruucaan lagu dayactirayo Xarunta degmada Kaaraan Ee Gobolka Banaadir Waxaa Guddoomiyaha ku Wehlinayay Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka G/Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dib-u-dhiska xarunta Degmada Kaaraan ee qeyb ka tahay Qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu balaarinayo xarumaha adeega dadweynaha.
Labaatan qof Oo ahaa kalluumeysato u kala dhashay dalalka Iiraan iyo Pakistaan ayna gacanta ku dhigeen Kooxihii burcad-badeedka Soomaalida balse ay kala Wareegeen Kooxda Alshabaab ayaa maanta Xoriyadooda dib u helay. Maxaabiistaan Ajaaniibta ah Ee gacanta Alshabaab galay ayaa u xernaa muddo sideed sano ah kooxdaasi,iyadoona maanta ay soo gaareen Magaalada Hobyo. Haatan waxaa lagu hayaa saldhigga Magaalada Hobyo Ee Maamul goboleedka Galmudug halkaas oo lagu su’aalo weydiinayo.
Warar ka imaanaya Magaalada Hargeysa Ee Caasimadda Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in Xalay gudaha magaaladaasi lagu dilay wiil dhallinyaro ah, Wiilka la dillay ayaa magaciisa lagu sheegay Amiin Siciid Sidiiq wuxuuna ahaa 22jir. waxaana Amiin dilay sida Booliiska magaalada Hargeysa ay xaqiijiyeen Nin ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada kaas oo kamid ah dadka Itoobiyaanka ee kunool gudaha Magaalada Hargeysa. Waxeyna kuwada sugnaayeen xilliga dilka uu dhacayay labada ruux gudaha hoteel Guuleed oo magaalada kuyaala. Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa dilka kadib gacanta ku soo dhigay ifsa Axmed Shariif kaas oo la sheegay inuu yahay ruuxa dilka geystay. War qoraal ah Oo…