Inta la xaqiijyay waxaa dhintay labo ruux oo ahaa wiil iyo aabihii halka saddex kalena dhaawacyo ay soo gaareen kadib markii dad rayid ah oo gaari rakaab saarnaa rasaas ooda looga qaaday. Weerarkan oo loo maleynayo iney geysteen xubno ka tirsan dagaalyahannada al Shabaab ayaa shalay aroortii ka dhacay inta u dhexeysa Jabibar iyo Bamboo oo dhacda waqooyiga magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari ee dalkaasi Kenya. Gaari uu noociisu ahaa Landcruiser islamarkaana marayay wadada Rhamo Ceel waar, ayaa la xaqiijinayaa in mar qura rasaas ooda looga qaaday iyadoona durba weerarkaasi ay ku dhinteen Aabbe iyo Wiilkiisa, halka lagu dhaawacay…
Author: rbnnews
Abu Agela Mascud Kheir al-Marmimi Oo ka soo jeeda Liibya ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu yahay ninkii sameeyay bambkii lagu qarxiyay diyaaradii rakaabka aheyd ee mareykanka uu lahaa taas oo lagu burburiyay 1988-dii magaalada yar ee Lockerbie ee ku taalla Scotland. Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay in hay’adda dembi-baarista ee FBI inay gacanta ku hayaan sarkaalkan tirsanaa Sirdoonka Liibiya oo loo haysto inuu sameeyey bambkii soo riday diyaaradaasi kaas oo sababay dhimashada 259 rakaab ah oo saarnaa oo ay ku jiraan 190 muwaadin oo u dhashay Maraykanka iyo weliba 11 qof oo kale oo ku dhintan goobtii…
Inkastoo geeridu ay tahay lama huraan Aadanuhu u abuuran yahay hadana waa ay kala xanuun badan tahay asbaabaha kala duwan ee loo geyriyoonayo. Magaalada Boorama Ee ah Caasimadda labaad Ee Maamulka Somaliland Caawa waxaa ka dhacday geeri xanuun badan taa oo asiibtay saddex carruur ah oo ka soo jeeday hal qoys. Geerida caruurtani yar yarka ah ayaa timid kadib markii dab uu ka kacay gurigooda oo kuyiilay xaafadda Nafaqo ee magaalada Boorama. Guriga Oo ahaa jiingad iyo gurmadka dab-damiska oo ka soo yara daahay ayaa loo aaneynayaa iney sabab u ahaayeen geerida carruurta inkastoo hadana qadartu meesheeda ay taagan tahay.…
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay danjiraha dalka Ingiriiska Ee Soomaaliya Marwo Kate Foster. Amb. Kate Foster danjiraha dalka Ingiriiska Ee Soomaaliya ayaa Guddoomiyaha Golaha la wadaagtay in si weyn u soo dhaweyneyso dowladooda shirka dib u heshiisiinta uu ku baaqay Guddoomiyaha kaas oo dhawaan la filayo inuu ka dhaco magalada Baydhabo ee Xarunta Kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed. Ku-simaha Madaxweynaha soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa boggaadiyay dadaalada dowladda Ingiriiska ay ku taageereyso dowladda Soomaaliyeed iyo garab istaaga shirka dib u heshiisiinta deegaannada Koonfur…
Madaxweynaha hirshabelle Cali guudlaawe Xuseen oo safar ku joogga magaalada Moqokori Ee gobolka Hiiraan ayaa maanta halkaasi ka dhagax dhigay xarun isbitaal oo ay yeelan doonto. Madaxweyne Cali Guudaawe oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka maamulkaas Yuusuf Axmed Hagar ayaa Munaasabad ka dhacday Moqokori si wadajir kaga dhagax dhigay isbitaalka degmadaasi ay yeelan doonto. Sidoo kale waxaa munaasabadda goob jog ka ahaa Xubno ka socday labada gole ee maamulka, Gudoomiyasha Gobollada Hiiraan, iyo Shabeellaha Dhexe iyo Masuuliyiin kale. Madaxweyne guudlaawe ayaa bulshada moqokori u sheegay in isbitaalkaan uu wax badan ka qaban doono baahiyaha caafimaad ee ka jira moqokori iyo…
Sida lagu daabacay Telefishinka (ZNBC) ka soo baxa dalka Zambia meydadka 27qufood Oo Tahriibayaal Itoobiyaan ah ayaa laga helay deegaanka Meanwood Khosi ee dhaca duleeedka caasimada Zambia ee Lusaka, DANNY MWALE Oo ah Ku xigeenka afhayeenka booliska ayaa warbaahinta u sheegay in hal qof oo kaliya la helay isagoo nool kaasi oo loola cararay isbitaalka, Inkstoo warar kala duwan ay sheegayeen inay ku jiraan dad soomaali ah hadana lama xaqiijin weli,maadaama Mr MWALE Ku xigeenka afhayeenka booliska oo goor sii horeysay la hadlay telefishinka dalkaasi ZNBC News uu sheegay in dadka dhintay ay ka soo jeedaan Soomaaliya Itoobiya. Waxa uu…
Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir guddoomisay Kulanka 11aad guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS. Waxaa Kulanka looga hadlayay Ka warbixinta xeer hoosaadka Golaha, Iyadoona kulanka warbixin looga dhageystay Guddoomiyaha guddiga Xeer-hoosaadka Mudane Abdisamad Macalin Maxamuud. Guddoomiyaha guddiga Xeer-hoosaadka ayaana sheegay in la soo gabagabeeyay diyaarinta Xeer-hoosadka Golaha, Dhanka kale waxaa kulanka warbixin Iyana lagaga dhagaystay labada guddi ee Amniga iyo Difaaca kaas oo looga hadlay Amniga Xildhibaannada iyo xasaanadooda. Waxeyna sheegeen inay soo diyaariyeen warbixinta una gudbiyeen guddoonka isla-markaana kulanka soo socdo la…
War qoraal ah oo ka soo baxay maamulka degmada warsheekh ee gobolka sh.dhexe ayaa lagu joojiyay dhammaan howlihii caafimaad ee ka socday isbitaalka degmada warsheekh ee gobolkaasi. Waxaana walaac xooggan oo dhanka caafimaadka ay soo wajahday qeybaha bulshada ee degmadaasi kuwaas oo adeegyo kala duwan oo caafimaad halkaasi loogu fulinayay. Sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in xaalad gacan hadal ah ay sababto xiisad ka taagan Isbitaalka weyn ee magaalo warsheekh kaas oo ay isku hayaan maamulka degmada iyo Dalladda Warmocad oo ah dallada gacanta ku heysa maamulka isbitaalka. Khilaafka sababay in albaabada leysugu laabo isbitaalka degmada warsheekh ayaa lagu…
Sida wararka ka imaanaya magaalada jowhar ay inoo xaqiijinayaan qarax jugtiisa laga maqlay xaafadaha dhaca duleedka magaalada jowhar ayaa maanta lala eegtay gaari uu la socday maareeye ku xigeenka garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Sidoo kale waxaa qaraxaasi dhaawacyo kala duwan uu ka soo gaaray labo ruux oo kale kuwaas oo aan cadeyn waxa ay ahaayeen. Kooxda Alshabaab ayaa durba dhabarka u ridatay weerarkaasi qaraxa ee maanta ka dhacay duleedka magaalada jowhar,
Marwo khadiija Maxamed Al Makhsuumi Wasiiradda Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Saciid Maxamed Cali iyo xubno kale ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo. Wafdiga Waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo Wasiirka wasaradda Degaanka iyo dalxiiska dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Ceydiid Saleebaan Xaashi, Wasiir ku xigeenka Wasaradda Deeganka Maxamed Cabdinuur Beerxaani, qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Jubbaland iyo mudaneyaal ka tirsan Golaha Wakiilada dowlad goboleedka Jubbaland. Mudane Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowladda Jubbaland ayaa intaasi kadib wafdiga ku qaabilay xarunta Madaxtooyada Jubbaland halkaas oo…