Taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay in qof naftii hallige ahaa uu isku qarxiyay bannaanka hore ee maqaayadda Al-Hindi oo ku taalla degmada Xamar weyne xilli ay eryanayeen ciidamada ammaanka. Booliska ayaa sheegay inay ku dhinteen seddex ruux halka ay ku dhaawacmeen laba qof oo goobta ka ag-dhawaa. Booliska ayaa sheegay in goobta uu qaraxu ka dhacay ay ka socdaan baaritaanno, dibna ay kasoo saari doonaan faah-faahinno dheeri ah.
Author: rbnnews
Garsoore Soomaaliyeed ayaa caawa markii ugu horraysay dhex-dhexaadin doona ciyaar ka tirsan Koobka Qaramada Qaaradda Afrika 2024-ka. Garsoore Cumar C/qaadir Cartan ayaa caawa dhex-dhexaadin doona ciyaarta adag ee u dhaxeysa Tunisia iyo Namibia, taasi oo ka dhici doonta dalka Ivory Coast. Garsoore Cumar C/qaadir Cartan ayaa dhawaan kusoo baxay liiska garsoorayaasha sanadkan kasoo muuqanaya Koobka Qaramada Qaaradda Afrika 2023-ka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta kulan wadatashi ah la qaatay Salaadiin, Cuqalo, Nabaddoonno, Ugaasyo iyo odeyaal kale ka tirsan 135 iyo qaar kale oo kasoo jeedo gobolka Awdal. Kulankan oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Senator Deeqa Xasan Xuseen, guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka sare iyo Senator Bilaal Idiris C/laahi ayay odeyaasha beelaha Samaroon iyo Ciise kusoo bandhigeen xaaladda gobolka iyo dareenka shacabka ee kadib go’aankii Muuse Biixi uu Itoobiya kusiiyay badda Zeylac. Qaar ka tirsan odeyaasha oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Muuse Biixi oo aan…
Taliyaha Ciidanka Xoogga dala Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa maanta kormeer Shaqo ku tegay xerada tababarka Turkisom ee Muqdisho. Taliyaha oo kulamo kala duwan la qaatay Saraakiisha sare ee Taliska Turkisom ayaa kaga mahadceliyay sida ay u garab taagan yihiin ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay qayb weyn ka qaataan tayeynta iyo tababarada Ciidamada xoogga dalka ee dagaalka kula jiro Argagixisada. Taliyaha ayaa ciidamada iyo sarkiisha xerada kala hadlay sidii loo xoojin lahaa dhismaha iyo Tababarada Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed,si guud ahaan dalka looga xoreeyo khawaarijta. “Saraakiisha Dugsiga tababarka CXDS Ee Turkisom waxaan kala hadlay sidii loo xoojin…
Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah yeeshay kulankodii cadiga aha waxaa ay ku yeesheen Xarunta Villa Hargeysa Magaalada Muqdisho. Guddoonka Golaha ayaa xalay xildhibaannada ku wargeliyay in uu Kulanka Maanta jiro, Xildhibaannada looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaan, iyada oo Ajandaha uu yahay. Akhrinta 1aad Hindise-Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Ayniga Dhi-beereedka Akhrinta 1aad Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed Qeybin Akhrinta 1aad A) Hindise-Sharciyeedka Hay’adda adeegyada Baaritaanka iyo Sharciyeynta Beeraha Soomaaliyeed ( SARIS) B) Hindise-Sharciyeedka Badbaadada Dhir-beereedka iyo Takoorka C) Hindise Sharciyeedka Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed
Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay ka hor waaberigii subaxnimadda isniinta saaka ah in Xuuthiyiinta ay gantaalaha lidka maraakiibta la beegsadeen markabka USS xilli uu marayay badda cas, taasoo u muuqatay mid jawaab u ah duullaanka ay Washington iyo London ku qaadeen Yaman. Taliska dhexe ayaa ku sheegay fariin ay ku qoreen Appka “X” EX tuwiter in ciidamadda maraykank lagu soo riday gantaalka nooca loo yaqaan Cruise-ga oo laga soo tuuray aagga ay Xuuthiyiinta ka taliyaa ayaa intaas ku dartay warbixintu in weerarka Xuutiyiinta ee koonfurta Badda Cas uusan ka dhalan khasaare iyo dhaawac. Weriyaha Aljazeera ee Washington, Abdel…
Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed S/guuto Sulub Axmed Firin ayaa kulan la qaatay Saraakiisha ATMIS,kaa oo diirada lagu saaray amniga dalka. Kulankaan oo ay ka qeyb galeen Saraakiil ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Booliiska waxaa lagu falanqeeyay doorka ATMIS ee ku saabsan xoojinta amniga dalka iyo Caasimadda sidii amnigeeda sare loogu qaadi lahaa, Waxaana si lamid ah kulankaan looga hadlay Howlgalka ka dhanka ah kooxaha Aragagixisada. Shirkaan waxaa goob joog ka ahaa Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahana Madaxa Howlgalka ATMIS Ambassador Mohammed El-Amine Souef iyo Taliyaha Ciidamada…
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS iyo danjiraha Hindiya marwo Namgya C. Khampa ayaa kawada hadley iskaashi buuxa oo laga yeesho horumarinta Caafimaadka labada dal iyo in Soomaaliya loo tababaro xirfadlayaasha Caafimaadka si kor loogu qaado aqoonta iyo xirfada dhaqaatiirta Soomaaliyeed. Danjiraha Hindiya ayaa dhankeeda soo dhawaysay qodobada laga wada hadlay iyadoo balanqaadey in khuburada Caafimaadka Hindiya ay kala shaqeyn doonaan Wasaaradda Caafimaadka sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadaha Caafimaadka ee dhaqaatiirta iyo howl wadeenada Caafimaadka dalkeena.
Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil goordhow ka dhacay xaafada Ex-Control degmada Dharkiinleey ee magaalada Muqdisho. Sida wararka la helayo ay tilmaamayaan, koox bistoolado ku hubeysan ayaa toogatay Xassan cali gacal( Moosow) oo ahaa Madaxii Fasaxa dhismaha ee Degmada dharkenley. Marxuumka oo gacan yare sidoo kale u ahaa gudoomiyaha degmadaasi Xundubeey ayaa la dilay xili uu kasoo baxayay gurigiisa, wuxuu a kusoo jeeday goobtiisa shaqo. Kooxda falkaasi dilka ah geystay oo saddex lagu sheegay ayaa goobta isaga baxsatay. Ciidamada booliska degnadaasi ayaa daqiiqado kadib tagay goobta, iyagoo ka sameeyay howlgalo baaritaano ah, walow aysan ku guuleysan iney soo…
Dawlada Mareekanka Ayaa Sheegtay Inay weysantahay Labo Askari oo katirsan cidamada mareekanka. Bayankaan oo lagu muujiyay sida dawlada mareekanka ooga xuntahay arintaan ayaa lagugiyiri waa inaan soo afjarnaa barintaka howlgalka badi goobka askarta.