Author: rbnnews

Madaxwaynaha Jamhuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Mudane Dr Xasan Shiikh Maxamuud ayaa u safray Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga ka dib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhigiisa dalkaas Mudane Rejeb Dayib Erdugaan. Dawladda walaalaha aan nahay ee Turkiga ayaa wadday dadaal iyo wadahadal xal loogu raadinayo xiisadii ka dhex aloosanayd Dawladda Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii isafgaradka sharci darrada ahaa. Waxaa lagu wadaa in wareegga saddexaad ee wadahalada Ankara ay isku arki doonaan laba wafdi oo ay kala hogaaminayaan madaxweynaha JFS iyo Raysulwasaaraha Itoobiya. Dawladda Soomaaliya oo gudanaysa waajibka ka saaran ilaalinta Madaxbanaanida iyo midnimada Soomaaliya…

Read More

War Qoraar ah oo kasobaxay madaxtoyada somalia ayaa lagu magacabay mayarka cusub ee magalada muqdisho Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisinta XFS ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho u magacaabay Mudane Maxamed Axmed Amiir oo ah aqoonyahan ka soo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta. Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Iyo Duqa Muqdisho in uu sii dhammeystiro qorshayaasha horumarineed ee Caasimadda, isaga oo mudnaanta siinaya horumarinta magaalada, gaarsiinta bulshada Caasimadda doorasho dadweyne, sare u qaadista bilicda caasimadda, baahinta adeegyada aas-aasiga…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale dardar gelinta wada shaqeynta baarlamaanadda labada wadan. Sidoo kale inta kulanka uu socday ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka iyo Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya waxa ay ka wada hadleen sidii Dowladda Shiinaha ay Baarlamaanka Soomaaliya uga caawin laheyd dhameystirka dhismaha iyo qalabeynta xarunta Baarlamaanka. Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in xiriirka Shiinaha…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha UK Soomaaliya, Michael Nithavrianakis, oo ay ka wada hadleen iskaashiga iyo danaha guud ee labada dal, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda, la-dagaallanka argagixisada iyo doorashooyinka dadweynaha dib loogu celinayo xaqa ay u leeyihiin inay doortaan hoggaankooda. Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Danjiraha la wadaaggay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan cidda hoggaamineysa. Danjire, Michael, ayaa dhankiisa sheegay in dowladda UK ay taageereyso siyaasadda dowladda Soomaaliya ee ku aaddan hirgelinta doorashooyin qof iyo…

Read More

Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige ayaa maalintii Labaad ka qeyb galaya shirka Sanad laha ah ee Maaliyadda Afrika (𝐀𝐟𝐫i𝐜𝐚 𝐅𝐢𝐧𝐚𝐧𝐜𝐢𝐚𝐥 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐢𝐭) oo lagu qabanayo magaalada Casablanca ee Boqortooyada Morocco. Shirkan oo maanta lagu soo gabagabeen doono magaalada Casablanca ee Boqortooyada Morocco ayaa waxa uu ka qeyb gali doonaa Wasiirka Maaliyadda kulamo guud iyo kuwo gaar ah oo ay ka mid yihiin doodo iyo hadal jeedino ku saabsan waddii Soomaaliya ee deyn-cafinta oo cashar ku dayasho mudan ay ku tilmaameen dalalka iyo hey’adaha dhaqaalaha Adduunka. Ka sukoow hadal-jeediyeyaasha muhiimka ah, waxaa sidoo kale uu Mudane Wasiir Biixi ka mid…

Read More

Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa maanta kulan muhiim ah kula qaadatay Xarunta Safaaradda qaar ka mid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Kampala. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta iyo xiriirka u dhexeeya safaaradda iyo jaaliyadda. Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa Odayaasha kulanka ka soo qayb galay u caddeysay in siyaasaddeeda cusub ee hoggaaminta safaaradda ay tahay mid ku saleysan cadaalad iyo sinnaan ay helaan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waxay sheegtay in aysan jiri doonin cid gaar ah oo safaaradda u xiran tahay ama cid kale oo laga xigsan…

Read More

Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay dadwayne isugu jira qeybaha Bulshada, waxayna madaxda hay’addaha u xil-saaran dastuurka ka dhagaysteen warbixin ku aadan dib-u-eegista dastuurka guud ahaan iyo gaar ahaan Cutubka 9-aad oo ka hadlaya xoojinta Garsoorka & Madax-banaanidiisa. Kullanka oo waqti dheer qaatay ayaa su’aalo lagu waydiiyay Madax ka tirsan Sadaxda Hay’adood ee Dastuurka u xil saaran waxaana si toos ah uga jawaabayay su’aalaha dadwaynaha masuuliyiinta kala ah Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xassan Macallim Maxamuud, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Dastuurka Avv. Burhaan Aadan Cumar iyo Xoghayaha Guddiga La-socodka Dastuurka ee Baarlamaanka, Sanetor Siciid Cabdi Xassan Cowke.…

Read More

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir Dr. Fartun Sharif Mohamed iyo agaasime ku xigeenka Isbitalka Banaadir Dr. Amina Hassan Hussein oo howlo shaqo u joogay dalka Finland ayaa booqashooyin ku tagey xarumo Caafimaad oo ku yaala dalkaasi si khibradaha iyo aqoonta la isku dhaafsado taasoo ka qeyb qaadan karta in Isbitaalka Banaadir la sii horumariyo howlaha shaqo ee uu u hayo bulsho waynta Soomaaliyeed. Agaasimayaasha ayaa inta ay ku sugnaayeen dalkaasi waxey kulamo la qaateen Hey’adda IOM ,machadka Caafimaadka Qaranka, Maamulada Isbitalada iyo Jaamacadda ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, ayagoo sidoo kalena la kulmay bahda Caafimaadka ku sugan ee dalkaasi. Ujeedada booqashada ayaa…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Gudddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka ee Golaha Shacabka oo xal ka gaaray dhacdo 27-kii Bishii November ka dhacday Golaha Shacabka ka dib markii Xildhibaan Xasan Yare oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka uu gacan u qaaday askari ka tirsan ilaalada xarunta Golaha Shacabka. Xildhibaanka oo askariga ka raali geliyay falkii gacan qaadka ahaa oo uu kula kacay ayaa dhankiisa aqbalay raali gelinta Xildhibaanka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Gudddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka ee Golaha Shacabka…

Read More