Author: rbnnews

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, iyo Danjire Yoonis Xaashi, Agaasimaha waaxda Yurub iyo Ameerika, iyo Masuuliyiin kale ayaa la kulmay Mudane Thani Maxamed Soilihi, Wasiiru-dawlaha Faransiiska ee Francophonie iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Kulanka ayaa lagu faaqiday iskaashiga xooggan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Faransiiska, waxaana diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada muhiimka ah sida amniga, socdaalka, iyo horumarinta dhaqaalaha. Wada-hadallada ayaa lagu muujiyay doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ee saaxada caalamka, oo ay ku jirto doorashadii dhawaan loo doortay xubinnimada Golaha Ammaanka ee…

Read More

Wararka ka imanaya magalada nairobi ee dalka kenya ayaa kuwaramay in natiijo la.aan kusidhamaday shirkii udhaxeeyay wafdi kasocda dawlada somalia uuna horkacayay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Bare iyo dawlada kenya logana arinsanayay qilafka udhaxeeya dowlada somalia iyo maamulka jubland shirka ayaa lashegaya inu kusogaba gabobay in markale la isku yimado nairobi si loga naqasho qilafka waxana labada dhinac kamu qatay qanaco la,aan laxariirta natiijada shirka maamulka jubaland shirka waxa kumatalay ergay gara kanasocda xafiiska madaxweyne axmed madobe wali waxanan lashacin waqtiga kale ee uu qabsomayo shirka balse warar aan helnay ayaa shegaya in suragaltay inuu shirka danbe yimaado madaxweynaha jubland…

Read More

Madaxwweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb galay shirweynaha 24 ee caadiga ah oo ay yeelanayaa dalalka ku bahoobay Urur gobolleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika,shirkan ayaa ka socda magaalada Caruusha ee dalka Tanzania Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa shalay ka qayb galay xuska 25-sano guurada ka soo wareegatay aas-aaska ururka Dhaqaalaha bulshada bariga Africa. Hal ku dhiga shirka sannadkan ayaa ah dhiiri-gelinta ganacsiga, hurumarka waara, nabbada iyo amniga si loo helo nolol fiican. Dhamaadka Shirka Madaxda ayaa saxiixaya qoddobo muhiima oo ay mid tahay wax ka bedelka hoggaanka meertada ururka oo lagu…

Read More

Xafiiska ku meel gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo saaray War saxaafadeed ku aadan Xadgudubka Jinsiga ee Somaaliya, waxaana lagu yiri War-saxaafadeedka “Iyadoo la xusayo billowga 16-ka maalmood ee ololaha dhaq-dhaqaaqa sanadlaha ah ee caalamiga ah ee ka dhanka ah xad-gudubyada ku saleysan jinsiga, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa hoosta ka xarriiqday muhiimadda ay leedahay in maamullada Soomaaliyeed ay kordhiyaan maalgelinta dagaalka ka dhanka ah xadgudubyada jinsiga ku saleysan. “Wax ka qabashada xadgudubyada jinsiga ku saleysan waxay u baahan tahay maaliyad iyo agab dhaqaale iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo ilaalinta haweenka, carruurta, dadka naafada ah,…

Read More

Wafdiga uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud HSJ Mudane Axmed Siciid Maxamed oo safar shaqo ku jooga dalka Jarmalka isla markaana ay wehlinayaan Safiirka iyo Safiir kuxigeenka JFS ee dalkaas ayaa kulan gaar ah kula qaatay xafiiskiisa Madaxwaynaha ugu sarreeya booliiska federaalka ee wadanka Jarmalka halkaas oo ay kaga wadahadleen arrimo muhiim ah oo la xiriira wadashaqaynta labada dal ee dhinacyadda socdaalka gaar ahaan iskaaashiga ku dhisan khibrad wadaagga iyo dhismaha aqoonta saraakiisha ka shaqaysa Socdaalka. Dowladda Jarmalka oo xiriir qoto dheer ah la leh dalkeenna ayaa horumar ka gaartay adeegsiga teknoolijiyadda casriga ah taas oo qayb wayn ka qaadatay horumarinta socdaalka…

Read More

Ku dhawaad ​​100 falastiiniyiin ah ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay weerarrada Israa’iil ay ka fulisay Gaza 24-kii saac ee la soo dhaafay. Dadka dhinatay waxaa ku jira 75 ruux oo lagu dilay weerarro xagga cirka ah oo lagu qaaday laba guri oo ku yaalla magaalada Beit Lahiya ee dhacda waqooyiga. Xasuuqa Israel ayaa sii socda xilli gaajada iyo silica heysta Falastiiniyiintya Gaza ay gaartay heer masiibo ah sida uu ku waramay  xafiiska warbaahinta dawladda ee fadhigiisu yahay  dhulka go’doosan. Xabad joojinta Lubnaan ayaa gashay maalintii afaraad, waxaana madaxa Xisbullah Naciim Qasem uu tallaabadaan ku tilmaamay guul rabbaani ah…

Read More

Wasiirka Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil – Fartaag oo ku guda jira booqashadisii Belgrade Serbia ayaa shalay booqday Machadka Daraasaadka Cilmi baarita Amniga Dunida, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Tiknoolajidda ee Vlatacom. Madaxda Machadka Vlatacom Dr. Vladimir Cizelj ayaa Wasiirka ka siiyay warbixin guud shaqada ay u xilsaaranyihiin iyo xiriirka Machadka uu la leeyahay in ka badan 96 dal oo uu Machadku la shaqeeyo. Machadka Vlatacom ee Serbia oo qabta hawlo aad u fara-badan ayaa Dowladda Soomaaliya u soo bandhiga fursado ay Soomaaliya u baahan tahay oo wax weyn ka tari doono Dowlad dhiska dalkeenna, waxaana…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa laguwada inuu safar kutago dalka kenya safarkan ayaa daran arimaha jubaland iyo dawlada somalia kadib qilaaf sii xogeystay oo udhaxeya dowda somalia iyo maamulka jubaland  ilo xog ogaala kunadhaw xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ino xaqiijiyay inu safari dono Hamza Abdi Barre kuna wajahanyahay magalada nirobi lama oga sida uu safarkan qeyb oga qadan karo dajinta xisada kadhextagan maamulka jubaland iyo dawlada dhexe ee somalia

Read More

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Ambassador Ilyaas Sheekh Cumar iyo Wasiirka arrimaha Baarlmaanka dowladda Masar, Mahmoud Fawzi, ayaa magaalada Qaahira ku yeeshay kulan looga hadlay xoojinta xariirka labada wasaaradood, horumarinta iyo daadejinta federaaleynta dalka iyo in Masar ay dowladda Soomaaliya ka caawiso geedi-scodka dib-u-eegista iyo dhameystirka dastuurka si loo helo dastuur la jaan-qaadaya dunida casriga ah, loona daboolo baahida muwaadiniinta Soomaaliyeed. Sidoo kale labada wasiir ayaa kulankooda uga hadlay isdhaafsiga khibradaha iyo aqoonta, gaar ahaan in dowladda Masar oo ka mid ah dowladaha ugu facaweyn dunida ay Soomaaliya usoo dirto khubaro dhinaca sharciga ah oo ka caawiya dib-u-habeynta…

Read More