Author: Asad Shadhuuke

Tabbabar ay iska kaalmeysanayeen dowladda uganda iyo hey’addaha qaxootiga iyo kuwa caafimaadka ayaa loogu qabtay gudaha dalkaasi hogaamiyayaasha dadka qaxootiga ah oo ay soomaalida ku jirta, Tabbabarkan ayaa ku saabsanaa sidii looga hortagi lahaa caabuqa sii baahaya ee Ebolla kaas oo ku sii fidaya gudaha dalkaasi uganda, Mid kamid ah macallimiinta tabbabarka bixinayay oo ka tirsan hey’adda UNHCR ayaa sheegay muhiimadda tabbabarka ay u leedahay dadka qaxootiga isagoona tilmaamay inay ku baranayaan sidii ay isaga ilaalin lahaayeen cudurka Ebola loogana hortagi lahaa sii fiditaankiisa, Sidoo kale qaar kamid ah hogaamiyayaasha qaxootiga Soomaalida ee Uganda ayaa ka warbixiyay tabbabarka iyo muhiimadda…

Read More

Saulos Klaus Chilima oo ah Madaxweyne ku xigeenka waddanka Malawi ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu helay cadeymo muujinaya inuu ku kacay arimo la xariira Musuq-muusuq, Xafiiska la-dagaallanka musuq-masuqa ee waddankaas Malawi ayaa soo gabagabeeyay baaritaano ay ku hayeen madaxweyne ku xigeenka kuwaas oo la xariira eedeymo loo soo jeediyay oo sheegaya inuu ku kacay arimo la xariira musuq. Madaxweynaha Malawi Lazarus Chakwera ayaa ku xiggeenkii ka xayuubiyay awoodiisa intii ay socoto baarintaannada la xiriira musuqmaasuqa.kadib Khudbad heer qaran ah oo uu jeediyay bishii Juun, Balse wuxuu sheegay madaxweynuhu in aanu awood dastuuri ah u lahayn inuu shaqada ka…

Read More

Baashe Faarax Cabdi waa eedeysane loo heysto inuu xalay saqdii dhexe dil ka geystay gudaha Magaalada Hargeysa, Dilka ayaa ka dhacay gudaha hotel kuyaalla magaalada Hargeysa Ee Caasimadda Maamulka Somaliland. Ciidamada booliiska ee maamulka Somaliland ayaa ku guuleestay inay gacanta kusoo dhigaan ninka ku eedeysan dalka kaas oo magaciisa lagu sheegay Baashe Faarax Cabdi halka ruuxa uu dillayna lagu magacaabo Jimcaale Rashiid Xasan . War kasoo baxay booliiska Somaliland ayaa lagu sheegay in ciidamada howlgal ay sameeyeen dabadeed ay u suurto gashay inay gacanta kusoo dhigaan baashe, Sidoo kale Taliska Booliiska ayaa tilmaamay in dilkan uu u adeegsaday toorey xalay…

Read More

Kullan ku qotama isbarasho ayey maanta wada yeesheen guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyo danjiraha cusub ee Dowladda Imaaraadka Carabta Amb. Axmad Jumca Alromayth, Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta Axmed Alrumayth ayaa Guddoomiye Cabdi Xaashi u sheegay in Dowladda Imaaraatka ay ka go’antahay garab istaaga iyo kaalmada shacabka iyo dowladda Soomaaliya, ayna diyaar u yihiin inay adkeeyaan xiriirka wanaagsan ka dhaxeeya labada dowladood. Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Ee Soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa dhankiisa bogaadiyay dadaalka iyo garab istaagga Dowladda Imaaraadka Carabta ay la garab istaagtay Soomaaliya, Wuxuuna kula dardaarmay danjiraha ka shaqaynta iyo adkeynta xiriirkii soo jireenka…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala wareegay Ergeyga cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya warqadihiisa aqoonsiga, Danjiraha cusub ee midowga afrika Souef ayaana rajo wanaagsan ka muujiyay wada shaqeyn dhow oo dhex marto ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya (ATMIS) iyo dowladda federaalka Soomaaliya (DFS) si loo soo celiyo amniga iyo xasiloonida dalka. “Kulanku wuxuu ahaa mid miro dhal ah. Waxaan diiradda saarnay waajibaadka howlgalka iyo sida aan si dhow u wada shaqeyn karno. Waxaan ka wada hadalnay nooca taageerada aan Soomaaliya ku siin karno nabadda, amniga, iyo xasilloonida, iyo wadashaqeynta aan ka raadin karno maamullada Soomaaliya…

Read More

Howlgal dhinaca cirka ah oo ay fuliyeen diyaarado dagaal ayaa lagu dillay ku dhawaad 50 xubnood oo ka tirsan kooxda alshabaab sida ay sheegtay wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka ee soomaaliya. howlgalkaan ayaa ka dhacay deegaanka Buulo-Madiino oo ka tirsan gobolka shabeellada hoose, Qoraal kooban oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta soomaaliya oo baraha bulshadda lagu faafiyay ayaa sidaam u qornaa.

Read More

Duqa Muqdisho Ayaa kullan isbarasho ah u qabtay Xoghaya Guddoomiye Ku-xigeenada cusub iyo Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka iyo kuwii hore. Kullan ay u wada dhammaayeen dhammaan Guddoomiye Ku-xigeenada cusub iyo Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir ee dhawaan uu soo magacaabay Madaxweynaha dowladda Federaalka ee soomaaliya iyo Guddoomiye ku-xigeenaddii hore iyo Xog’hayihii Gobolka Banaadir ee xafiiska baneynaya. Mas’uuliyiintii hore xilalkaasi horay ugu fadhiyay ayaa maanta ka dhacday xarunta gobolka banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaana kullankaan oo ahaa mid gaar ah islamarkaan isbarasho ah isugu yeeray mas’uuliyiintaa,

Read More

Shirweyne looga hadli doonno abaaraha ka jira soomaaliya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa haqab-beelka cuntada iyo kor u qaadista awoodda la qabsiga isbedelka cimilada ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu qabsoomo horaanta bisha soo socoto sida uu sheegay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ambassador Hossam Zaki. Mr Zaki oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta xoghaynta guud ee Jaamacadda Carabta ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ka jirto abaar daran, kadib markii la waayey roobabkii muddo 5 sano ah, taasina ay keentay in kala bar dadka Soomaaliyeed ay la noolaadaan dhibaato abaareed, Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay ayaa…

Read More

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Dr Cabdixakiim Xaaji Maxamed Luqamaan ayaa dhammaan guddoomiyayaasha baarlamaannada dowlad gobolleedyada ku casuumay Magaalada Beledweyne Ee Xarunta gobolka Hiiraan, Soo dhaweynta guddoomiyayaasha ayaa ka socota magaalada Beledweyne iyadoona ay gaareen magaaladaasi, Kullan gaar ah ayaa la filayaa inay Magaalada Beledweyne ku yeeshaan Maalinta berito ah guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dowlad Gobolleedyada, kaas oo ay kaga hadli doonaan sidii lo xoojin lahaa wadashaqeynta Baarlamaannada Shanta dowlad Goboleed. Dowlad gobolleedka Hirshabelle ayaa noqotay dowlad gobolleedkii ugu horreeyay ee Kullan noociisa ah qabata iyadoona kullanka guddoomiyayaasha ay kaga wada hadli doonaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyadoona sidoo kale dhaqaale loogu aruurin…

Read More

Maxamed Cabduqaadir Sheikh Ibraahim waxa uu kamid ahaa ciidamada Booliiska Maamulka koonfur/galbeed Somaliya, Maxamed ayaa 25kii bishii April Ee sanadkaan tooreey ku dilay Cabdifitaax Cabdullaahi Cali kaa oo ay ku murmeen Janta Sigaar, gudaha degmada Boondheere Ee gobolka Banaadir Ciidamada booliiska konfur/galbeed qeybtooda ka howlgalla degmada Afgooye ee gobolka shabeelada hoose ayaa gacanta ku soo dhigay Maxamed iyadoona maanta lagu xukumay dil toogasho kaas oo ah qisaasta ninkii uu horay u dillay.

Read More