Sacuudi Carabiya ayaa si adag u cambaareysay weerarka Iran ay ku qaaday Qatar, isagoo sheegay “gardarradan laguma caddayn karo xaalad kasta. Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxay cambaaraynaysaa oo si adag u cambaaraynaysaa duullaanka ay Iran ku qaadday dawladda aan walaalaha nahay ee Qatar, ayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Sucuudigu ku sheegtay bayaan. Gardaradani waxay ka dhigan tahay xad-gudub bareer ah oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da deris-wanaagga. Waa wax aan la aqbali karin, xaalad kastana laguma caddayn karo, ayay raacisay Sacuudiga. Boqortooyadu waxay xaqiijinaysaa garab istaagga iyo taageerada buuxda ee ay u hayso dawladda walaalaha ah ee Qatar,…
Author: rbnnews
Milateriga Iran ayaa sheegay in ay saldhigga Al-Udeid ee Qatar la beegsadeen gantaal waxyeelo leh oo xooggan taas oo jawaab u ahayd weerarrada Maraykanka ee xarumaha Nukliyeerka Iran. Qatar ayaa cambaareysay weerarka Iran, waxayna sheegtay inay xaq u leedahay inay si toos ah uga jawaabto si waafaqsan shuruucda caalamiga ah, kaddib markii Iran ay beegsatay saldhigga ciidamada Mareykanka ee Al-Udeid ee magaalada Dooxa. Doha ayaa sheegtay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka Iran.Qatar ayaa sheegtay in ay si guul leh uga hortagtay weerar gantaal oo Iran ay ku qaadday saldhigga Al-Udeid ee Mareykanka, oo ah saldhigga…
Madasha mucaradka muqdisho ayaa manta sodhaweyay qabilada villa Somalia xafiiska madaxweynha ayaa horay usheegay inay gogol udhigeen mucaradka muqdisho ku shirayay malmihii danbe Shir ay manta ku kala warqaten xubnaha mucaradka ayay ku shegen inay diyar u yihiin lakulanka madaxweyne Hassan Sheekh Mahamud Waxan ku kala aragti duwanahay madaxweynaha hab hogaminta dalka waa arin wanagsan inuu garawsado lakulankena ayuu yiri Dahir Gelle oo ah fahayen xubnaha mucaradka Waxa uu na shegay in madaxweynaha un sugayan lakulankiisa ayna isku raceen inay lafariistan Madaxweyne Hassan Sheekh Mohamud Kulanka ayaa imanaya ayada oo ay xusid mudan tahay in kulan laba gesoda oo kasocdo…
Leeds ayaa xaqiijisay saxiixa daafaca Jaka Bijol oo uga yimid Udinese qiimo aan la shaacin, kaasoo la fahamsan yahay inuu qimihisu yahay 15 milyan ginni. 26 jirkaan daafaca dhexe ayaa saxiixay qandaraas shan sano ah waana saxiixii labaad ee Leeds sameysan xagaagan ka dib imaatinka weeraryahanka Jarmalka Lukas Nmecha. Bijol ayaa 63 kulan u saftay Slovenia, waxayna door muhiim ah ka ciyaartay Euro 2024, halkaasoo ay barbaro goolal laโaan ah ku qabteen England wareega group-yada ka hor inta aysan rigoorayaal kala kulmin Portugal wareega 16ka.
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XSF, iyo Qaramada Midoobay ayaa si wadajir ah u qabtay kulanka joogtada ah ee Guddiga Farsamada ee Barnaamijka Caddaaladda iyo Xabsiyada. Kulanka oo uu guddoomiyay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, mudane Faysal Adan ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Caddaaladda ee Dowlad-Goboleedyada, Maxkamadda Sare, iyo wakiillo ka socda hayโadaha Qaramada Midoobay. Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in dib loo eego horumarka laga gaaray hirgelinta Qorshaha Shaqo ee Sanadlaha ah, lana xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta hayโadaha garsoorka si loo dardargeliyo adeegga cadaaladda iyo dib-u-habaynta nidaamka xabsiyada dalka. Kulankan ayaa kuso aday xili doodi kajirto…
Mowjadaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada Ruushka ee gudaha iyo hareeraha Kyiv habeenimadii xalay ayaa dilay sideed qof, habeenkii xalayna waxay iftiimiyeen dab ka kacay aagagga la deggan yahay, waxayna waxyeello u geysteen albaabka hoyga bam ee saldhigga metro, sida ay sheegeen saraakiisha Ukraine manta.Shaqaalaha gurmadka ayaa meydad ka soo saaray burburka guri dabaq ah oo ku yaal degmada mashquulka badan ee Kyiv, oo wax ka yar hal kilomitir u jirta safaaradda Mareykanka. Ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhintay degmada, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha. Valeriy Mankuta, oo 33 jir ah, ayaa ku tilmaamay in uu ka…
Boliska Britain ayaa kooxda ol’olaha Falastiin ka mamnuucay inay bannaanka baarlamaanka ka dhigaan dibad bax, tallaabo naadir ah oo timid ka dib markii laba ka mid ah xubnahooda ay jabsadeen saldhig milatari usbuucii hore iyo iyadoo dowladdu ay ka fiirsaneyso inay mamnuucdo ururka. Kooxda ayaa sheegtay in ay ka jawaabtay in ay u bedeshay goobtii ay ku mudaaharaadaysay manta una bedeshay fagaarayasha,taas oo ku taal meel ka baxsan aagga booliska laga saaray. Ururka taageersan Falastiin ayaa ka mid ah kooxaha sida joogtada ah u bartilmaameedsada shirkadaha difaaca iyo shirkadaha kale ee Britain ee lala xiriirinayo Israa’iil tan iyo markii ay…
Kulan labo gees ah oo udhaxeeya maamulada puntland iyo jubaland ayaa manta gasocda magalada garoow ee xarunta maamulka puntland. Kulanka ayaa lagu lafa guraya labo arimood oo umuqada in labadan maamul waxbadan uga goyn,karan arimaha siyaasada Somalia 1.Wax kabadalka Dastuurka Somalia oo ay dawlada hada jirta sameysay balse umuqda inay sifogeysay maamulada puntland iyo jubaland 2. Arimaha Dorashoyinka 2026 oo umuqda in dowlada federalka ay kashaqeyneyso in laga guuro nidamka dorashada dadban ayada oo logurayo noca qof iyo codka ah Labada qodob ayaa ah labad uguweyn ee shirka garoowe kaga hadlayan puntland iyo jubbaland waxase mesha kamarneen sidi calamka logadhaadhicin…
Ra’iisul Wasaareย Hamza Abdi Barreย โWaxa aynu u baahannahay in aynu u gudubno hannaan lagu mideysanย yahay oo dadka Soomaaliyeed oo dhan isu keenaya, haddii aynu ka baxno nolosha dadban waxa aynu ka gudbayna midnimo laโaanta colaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee ka jira dalkeenna
Af-hayeenka Hawlgalka Calmiskaad S/guuto, Maxamud Maxamed Faadhigo oo warkan faafiyay ayaa sheegay in ciidamada difaaca Puntland gacanta ku dhigeen nin ka soo jeeda dalka Yemen oo ka firxaday habqabkii argagixisada Daacish ee ka cararay Hawlgalkii Baallade. Ciidamada difaaca dowladda Puntland waxay gacanta ku dhigeen xubin ka firxaday argagixisadii burburtay ee Daacish, kaasi oo u dhashay dalka Yemen, waxaana la qabtay isagoo keligiis ah oo ka soo fiigay Hawlgalkii togga Baallade, halkaasi oo ay ku kala yaaceen firxadkii u danbeeyay ee kooxdaโ ayuu yiri S/guuto Faadhigo. Sidoo kale, wuxu intaasi ku daray in Hawlgalkii Baallade kaddib firxadkii Daacish noqdeen hadaadun mid-mid…