Guddi gaar ah oo Baarlamanka Puntland u xil-saaray ka shaqaynta xeerka doorashooyinka ayaa laga sugaya in ay xildhibaannada warbixintooda u jeediyaan, ka hor inta aysan bilaaban doodda wax-ka beddelka xeerka. Xeerkan oo ay Baarlamanka u soo gudbisay xukuumadda madaxweyne Deni ayaa jihaynaya hannaanka doorashooyinka qof iyo cod, oo aan heshiis lagu ahayn, islamarkaana xiisad siyaasadeed ka taagan tahay. Dowladda Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah ayaa ku muransan nooca loo galayo doorashada madaxtinimada 2024, iyadoo labada dhinac kala taagan yihiin nidaamka qof&cod iyo nidaamkii hore ee 66-da xildhibaan. Sidoo kale, waxa socda dadaal ay hormuud u yihiin isimada dhaqanka SSC oo…
Author: rbnnews
Guddiga Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta XFS u qaabbilsan tartansiinta shirkadaha adeegga Xajka ayaa soo saaray liiska kama dambeysta ah ee magacyada shirkadaha ku guuleystay fulinta adeegyada Xajka sanadka 1445/2024
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mudane Rishi Sunak ayaa soo bandhigay sida Soomaaliya ay mudnaanta u siinayso in mashaariicda gargaarka degdegga ah loo weeciyo dhanka horumarinta, si dadka Soomaaliyeed ay uga helaan faa’iido waarta. Madaxweynaha ayaa ka hadlay caqabadaha kuu xeeran nolasha dadka Soomaaliyeed iyo dadaallada ay ku bixisay dowladdu la tacaalidda macaluushii ay la kowsaday sannadkii 2022-kii iyo haatan dhibaatada culus ee ka jirta dalka ee ay sababeen daadadka roobka ee barakiciyey kumannaan qoys. Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mudane Rishi Sunak ayaa ku dhawaaqay in Boqortooyadu ay bilaabayso maalgelinta mashaariicda…
Barakaca Falastiiniyiinta ee Marinka Gaza waxay halis gelin doontaa nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka iyo caalamkaba”,sidaasi waxaa yiri afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar. Afhayeenka ayaa intaa ku daray in siyaasadda Israa’iil ee xannibaadda gelitaanka gargaarka Gaza ay macnaheedu yahay in Falastiiniyiinta la doonayo in ay ka baxaan Gaza. “Nasiib darrose, xadgudubyada waaweyn ee Israa’iil ee dambiyada dagaalka Israa’iil looguma yeero qaar magacyadooda dhabta ah,” Sameh Shoukry ayaa yiri intii lagu jiray kulan uu la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha ee Beijing. “siyaasadda Israa’iil ee carqaladaynta gelitaanka gargaarka waa siyaasad nidaamsan oo loogu talagalay in lagu riixo Falastiiniyiinta in…
Maxkamadda ciidmada Qalabka sida ayaa u fariisatay dhageysiga kiiska xubna katirsan khawaarijta, kuwaas lagu soo eedeeyay qaraxyo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho oo dad shacab ah ay ku dhinteen. Maxkamadda ayaa waxaa lasoo taagay eedeysane lagu magacaabo Yuuqow Caliyow Xaaji oo lagu eedeeyay inuu khawaarijta u qaabilsanaa dhanka amniyaadka, uuna ka howlgalayay caasimadda, gaar ahaan waddada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye. Ninkan ayaa si gaar ah loogu eedeeyay inuu ka dambeeyay qarax miino oo ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu dilay ugu yaraan 4 qof oo kala ahaa hooyo iyo laba carruur ah oo ay…
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka oo uu wehliyo agaasimaya Guuud ee Wasaaradda Caafimadka Dr Guuleed cabdi Jaliil ayaa kulan deg deg la qaateen ururrada isbitaallada iyo bahda Caafimaadka si ay isugu dubbaridaan dadaallada u diyaargarowga iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka fatahaadaha ee saameeyay inta badan dalka. Roobabkii da,ayay iyo webiyada oo buux dhaafiyay ayaa horseeday fatahaado baahsan, kuwaasoo boqolaal kun oo Soomaali ah ka barakacay guryahoodii. Saraakiisha caafimaadka ayaa ka digaya xaaladaha ciriiriga ah iyo biyaha wasakhaysan ay keeni karaan cudurro dillaaca, xitaa iyadoo kaabayaasha burburay ay gobollo badan ka go’een daryeelka caafimaadka. “Waxaan isugu nimid inaan sameyno guddi loo dhan…
Ciidamada oo ka soo baxay degaanka Kalabayr ee gobolka Bari ayaa Sheerbi loo keenay si ay u kala dhex-galaan maleeshiya-beeleedka labada dhinac ee dagaallamay. Xaaladda Sheerbi oo ka tirsan degmada Waaciye ee gobolka Karkaar ayaa saaka deggan kadib dagaallo laba maalmood ka socday oo ay ku dhinteen in ka badan lix qof oo dhinacyadii diriray ah. Ciidamada dowladda ayaa hadda jooga goobihii lagu dagaallamay inkastoo maleeshiyaadka labada dhinac aysan ka fogayn halkaas. Arinta Ayaa Imaneysa Xili Malmihii Danbe Ay Imanayeen Walac Ku Adan Dagaalka Maleshiye Bileedka Kudagalamaya Degaanka Sheerbi.
Hay’adda Sirdoonka Puntland oo la socotay dhaqdhaqaaqa argagixisada ayaa fashilisay qaraxyadan kadib markii ay macluumaad buuxa ka heshay halka lagu diyaariyay. Saraakiil ka tirsan hay’adda PISA ayaa laga soo xigtay in qaraxyadan ay yihiin miinooyinka rimoodka laga hago ee lagu qarxiyo wicitaanka taleefonnada ku rakiban. Sirdoonka Puntland ayaa sheegaya in ay mar kasta si dhow ula socdaan dhaq dhaqaaqa maleeshiyaadka argagixisada ah ee Shabaab iyo Daacish ee ku sugan buuraha gobolka Bari.
Xilli ay weli da’ayaan roobabka dayrta isla markaana dad badan ay wajahayaan dhibaatooyinka ka dhashay fatahaadaha iyo dadaadka ayaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa uu ku tilmaamay xaaladda la soo deristay dadka Soomaaliyeed mid culus. Qoraal uu bartiisa Faceboog ku daabacay xalay ayaa Farmaajo ku yiri:“Dadka Soomaaliyeed oo lagu yaqaanno gurmadka iyo is-garabsiinta waxaan ugu baaqayaa in ay si xooggan ugu istaagaan walaalahooda dhibaateysan, lana abaabulo gurmad iyo gargaarka ay naga mudan yihiin xaaladdan adag ee ay ku jiraan. Madaxweynihii hore ayaa bulshada ku adkeyay in loo dheg raariciyo baaqayada ka imaanaya qaybaha dowladda,”Alle waxaan naxariistiisa Janno…
Wararka ka imanaya magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka xukun dil ah lagu fuliyay Cabdisalaan Cali Axmed oo horay magaaladaasi ugu dilay Cabdullaahi Cali Hudey oo ka tirsanaa ciidama dowladda. Gacan ku dhiiglaha ayaa horay maxkamadda ciidamada waxay ugu riday xukun dil ah ka dib markii ay gacanta ku soo dhigeen ciidanka NISA iyo kuwa Booliska oo mudo ku daba joogay. Xukunka Dilka Ayaa Maxkamada Sheegtay inuu yahay Qisaasta Marxuum Cabdulahi Cali Hudey Oo Kamaid Ahaa Cidamada Dawlada Somalia. RELATED POSTS Soomaaliya oo safiirkii ugu horreeyay u dirtay waddanka… Nov 19, 2023 Golaha Wasiirada oo shir deg-deg…