Author: rbnnews

Kullan Ay u dhammaan Mas’uuliyiinta gobolka Banaadir sida guddoomiyaha gobolka banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gaadhaanle Sare Mahdi Cumar Muumin iyo Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Muxiyadiin Warbac Shadoor. ayaa maanta ka dhacay xarunta degmada Howlwadaag.Ee gobolka Banaadir. Kullanka ayaa diiradda lagu saaray u diyaar garowga Qorshe Howleedka sanadka cusub ee 2023 iyo Qorshaha Wada-shaqeynta Laamaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinkaasi. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheikh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa faray Maamulada Degmooyinka iyo saraakiisha Laamaha Amniga…

Read More

Maalinnimadii Shalay oo aheyd bilawga toddobaadka Sabti waxaa laga qaaay dalka Uganda dhammaan Xannibaadii saarneyd ee la xariirtay xanuunka Ebola. Yoweri Museveni Madaxweynaha Uganda ayaa qaaday dhammaan xannibaadaha la xiriira xanuunka Ebola, isagoo sheegay in dalka ku yaalla Bariga Afrika uu horumar ka sameeyay xakameynta cudurkaa dilaaga ah, Wuxuuna meesha ka saaray Mr Museveni xayiraaddii lagu soo rogay halkii xuddunta u ahey cudurka ee degmada Mubende, halkaas oo laga diiwaan geliyay 66xaaladood iyo 29dhimasho ah halka gobolka Kassanda isna laga helay 49xaaladood iyo 21dhimasho ah. Madaxweyne Museveni oo ka hadlay xayiraadda uu ka qaaday dalkiisa ayaa yiri””Hadda, ma jiro wax…

Read More

Mudane Xamse Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha XFS kk oo hadal ka jeedinayay munaasabad lagu soo xirayay Maalinta Caalamiga ah ee la dagaalanka Musuqmaasuqa ayaa sheegay in Musuqmaasuqa uu yahay cudur xun oo ku dhaca dowladnimada. Wuxuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa “Musuqmaasuqa waa mid kamid ah cudurada ugu xun ee ku dhaca dowladnimada, musuqa wuxuu caqabad ku yahay hormar walba ee la sameyn lahaa, wuxuu caqabad ku yahay in laga faa’ideysan waayo kheyraadkii ay bulshada lahayd, bulshada ayuu kala fogeeyaa oo ku kala noolaada laba heer oo kala dheer” Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamase Cabdi Barre ayaa ballan qaaday inuu…

Read More

Mudane Maxamed Isxaaq Abdi Wasiirka wasaaradda amniga dowladda Koonfur Galbeed ayaa soo saaray awaamiir adag oo dhinaca amniga ah. Wasiirka ayaa faray dhammaan ciidamada xoogga dalka qeybta 60aad ee ku sugan magaalada beydhabo inay xeryahooda ku sugnaadaan oo aan ka soo bixi karin. Sidoo kale waxaa la faray Ciidamada daraawiishta booliiska koonfur/galbeed inaaney iyaga oo aan sidan dareeska lagu yaqiinay oo hub sita aysan magaalada u soo bixi karin. waxaana qoraalka uu soo saaray wasiirka ku sheegay in cidii jebisa awaamiirta in talaabo adag oo dhinaca sharciga laga qaadi doonno. Sidoo kale waxaa amaro la dul dhigay dadka rayidka ah…

Read More

Saciid Xuseen Raage waxa uu kamid ahaa nabadoonnada kooxda Alshabaab isagoona u qaabilsanaa deegaanka Masaajid Cali-Gaduud illaa deegaanka Guulane Ee gobolka sh,dhexe. Nabadoonka ayaa maanta isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedka hirshabelle, Waxaana lagu soo bandhigay deeganka Furqaan ee gobolka Sh/Dhexe halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka. Taliyaha Booliska HirShabelle Col. Xasan Dhicis, saraakiil kale iyo Agaasimaha waaxda cansuuraha ee wasaaradda Maaliyadda XFS Muxudiin Xasan Juris ayaana kamid ahaa mas’uuliyiinta soo dhaweysay isa soo dhiibahaasi ka tirsanaa kooxda Alshabaab. Shalay ayey aheyd kadib markii isla deegaankaan lagu soo bandhigay Nuur Macalin…

Read More

Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf Safiirka Jamhuuriyada aan Wallaalaha nahay ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Waxay kawada hadleen Labada Mas’uul sidii Dowladda Jabuuti ay kaalin uga qaadan laheyd mashaariicda lagu horumarinayo bilicda Caasimadda Soomaaliya Ee Moqdisho, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Sheikh Yuusuf Madaale ayaa ugu dambeyntii ugu mahadceliyay Dowllada Jamhuuriyada Jabuuti iyo Shacabkeeda sida hagar la’aanta ah oo ay qeybta kaga yihiin dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Read More

Maxamed Siciid Maxamed (Faroole) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta dowlad gobolleedka Puntland ayaa wareegto uu soo saaray shaqo-joojin ugu sameeyay Mas’uul ka tirsanaa Wasaaradda. Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa lagu sheegay in shaqada looga joojiyay Agaasimaha guud ee wasaaradda Qorsheynta Sharma’arke Xasan Cali. si baaritaan loogu sameeyo. Shaqo ka joojinta Agaasimaha ayaa lagu saleynayaa inay soo galeen tuhuno la xariira ku takrifal maaliyadeed. Waxaana Wareegtada lagu xusay in la hakiyay dhammaan kootooyinkii Wasaaraddu ku lahayd Bangiyada inta uu socdo baaritaanka. Xafiiska Hanti-dhawrka guud ee Puntland ayaa isna sidoo kale lagu wargeliyay in baaritaan maaliyadeed uu ku sameeyo Wasaaradda Qorshaynta.

Read More

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Kooxo bastoolado ku hubeysan oo xalay degmada Afgooye ku dillay wiil dhallinyaro ah. Maxamed Xaaji Xasan, Waxa uu ahaa guddoomiyihii dhallinyarada degmada Afgooye xilli uu ku sugnaa waaxda Xaawo-waako ee Afgooye oo uu Guddoomiye Waaxeed ka ahaa ayaa waxaa qeybaha sare ee jirka rasaas kaga dhuftay koox bastoolado ku hubeysnaa kuwaas oo goobta ka baxsaday. Maamulka Degmada Afgooye ayaa xaqiijiyay dilka AUN Maxamed Xaaji Xasan waxeyna sheegeyn in howlgallo lagu baadigoobayo raggii ka dambeeyay dilkaasi ay ka socdaan xaafadaha kala duwan ee degmada Afgooye. Dhanka kale Cabdullaahi Maxamed Cismaan oo ah guddoomiyaha degmada…

Read More

Ismaaciil Yuusuf Cusmaan Agaasimaha Waaxda Tacliinta Sare iyo Hiddaha ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Hiddaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Oo ka warbixinayay Xuska maalinta Afka Carabiga Oo ku beegan Maanta ayaa hambalyo u diray jaamacadda carabta iyo guud ahaan dalalka carabta. wuxuuna yiri’“Waxaan u hambalyeynayaa dalalka Carabta, gaar ahaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo xubin ka ah Jaamacadda Carabta. Dawladaha Carabta Xafladdan, waxaanu leenahay afka Carabiga ayaa hormuud ka ahaa Soomaaliya, welina waa hormuudka, waayo innaga ka hor inta aan afka Laatiinka lagu qorin afka Soomaaliga, xarfaha badankooda waxa lagu isticmaali jiray afka Carabiga, si la mid ah afka Carabiga. horumaray, waxaadna…

Read More

Xilli uu ku howlanaa inuu muuqaalo ka duubo suuqyada magaalada Hargeysa ayey gacanta ku dhigeen ciidamada booliiska somaliland Ninkan u dhashay Canada ee ah youtuberka. Muuqaalo baraha bulshada lagu baahiyay, ayaa lagu daawanayay ninkan Canadiyaanka ah oo ciidamo boolis ahi baabuur saarayaan. Youtuberkaan lagu xeray magaalada Hargeysa ayaa dhawaan intaanu gaarin magaaladaas safar uu ku joogay muqdisho ku baahiyay muuqaalo bahdilaad iyo meel ka dhac ku ah lacagta shillinka Soomaaliga. isagoona inta uu lacag ka soo sariftay sariflayaasha magaalada Muqdisho kadib uu ku sheegay in lacagta shillin Soomaaligu tahay mid aan qiimo lahayn. Intaas waxaa sii dheer inuu bartiisa youtubka…

Read More