https://youtu.be/qW1s12OQtlo
Author: rbnnews
Maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa waxaa ka socota dhageysiga dacwad Ciqaabeed loo heysto saraakiil ka tirsan wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, kuwaaasi oo xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu ku eedeeyay Musuq-maasuq, lunsasho hanti dadweyne iyo ku tagri fal awood xafiiseed. Masโuuliyiinta Maxkamaddooda maanta ay billaabatay ayaa waxaa ay kala yihiin, Agaasimahii Guud ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali iyo Agaasimahii kaga horreeeyay Xafiiska Maxamed Cadde Muqtaar. Goobta Maxkamadda ayaa waxaa ku sugan Masโuuliyiin katirsan Xafiisyada Xeer ilaalinta Qaranka iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah Ehellada Masโuuliyiinta la maxkamadeeynayo.
Faah faahino kasoo baxaya qarax khasaaro kala duwan geystay oo Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle, kaas oo jugtiisa laga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Jowhar. Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa lala beegsaday Ciidamo katirsan howlgalka ATMIS, xilli ay marayeen meel u dhow garooonka kubbada cagta Xasey Kumari ee xaafada Horseed ee Magaalada Jowhar. Maamulka iyo laamaha Amniga Magalada Jowhar ayaan weli ka hadlin qaraxa, hayeeshee waxaa goobta tegay Ciidamo katirsan Booliska Hir-Shabeelle, kuwaas oo howlgallo baaritaano ah sameeyay. Maalmihii la soo dhaafay waxaa aad u xumaaday…
Xassan Xussen Nuur oo ka tirsan Ciidanka xoogga Dalka gaar ahaan ilaalo qaran ayaa loo soo xiray dhaawac xabadeed oo u geystay Marxuum Xussen Maxamed Xirsi kaasoo u geeryooday dhaawicii oo u geystay 15-kii bishii April ee sanadkaan , falkaas oo ka dhacay Dagmada Warta-Nabadda 28-kii bishii Maarso ee Sanadkaan. Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiska Xassan Xuseen Nuur waxaana laga ogolaaday sadaxdii bishii Juun ee sanadkaan. Maragyadii maxkamada la hor keenay ayaa cadeeyay in sababta Dhaawaca uu u dhintay Marxuumka ay eheed muran salka ku hayo jiir naceeb Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku…
Guddoomiyaha iyo Xoghayaha Guddiga Difaaca Golaha Shacabka BJFS ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ciidankii ku dhintay weerarkii bahalnimo oo ay kooxda khawaariijta ah ay ku qaaden xerada Ciidanka Kulliyada Jaale Siyaad ee Magaalada Muqdisho. https://www.youtube.com/watch?v=ZP-ulh977A4 RBN NEWS
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo cambaareeyay dhacdadii fulaynimada ahayd ee shalay ka dhacday xarunta tababarka ciidanka ee Jaalle Siyaad, waxaana uu saraakiisha ciidanka faray in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo. https://youtu.be/6C5U5RfmdZA
https://www.youtube.com/watch?v=3qaRRWm9eC0
Golaha Wakiilada Puntland ayaa u codeeyey wax ka bedelka Dastuurka Puntland, waxaana ay u codeeyeen in dhammaan meesha laga saaro qodobadii ka hor imaanayay qabashada doorashooyin qof iyo cod ah. https://googleads.g.doubleclick.net/pagead/ads?client=ca-pub-0455975177838684&output=html&h=280&slotname=4243044604&adk=1164496097&adf=126489372&pi=t.ma~as.4243044604&w=801&fwrn=4&fwrnh=100&lmt=1690280044&rafmt=1&format=801×280&url=https%3A%2F%2Fjowhar.com%2Fdeg-deg-baarlamaanka-puntland-oo-ansixiyey-wax-ka-beddelka-dastuurka-puntland%2F&fwr=0&fwrattr=true&rpe=1&resp_fmts=3&wgl=1&uach=WyJXaW5kb3dzIiwiMTAuMC4wIiwieDg2IiwiIiwiMTE0LjAuNTczNS4yNDgiLFtdLDAsbnVsbCwiNjQiLFtbIk5vdC5BL0JyYW5kIiwiOC4wLjAuMCJdLFsiQ2hyb21pdW0iLCIxMTQuMC41NzM1LjI0OCJdLFsiR29vZ2xlIENocm9tZSIsIjExNC4wLjU3MzUuMjQ4Il1dLDBd&dt=1690276965328&bpp=1&bdt=370&idt=58&shv=r20230719&mjsv=m202307190101&ptt=9&saldr=aa&abxe=1&cookie=ID%3D270357cabffc626c-2213261c22e0009f%3AT%3D1685385871%3ART%3D1690276040%3AS%3DALNI_MbPa6hbffeSERigGGEXLaQxjXbYzg&gpic=UID%3D00000c380e2b5ca6%3AT%3D1685385871%3ART%3D1690276040%3AS%3DALNI_Mb8-55boM0kkHJO7Rd1CZUi10zUBg&prev_fmts=728×90%2C801x200%2C0x0&nras=1&correlator=156097853526&frm=20&pv=1&ga_vid=1574345203.1685385868&ga_sid=1690276965&ga_hid=757798743&ga_fc=1&u_tz=-420&u_his=1&u_h=1080&u_w=1920&u_ah=1040&u_aw=1920&u_cd=24&u_sd=1&dmc=8&adx=377&ady=914&biw=1903&bih=880&scr_x=0&scr_y=0&eid=44759837%2C44759926%2C31075631%2C44759875%2C31076087%2C44788442&oid=2&pvsid=2852298855066182&tmod=980441621&uas=0&nvt=1&ref=https%3A%2F%2Fjowhar.com%2F&fc=896&brdim=0%2C0%2C0%2C0%2C1920%2C0%2C0%2C0%2C1920%2C880&vis=1&rsz=%7C%7CEebr%7C&abl=CS&pfx=0&fu=128&bc=31&ifi=3&uci=a!3&btvi=1&fsb=1&xpc=wEmf4j0IUm&p=https%3A//jowhar.com&dtd=1523 54 Xildhibaan ayaa ucodeeyey wax ka bedelka Dastuurka, ee ogolaanaya in golaha Wakiilada, Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ay cod dadweyne ku imaanayaan, 4 xildhibaan ayaa diiday, halka hal mudane ka aamusay. Baarlamanka Puntland, waxa laga hor akhriyey soojeedinta in 9-ka urur ee galay doorashooyinkii deegaanka ee tooska ahaa ay noqdaan xisbiyo, Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisana lagu soo doorto qof iyo cod, iyada oo dhinaca kale la kordhiyey codadka lagu waayi karo…
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania oo ay kaga qayb galayaan Shir madaxeedka horumarinta Karaanka Aadanaha ee Afrika. Shir madaxeedka ayaa looga hadlayaa taabbagelinta awoodda dadweynaha, oo ah ahmiyad gaar ah u leh dalalka qaaradda Afrika, si ay uga qaybqaataan horumarka qaaradda hiigsaneyso taasi oo mudnaan gaar ah oo ku aadden horumarinta bulshada u leh Xukuumadda Soomaaliyeed ee DanQaran. Xubnaha wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Waxbrashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay kulanka Iskaashiga Talyaaniga iyo dalalka Geeska Afrika oo ay marti-gelisay Raโiisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni. Shirkan oo ay ku kulmeen dalalka Soomaaliya, Talyaaniga, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ayaa lagaga arrinsanayey Amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo dowladda Soomaaliya ay mudnaan siinayso sidii ay iskaashi heer gobol iyo heer caalami ah ugu heli lahayd wajiga labaad ee howl-galka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab.