https://www.youtube.com/watch?v=FuPNpUE4zGU&t=58s
Author: rbnnews
Kooxda fallaagada Suuriya ayaa aroornimada hore ee saakay oo Axad ah sheegatay, in ay Suuriya ka xoreeyeen Bashar Al Asad oo dalkaasi soo xakumayay muddo dheer, kaddib marki ay gudaha u galeen magaalada caasimadda ah ee Dimishiq. Wararka ayaa sheegaya in Bashar Asad uu ka cararay waddanka isla markaana aanan la ogeyn halka ay u duushay diyaarad xalay ka qaaday caasimadda. Kooxda Jabhadda Taxrir Al Sham, waxay aroornimadi hore shaacisay in ay la wareegeen xarunta raadiyaha iyo telefishinka qaranka ee Suuriya. Waxaa la maqlayay rasaas ka dhaceysa gudaha caasimadda. War kasoo baxay kooxda xakunka ka tuurtay Bashar Asad ee Jabhadda…
Duqeymo ay Isra’il Sabtidi ka geysatay Marinka Gaza ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 30 Falastiiniyiin ah, sidaasi waxaa xaqiijiyay saraakiisha caafimaadka Gaza. Duqeymahaan ayaa imaanaya xilli ay dhawaan Dowladda Qatar ka dhawaajisay in ay dib u billaabeyso dadaalladeedii dhex dhexaadinta wadahadallada xabad joojinta Gaza iyo sii deynta la heystayaasha Isra’il. Milatariga Isra’il wax jawab ah kama aysan bixin duqeymaha Sabtidi shalay ay ku qaadday magaalooyinka Gaza iyo Rafax. Laalin Isra’il waxay Jimcihi sheegtay in duqeymo dhowr ah ay ku dishay dagaalyahano ka tirsan Xamaas oo ku sugnaa bartamaha Gaza, iyo Xerada Nuseyraar. Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaase sheegay…
Kaddib marki ay soo qabsadeen magaalooyin muhiim ah oo ay horay u joogeen ciidamada milataga dowladda, ayay fallaagada ku kacsan dowladda Suuriya aad ugu soo dhawaadeen Sabtidi nawaaxiga magaalada caasimadda ah ee Dimishiq. Fallaagada ayaa saacadihi ugu danbeeyay qabsaday magaalada muhiimka ah ee Xomus, taasoo suuragelisay in jiidda hore ee aagag dhowr ah oo guud ahaan waddanka ah ay burburaan. Ku soo dhawaashaha magaalada caasimadda ah ee Dimishiq ayaa ka dhigan in xakunka 24-ka sano ee Bashaar Al Asad ee Suuriya uu halis weyn ku jiro. Xomus ayaa aheyd magaalo istaraatiiji u ah difaaca caasimadda. Qof ka mid ah dadka…
Madaxweynaha Kuuriyada Koofureed Yoon Suk Yeol ayaa khudbad laga baahiyay telefishannada aroornimadi hore ee Sabtida maanta ah, raalli gelin ka bixiyay sharcigi dagaalka ee martial law-ga ee uu todobaadkaan ku soo rogay dalkiisa, in kasta oo uu ka laabtay 6 saacadood kaddib. Yoon ayaa raalli gelintan bixiyay saacado yar ka hor inta aysan mudanayaasha baarlamaanka yeelan fadhi aan caadi aheyn oo la filayo in madaxweynaha xilka looga xayuubiyo. Yoon wuxuu sheegay in uusan isku dayi doonin ka fogaanshaha mas’uuliyadaha sharci iyo kuwa siyaasadeed ee ka dhashay go’aankiisii la yaabka ku noqday shacabka Kuuriyada isla markaana ruxay guud ahaan qaranka uu…
Maxkamadda saree ee dalka Romania ayaa Jimcihi shalay baab’isay naatijadi kasoo baxday wareeggii koowaad ee doorashadi madaxtinimada, isla markaana amartay in dib loo qabto doorasho kale oo billow ah. Go’aankan ayaa soo baxay xilli wareegga labaad ee kala baxa ahaa ee doorashada loo ballan sanaa in uu dhaco Axadda berrito ah, iyadoo qaar ka mid ah muwaadiniinta qurba-joogga ah ay codkooda kasoo dhiibteen wareegga labaad. Go’aanka lama filaanka ahaa ee kasoo baxay maxkamaddan dastuuriga ah ayaa yimid, kaddib marki uu madaxweyne Klaus Iohannis shaaca ka qaaday xogo dhanka mukhaabaraadka ah, oo sheegaya in Dowladda Ruushka ay farageliyay wareegi hore ee…
Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Yoonis Xaashi, ayaa shalay xarunta Wasaaradda kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka Switzerland ee JFS Mudane Mirko Guilietti. Danjire Xaashi ayaa uga mahadceliyey Dawladda Switzerland sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan tahay JFS, Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarka Soomaaliya ay ka gaartay dib u dhiska hay’adaha Dawliga ah, kobcinta dhaqaalaha, iyo tayeynta adeegyada kala duwan bulshada sida Caafimaadka, iyo waxbarashada. Labada dhinac ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay Dar dargelinta Dadaaladda firfircoon ee Soomaaliya ee heer gobol iyo heer caalami, sida…
Xeerarka doorashooyinka iyo xisbiyada, iyo guddiga doorashada ee Madaxweynuhu magacaawday waxay ku dhisan yihiin dastuurkii sida sharcidarrada ah loo baddelay, wax kasta oo baadil lagu dhisayna waa baadil, hal xaaraan ahna nirig xalaal ah ma dhasho
Mudanayaasha baarlamaanka Kuuriyada Koofureed ayaa Arbacada maanata ah ku baaqay in xil laga xayuubiyo madaxweyne Yoon Suk Yeol, ka dib markii uu Talaadadi shalay ku dhawaaqay sharciga dagaalka loo adeegsado ee martial law, kaas oo uu marki danbe dib uga laabtay. Soo saarista sharciga dagaalka ee martial law, ayaa dhalisay xasaraddii ugu weyneyd ee siyaasadeed ee muddo tobnaan sano ah ka dhacda dalka afraad ee dhaqaalah weyn qaaradda Aasiya. ilaa 190 mudane oo xarunta baarlamaanka xoog ku galay kaddib marki ay jiireen mallatariga ayaa dhammaan cod isku mid ah ku diiday, shacdiga martial law-ga ee uu soo rogay madaxweyne Yoon.…
Urur maxalli ah oo ka shaqeeya arrimaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay, in ilaa 135 qof ay ku dhinteen kaddib marki ay dumeen darbiyada garoon kubadda cagta ah oo ku yaalla dhinaca koofurbari ee dalka Guinea Axadii. Tirada hadda la helay ayaa laba jeer ka badan tan ay dowladda shaacisay Isniintii oo aheyd dhimashada ilaa 56 qof. Go’aan garsoore oo muran dhaliyay ayaa sababay rabshado garoonka ka dhex billowday. waxaa xigay booliska oo furay sunta dadka ka ilmeysiisa, taasoo keentay in isbuursi uu ka dhaco garoonka kubadda cagta ee magaalada Nzerekore. Kooxda wadajirka ah ee xuquuqda aadanaha ee gobolka Nzerekore, ayaa…