Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiyo Soomaaliya Danjire Mike Nithavrianakis oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah. Inta uu kulanka socday Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa iska wareystay arrimaha amniga, xasilinta, barnaamijyada horumarinta dhaqaallaha, dowlad-dhiska iyo guullaha Dowladda Hirshabeelle oo kaashaneyso ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada Soomaaliya ay ka gaartay dagaalka lagula jiro Khawaarijta. Sidoo kale waxaa kulanka lagu gorfeeyay howgalada socda iyo wejiga 2-aad ee lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta. “Dowladda Ingiriiska waxaan uga mahadcelinayaa dadaallada ay ku bixineyso soo af-jirada Khawaarijta iyo barnaamijyada horumarineed…
Author: rbnnews
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladdu ay xoogga saartay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, iyada oo la dardar geliyey dadaallada ku aaddan xoojinta iskaashatooyinka dalka, waxa uuna faray dhammaan mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay in ay ilaaliyaan xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed. “Waxaan Shaqaale weynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa, Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay ku suntanyihiin hawl-karnimo, hufnaan iyo dhabar adayg, waxaana ku amaanayaa kaalintooda muhiimka ah ee ay xilligaan ka qaadanayaan halganka dib u xoreynta iyo horumarinta dalka.” Madaxweynaha ayaa dul istaagay doorka taariikhiga ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sooyaalka dalkeenna, dowlad-dhiska…
Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Nairobi kulan kula yeeshay Safiirka Dowlada France ufadhiya Kenya iyo Soomaaliya Arnaud Suguet Kulanka ayaa lagaga hadlay Taageerida Mashaariicda socda, Amaanka guud Deeganada Koonfur Galbeed iyo is bedelka Cimilada. Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga, Wasiirka Bay’adda, La-Taliyaasha Madaxweynaha iyo Agaasimaha guud Madaxtooyada Maamulka Konfur Galbeed Ayaa Dadaal Ugu Jira Sidii Uu Gari Laha Iskufilnaan Dhinacyada Amniga Waxbarashada Cafimaadka Iyo Dhaqalaha Xilidegana Maamulka Uladaladhacay Sameeynta Dhinaca Isbadalka Cimilada Iyo Sabolnimo Ku Bahday Deganada Maamulka.
Hay,ada Dulista Rayidka Ayaa War kasoo Sartay Diyarad Lagalaha Dalka Itobiya oo Lagaxanibay Inay Kadagato Magalada Hargeysa Ee Maamulka Somaliland Hay,ada Ayaa Tafasiil Kabixisay Sababta Keentay Arintaan oo Aad Manta Uhadal Heyso Bulshada Somaliyeed Melkasta OO Ay jogaan.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo isku xiraysa wasaarada arrimaha dibada iyo masjidka minaaradaha ee degmada Hodan, kaas oo ay iska kaashanayaan dadka deegaanka iyo maamulka degmada Hodan. Munaasabadda dhagax-dhiga waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka hawlaha guud ee gobolka Banaadir, mudane Xasan Maxamed Jimcaale, guddoomiyaha degmada Hodan, mudane Cali Fahle, odayaasha-dhaqanka, ganacsato iyo qaybaha bulshada. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay bulshada caasimadda in ay ka qayb-qaataan dib-u-dhiska magaalada iyo bilic soo celinteeda.
Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha ammaanka iyo shirkadda Hormuud ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta danta guud si waafaqsan shuruucda dalka. Kulanka waxaa xal looga gaaray caqabado taagnaa, kuwaas oo loo xalliyay si ay ku jirto maslaxadda guud ee dalka, wuxuuna kulanku ku dhamaaday jawi wanaagsan. Dowladda Soomaaliya waxa Mujisay mudnaanta Ay Shirkadu Kuleedahay Dalka Waxayna Arintan Umuqata inay Dawladu Kaga garabeyso Falkii Ay Cidamada Nabadsugida Kulakaceen Shirkada Isgaarsiinta Hormuud. Dhacdadan Ayaa Aad Lohadal Hayay Wxayna Bulshada Casimada U hanqaltageysay Waxa Uu Qilaafkan Salka Kuhayay Balse Dawlada Ayaa Sheegatay In Arintaas Xal Lagagaray.
Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa goor dhaw hawada Soomaaliya ka celisay Diyaarad Ethiopia Airline oo Hargeisa wafdi uso waday. Sida Warbaahinta gudaha heshay diyaarada ayaa ku laabatay Adisababa oo marki hore ay ka so kacday. Arintaan Ayaa Imanaysa Xili Ay sii Xogeysaneyso Xiisada Dipmlomasiyadeed Ee Labada Dal.
Ururka Jaamacadda Carabta ayaa Axadi shaaciyay shir deg deg ah oo dhanka fogaan aragga ah, kaas oo looga hadlayo khilaafka u dhaxeeya dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ,kadib heshiiskii is-afgarad ee Addis Ababa ku dhex maray Itoobiya iyo jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland. Ku xiigeenka xoghayaha guud ee jaamacadda carabta, Hossam Zaki, ayaa sheegay in ururku shirkaas qaban doono manta, 17-da bishan Janaayo, sida ay ku soo warrantay wakaaladda wararka dalka Masar ee MENA. Zaki ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saari doono cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska ‘sharci darrada ah’ ah ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya.…
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa maanta degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug waxa ay u dirtay shixnad Daawo ah taas oo dhan 1-Tan. Deeqdaan ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo isbitaalka degmadaas bukaanada ku jira, waxaana deeqdaan hay’adda SoDMA ay ku wareejisay dadka deegaanka. Degmada Ceeldheer ayaa dhawaan Laga saray AS, waxaana hay’adda SoDMA Ay Dadaal Ugu jirtaa Sidii Luugu Gurman Lahaa Dadka Ay Dagalada Iyo Abaartuba Saameysay.
Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa dugsiga hoose dhexe iyo sare ee degmada Xarardheere ugu magac dartay Shahiid Cabdi Maxamed Sheekh Xasan (Suul Nuug), kaddib soo jeedin ka timid Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor. Madaxweynaha Galmudug ayaa magac bixinta Iskuulkan ka shaaciyay munaasabad lagu xusayay sanadguuradii 1-aad ee kasoo wareegatay markii Dowlada la wareegtay degmada Xarardheere ee dowlad goboleedka Galmudug.