Author: rbnnews

Xildhibaan Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi Oo ah Wasiiradda Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XfS iyo Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta si wadajir ah dhir ugu beeray xarunta aqalka martida dowlad goboleedka jubbaland ee magaalada Kismaayo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah furay qorshaha Qaran ee Soomaaliya cagaar ah isagoona ku beeray guriga Ummadda geedo kamid ah 10 Malyan oo geed oo lagu dhireynayo dalka horaantii bishii October Ee sanadkan.. Wasiirka Wasaaadda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada XFS iyo Wasiirka Wasaaradda Deeganka iyo Dalxiiska Jubbaland Caydiid Saleebaan Xaashi ayaa tilmaamay dhir beerista maanta ay ka…

Read More

Wadanka Mozambique Ee dhaca koonfur bari qaaradda afrika ayaa dab qabad siiyay 10,000 Oo ah Waxyaabaha la isku cadeeyo. Iayadoona dhammaan xarumaha lagu iibiyo looga digay iney ka ganacsadaan waxyaabahaasi. Go’aanka ay qaadatay dowladda Mozambique ayaa yimid kadib markii Midowga Yurub ay soo saareen digniino halis ah Oo la xirriirta isticmaalka waxyaabaha midabka dooriya. Dowladda ayaa shacabkeeda u sheegtay inay walxahaan la isku cadeeyo ay ku jiraan walxo keeni kara cudurka kansarka, sidoo kalena sababi kara dhalmo la’aan. Sheila Mercis, oo ah kormeere ka tirsan hay’adda sharciyeynta dawooyinka ee dalka Mozambique ayaa sheegtay in Horraantii Sebtembar, Midowga Yurub ay soo…

Read More

Qoraalo lagu baahiyay warbaahinta dowladda soomaaliya ayaa lagu sheegay in dagaal xooggan oo ka dhacay duleedka degmada Mahadaay inay ku dileen Xubno Shabaab ah. “Ilaa iyo 31 xubnood oo ka tirsan tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen galbeedka deegaanka Obaale oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellada Dhexe”. Sidoo kale Warbaahinta dowladda ayaa tilmaamtay sababta howlgalka uu ku bilawday.”Howlgalkaan ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad Khawaarij ah oo doonayay inay u gurmadaan Khawaarij kale oo ciidanka…

Read More

Kadib safar shaqo oo uu shalay ku gaaray magaalada Xudur Ee Xarunta gobolka Bakool ku simaha madaxweynaha soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) waxa uu maanta gudaha magaaladaasi kulama kula qaatay duubabka dhaqanka ee gobolka Bakool. Waxa ay ugu horreyn warbixin ka siiyeen Golaha odayaasha dhaqanka ee Gobolka Bakool guddoomiyuhu xaalada deegaanka oo ay dhaqanku sheegeen inay aad u cakiran tahay, Maadaama dhammaan magaalooyinka iyo deegaannada gobolka ay go’doomiyeen kooxda Alshabaab. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS. Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhankiisa duubabka dhaqanka Gobolka Bakool u ballan qaaday xureynta deegaanada ay kaga…

Read More

Hamza Abdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku saabsan arimaha sugidda amniga magaalada Muqdisho la qaatay maamulka cusub ee Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yusuf Xuseen Jimcaale (Maddaale) oo hogaaminayay mas’uuliyiinta ka socotay maamulka gobolka banaadir ayaa ugu horeynba kaga warbixiyay ra’iisul wasaaraha soomaaliya shaqooyinka ka socda gobolka iyo dardar-gelinta uu maamulka cusub ku wado howlaha mudnaanta u leh, gaar ahaan sugidda amniga magaalada . Ra’iisul Wasaaraha Xamza ayaa dhankiisa kula dardaarmay maamulka cusub ee gobolka inay abaabulaan bulshada oo ay ku baraarujiyaan halista kooxda Alshabaab si bulshada kaalinteeda u qaadato oo laamaha…

Read More

Sida uu Warbaahinta u aqriyay Madaxa Warfaafinta Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan Ayaa isaga baxay xubinnimadii uu kaga mid ahaa guddiga taakuleynta ciidamada dib u xureynta gobolka hiiraan. Guddoomiyaha gobolka hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa tilmaamay in uu ogyahay madaxweynaha hirshabelle Cali Guudlaawe islamarkaana sababo badan awgeed ay u saamixi weysay inuu ka sii mid ahaado guddiga.

Read More

Mudane Xamza Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa xalay magaalada Muqdisho kaga qeyb galay munaasabadda xuska maalinta qaranimada Qatar Oo ku beegneyd shalay 12-December.Waxa uuna hambalyo u diray guud ahaan shacab weynaha dalka Qatar iyo madaxdooda. Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale munaasabadda xalay lagu qabtay magaalada muqdisho ka sheegay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya dowladaha Qatar Iyo Soomaaliya iyo labada shacab ee walaalaha ah. Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dowladda Qatar ugu hambalyeeyey sida wanaagsan ee ay ugu guuleysatay marti gelinta Koobka Kubadda Cagta ee Adduunka 2022.

Read More

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Oo ku sugan magaalada Xudur Ee Xarunta gobolka Bakool Ayaa kulamo uu halkaasi kula qaatay saraakiisha ciidanka Xoogga faray iney deegaanada gobolkaasi ay ka bilaabaan howlgalka ka dhanka ah alshabaab ee ka socda gobolada dalka. Ku Simaha Madaxweynaha soomaaliya.ayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Booliska ee magalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool Sidoo kale ku boggaadiyay sugidda amniga deegaanada gobolka Bakool. Saraakiisha ciidanka Qeybta 60-aad Guutada 9-aad ee ku sugan degmada Xudur Gobolka Bakool Ee kulanka la qaatay Sh Aadan Madoobe ayaa dhankooda ku amaanay guddoomiyaha sida uu…

Read More

Waxaa maanta Oo Talaada ah ka furmay dalka mareykanka shir madaxeedka aadka u ballaaran ee u dhaxeeya Maraykanka iyo dalalka Afrika, Shirkaan Oo ay soo agaasintay dowladda mareykanka ayaa looga hadlayaaa arimo dhowr ah oo ay qeyb ka tahay” sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga wakhtiga dheer soo socday ee u dhexeeya Maraykanka iyo Afrika, iyo in la horumariyo danaha ay labada dhinac wadaagaan, iyo kor u qaadida codadka Afrika si ay si wada jira uga hadli karaan caqabadaha horyaalla xilligan” Waxaa shirkan ka furmay maanta dalkaasi mareykanka lagu casuumay oo ka qeybgalaya wafuud gaareysa illaa 50Ruux Oo kala metelaya dalalka…

Read More

CabdulFataax Khaasim Maxamuud Wasiir ku xigeenka Wasaaradda gaashaandhigga soomaaliya ayaa maanta magaalada Doxa Ee Caasimadda dalka Qatar kaga qeybgalay Munaasabadda 12 December Oo ku beegan maalinta xoriyadda dalkaasi. Wafuud kale Oo ka tirsan xukuumadda federaalka soomaaliya ayaa sidoo kale Iyana qeyb ka ahaa kuwaas oo casuumaad ka helay madaxda dalka Qatar. CabdulFataax Khaasim Maxamuud Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga soomaaliya Ayaa kaga hambalyeeyay dowlada Qatar Maalintooda xuriyada wuxuuna ku bogaadiyey Sida Hagar La’aanta ah Ee ay u garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya.

Read More