Xilli Mudooyinkii dambe falal amni daro ah ay ka dhaceen xaafado kamid ah magaalada Garowe ee Caasimadda Dowlad goboleedka Puntland ayaa xalay duqa Magaalada Garowe socdaal uu ku kala bixiyay xaafadaha kala duwan iyo kaamamka barakacayaasha magaalada Garowe, Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geedi ayaa kaamka shabelle Ee Magaalada Garowe kula daawaday boqolaal dadweyne ciyaaraha koobka aduunka xilli halkaasi kormeer dhinaca amniga uu ku tagay,
Author: Asad Shadhuuke
Labo Haamood Oo waaweyn islamarkaana la ogeyn waxa ku jira ayaa ku soo caariyay meel aan sidaa kaga fogeyn Xeebta Degmada Warsheekh Ee gobolkia sh/dhexe dowlad goboleedka Hirshabelle, Haamanka ayaa afka ka xeran waana kuwa Daxaleystay sida sawiradooda laga dheehan karo,Waxaase loo malaynayaa iney ku jiraan haraaga sunta iyo kiimikada Warshadaha maadaama inta badan dalalka reer galbeedka ay ku soo daadiyaan xeebaha dalkeena, Dadka degmada Warsheekh ayaa ka cabsi qaba in Haamanku ay dilaacaan ama neefsadaan taasoo keeni karta dhibaato caafimaad oo ka soo gaarto dadka deegaanka. Hey’addaha qaabilsan ilaalinta badqabka deegaanka ee dowladda federaalka soomaaliya ayaanan weli soo bandhigin…
Qoraal kooban oo ka soo baxay Cidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in howlgal ay ku soo qabteen rag burcad ah Oo hubeysnaa Kuwaas oo Mooto-bajaaj dhac ku geysanayay, Howlgalkan ayaa ka dhacay Degmada Warta-Nabadda Gaar ahaan xaafadda Xamar-Jadiid Waaxda Barwaaqo sida Laamaha Booliisku ay sheegeyn. HOOS KA AKHRISO QORAAL AY SOO SAAREEN BOOLISKA Caawa 26/Nov/2022, abaare 10:00 fiidnimo, ayaa Ciidanka Bolliiska Soomaaliyeed ee Saldhiga Boliiska Degmada Warta-nabadda, waxey Waaxda Barwaaqo ee Xaafda Xamar-Jadiid gacanta ku dhigeen Mooto Bajaaj RE-Gaduud ah taarkadeedu tahay M1D595, labo eedeysane, hubkoodii iyo dhibaneyaashii dhaca loo gesytay. Mootadaan ayaa isla caawa fiidkii horay dhac uga…
Cabdi Xaashi Cabdullaahi guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ayaa maanta hoygiisa ku qaabilaymaanta qaar kamid ah guddoonnada baarlamaanka dowlad goboleedyada dalka Oo arimo shaqo u joogga Magaalada Muqdisho. Guddoonnada Baarlamaanka Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Koofurgalbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa guddoomiye cabdi xaashi hoygiisa ku booqday iyaga oo kala hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid tahay Aqalka Sare oo gudanaya waajibaadkisa dastuuriga ah inuu u fududeeyo golayaasha waxyabaaha muhiimka u ah shaqooyinkooda ee uga xiran Dowladda Faderaalka. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa dhankiisa kula dardaarmay Guddoomiyayaasha inay dardar geliyaan waajibaadka iyo howlaha shaqo ee ay u hayaan shacabka…
Axmed Maxamed Islaam,Axmed-Madoobe.Madaxweynaha dowlad Gobolleedka Jubbaland ayaa xarunta Madaxtooyada Ee Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Wafdi ballaaran uu hogaaminayo Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, Wasiirka gaashaandhiga Ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka dhulka Odowaa Yusuf Raage ayaa la filayaa in Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland inay kala hadlaan howlgallada madaxweynaha soomaaliya uu kaga dhawaaqay dalka sidii looga bilaabi lahaa deegaanada Jubbaland oo Alshabaab deegaano iyo degmooyin ay ka heystaan,
Qeyb kamid ah Kun tan Oo raashiin noocyadiisa kala duwan oo ay ugu deeqday dowladda Imaaraatka -Carabata abaaraha ka jira deegaanada Maamul gobolleedka Jubbaland ayaa maanta laga soo dejiyay dekedda Magaalada Kismaayo, Waxaana la soo gaarsiiyay dekedda Kismaayo Sadex boqol iyo toban tan oo kamid ah deeqda kunka Tan ah. Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta musiibooyinka Mudane Axmed Xasan Cumar iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda ayaa la wareegay deeqdan iyaga Oo kaga mahad celiyay taageerada shacabka iyo Dowlada imaaradka carabta ay la garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta dhagax dhigay garoon diyaaradeed ay yeelan doonto degmada Cadale Ee gobolka sh dhexe. Madaxweynaha Soomaaliya waxaa munaasabadda dhagax dhigga garoonka Cusub ee Cadale ku wehlinayay Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen, Garoonkaan diyaaradeedkaan oo dhismihiisu uu dhowaan bilaaban doono ayaa lagu wadaa in loo dhiso hab casri ah, Garoon diyaaradeedkaan ayaa la filayaa dhismihiisa kadib inuu wax badan uu ku soo kordhiyo bilicda horumarka iyo isu socodka bulshada ee gobolka, Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in garoonkan uu muhiim u yahay bulshada deegaanka,Islamarkaana uu qeyb ka yahay Mashaariicda gobolka Shabeelaha…
Howlgal qorsheysan Oo ka dhacay deegaanka Ceel-dheere Ee hoostagga degmada Aadan-yabaal una dhaxeeya Sh,dhexe iyo Hiiraan ayey sheegatay dowladda soomaaliya inay ku dilleen xubno kamid ah Alshabaab. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala Oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in howlgalkaan Oo dhacay xalay saqdii dhexe inay fuliyeen diyaarado dagaal islamarkaana lagu dillay 100 Xubnood oo AS ah, Sidoo kale maanta waxaa deegaanka Ceel-dheere gudaha u galay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo isgarabsanaya kadib markii As ay isaga baxeen,
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya israsaaseyn maanta ka dhacday Gobolka Sool kaas oo dhexmartay Ciidamo ka tirsan Booliiska Somaliland iyo Kooxo hubeysan, Gaashaanle Dhexe Cali Axmed Shire, Taliyaha Qaybta guud ee Booliska Gobolka Sool ayaa warbaahinta u sheegay in iyaga oo howlgal ku jira ay la kulmeen kooxo hubeysan Oo falal amni daro ah qorsheynayay islamarkaana ay dhexmartay israsaaseyn qaar kamid ahna gacanta ay ku soo dhigeen halka kuwa kalena ay ka baxsadeen. Inkastoo taliyuhu aaney sheegin tirada ay gaarsiisan yihiin kooxda ay gacanta kusoo dhigeen, hadana waxa uu sheegay iney faah faahin guud ka soo bixin doonaan…
Kooxo hubeysan oo ka kooban ilaa 5 ruux ayaa la sheegayaa inay gabar Soomaaliyeed ka afduubteen Deegaanka Delft ee hoostaga magaalada Cape Town dalka Koonfur/afrika, Gabadha ayaa laga afduubtay Xilli ay ku jirtay dukaan ganacsi oo deegaankaa uu ku lahaa Aabaheed balse dibadda uu kaga maqnaa, Afhayeenka booliska gobolka western Cape Ndakhe Gwala oo la hadlay warbaahinta gudaha Ee Koonfur/afrika ayaa sheegay in kiiska afduubka ee gabadha Soomaalida ah ay ka war heleen maalinnimadii khamiista aheyd Ee dabayaaqadii Toddobaadkii hore ayna ku mashquulsan yihiin baaritaanka kooxihii ka dambeeyay iyo halka ay la aadeen. Inkasto aan si rasmi ah loo shaacin…