Author: rbnnews

Sida uu shaaciyay Guddoomiye ku xigeenka labaad golaha shacabka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Xidlhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow. Waxaa maanta kooram la’aan u baaqday kulan ay xildhibaamnada Golaha Shacabka Soomaaliya ku lahaayeen magaalada Muqdisho, Xidlhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa iska soo xiray kulanka,kadib markii uu buuxsami waayey kooramka loogu talagalay inuu ku furmo kulanka Baalamaanka Soomaaliya ay kuwada balansanaayeen.. Waxa uu xildhibaan Abshirow sabab uu kaga dhigay baaqashada kulanka inay jiraan daruufo adag oo haysto xildhibaannada,sida baaritaanada la marsiiyo iyo amniga Muqdisho, Ugu dambeyn waxa uu guddoomiye ku xigeenka labaad golaha shacabka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Xidlhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow ka…

Read More

Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta shir guddoomiyay Kulanka gudoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir kaas oo looga hadlayay dardargalin howlaha kala duwan ee lagu horumarinayo Caasimadda Soomaaliya Ee Muqdisho, Mudane Sheikh Yuusuf Madaale ayaa warbixina ka dhageystay Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka. Warbixinadaas Oo ku saabsan howlihii u qabsoomay Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa la filaayo in la hirgaliyo.

Read More

Mas’uuliyiin uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur.Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Hirshabelle ayaa maanta safar ku tagay Degmada Aadan Yabaal Ee gobolka sh.dhexe halkaas oo dhawaan ay la wareegeen Ciidanka dowladda somaliya iyo kuwa dadka deegaanka Oo isgarabsanaya. Wasiirka iyo Taliyaha xoogga ayaa kaga mahadceliyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen dagaalka kooxda Alshabaab Ciidanka Xooga iyo dadka Deegaanka. Wasiirka gaashaandhigga ayaa sheegay inaan laga hari doonin firxadka kooxda Alshabaab Ee isaga baxay degmada Aadan yabaal halkaas oo ay sanado badan ka talinayeen. Dhankiisa Taliyaha ciidanka…

Read More

Maamulka hirshabelle ayaa dib u dayactir ku sameeyay ceelashii biyaha ee degmada Aadan yabaal kuwaas 6-dii bishan kooxda alshabaab ay ka furteen bamkii biyaha soo saari jiray kadib markii magaalada ay isaga baxayeen. Mas’uuliyiin uu kamid yahay madaxweynaha dowlad goboleedka hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaana ka qeybgalay munaasabad dib loogu howlgelinayay ceelashaasi.

Read More

Howlgal ka dhacay inta u dhaxeysa Deegaannada Basra iyo Sabyo Ee Gobolka shabeelaha dhexe ayna fuliyeen Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Soomaaliya ayaa xalay lagu dilay mid kamid ah dagaal yahanada Alshabaab. Waxaana sidoo kale inta howlgalkaasi uu socday ay shaacisay dowladda soomaaliya inay gacanta ku soo dhigeen labo xubnood oo ka mid ah kooxda Alshabaab, War qoraal oo lagu baahiyay baraha bulshada Ee Dowladda Soomaaliya ay maamusho ayaa lagu sheegay in dadka deegaanka ay ku soo wargeliyeen laamaha amaanka soomaaliya xubnahaan alshabaabka oo ku howlanaa sameynta falal amni daro ah islamarkaana ay ku baxeen Ciidanka…

Read More

Wararka ka imaanaya deegaanka Beerxaano Oo dhaca duleedka magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in saaki aroortii dagaal xooggan ay ku qaadeen dagaal yahano ka tirsan Alshabaab. Deegaankan oo qiyaastii 30-km u jirta magaalada Baledweyne ayaa waxaa saldhig ciidan ku lahaa ciidamo ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle. Dagaalka oo saacado badan socday ayaa sababay khasaaro kala duwan oo soo gaaray dhinacyadii dagaalamay. Dhanka kale ciidamo ka baxay magaalada Beledweyne gurmadna ugu socday ciidanka lagu weeraray deegaanka Beerxaano ayaa iyana la sheegayaa in Jidka ay u galeen dagaalyahano kale oo Shabaab ah inkastoo saraakiisha ciidanka Ee hirshabelle ay tilmaameen iney iska caabiyeen. Dagaalyahano…

Read More

Axmed Meyre Makaraan guddoomiyaha gobolka Sh.Dhexe ee dowlad goboleedka hirshabelle ayaa wareegto uu soo saaray xilkii kaga qaaday guddoomiyaha xaafadda Horseed Ee Magaalada Jowhar.Isagoona u magacaabay guddoomiye Cusub. Cabdi xamuud Xasan waa guddoomiyihii hore Ee xaafadda horseed ee xilka laga qaaday guddoomiyaha cusub ayaa sidoo kale lagu magacaabaa Cabduqaadir Xasan Nuur.

Read More

Howlgallo dad kala duwan lagu soo qabtay ayaa xalay waxa ay ka dhaceen qeybo kamid ah xaafadaha gudaha magaalada muqdisho iyo duleedkeeda, Gudaha Muqdisho ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa howlgal saacado badan qaatay ka sameeyay Degmada Hodan Ee gobolka Banaadir. Sidoo kale howlgalka labaad oo ay fuliyeen ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Hey’adda Nabad Sugidda Ee NISA ayaa isna ka dhacay deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho. howlgalladan ayaa intii ay socdeen waxay ku soo qab qabteen laamaha amaanka dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo ay su’aalooyin amniga la xariira ay weydiiyeen iyadoona…

Read More

Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta daah-furay kulanka Wadatashiga qorsha howleedka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ee sanadka 2023. Guddoomiye Madaale ayaa Wajiga 1-aad ee kulankan waxa uu warbixino kaga dhageystay Maamullada Degmooyinka qeybta Bartamaha, kuwaas oo u soo gudbiyay guddoomiyaha qorsha howlleedkooda ku aadan Horumarinta Degmada iyo Amniga. Waxa uuna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) sheegay in Maamul kaste uu kula xisaabtami doono horumarinta Degmada Uu mas’uulka ka yahay,

Read More

Dhaqtar Bishaar ibraahim Xuub Isu duwihii wasaaradda caafimaadka ee Degmada Buur-hakaba Ee gobolka Bay ayaa maanta lagu dhex toogtay gudaha isbitaalka degmada Buur-hakaba. Kooxo Bastoolado ku hubeysan ayaa dhaqtarka dilka u geystay iyadoona goobta ay ka baxsadeen. Lama oga sababta rasmiga ee dhaqtar bishaar Ibraahim loo toogtay iyo cidda sida rasmiga kaga dambeysa toogashadiisa. Walow Guddoomiyaha degmada Buur hakaba Cabdi Maxamed Axmed uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen Kooxda Alshabaab,

Read More