Author: rbnnews

Xaalad Jahwareer adag ayaa ka taagan Qeybo badan Oo kamid ah dalka ingiriiska kadib markii roobab baraf ah Oo ka da’ay qeybo kamid ah dalkaas ay isu bedeleen baraf adke ah. Taariikhda waa markii ugu horeysay Oo Roobab baraf wata uu ka da’o dal kamid ah qaaradda yurub deetana adke isku bedela. Waxa uu saameyn weyn ku yeeshay barafkaan adkaha isku bedelay gudaha dalka ingiriiska iyadoona meelaha qaarkood lagu daadiyay milix barafka dhalaaliya. Busteejooyinka gaadiidka dadweynaha Ee Magaalada Manchester ayaa hakad la geliyay maadaama jidadka ay daadsan yihiin barafka adkaha noqday. Marka laga yimaado barafka da’ay ee adkaha isu bedelay…

Read More

Maalin talaado ayna ku beegneyd 25-kii October, Ee Sanadkan askari kamid ahaa ilaalada garoonka diyaaradaha ee magaalada jigjiga ee dowlad deegaanka soomaalida itoobiya ayaa rasaas ooda kaga qaaday dad rayid ah oo ay ku jirtay xildhibaanad juweeriuyo subcis. Rasaasta ayaa sababtay geerida AUN Xildhibanada iyo dhaawaca Shan qof Oo rayid ah kuwaas oo goobaha caafimaadka lala cararay. Laamaha amaanka ee garoonka diyaaradaha ee magaalada jigjiga ayaa durba gacanta ku dhigay askariga falkaasi geystay iyadoona loo gudbiyay xafiisyada dambi barista. Ugu dambeyn maanta ayaa maxkamad la soo taagay askarigii ka dambeeyay rasaastaasi ay sababtay xildhibanad juweeriyo subcis waxaana lagu xukumay xukun…

Read More

Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyey magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bokool. Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur ayaa waxaa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo garoonka diyaaradaha magaalada Xudur ku soo dhaweeyay guddoomiyaha Sidoo kale maamulka gobolka Bokool, kan degmada iyo qeybaha bulshada ayaa Iyana ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyay sh.Aadan Madoobe. Soo dhaweyn kadib guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Bakool iyo Guddoomiyaha degmada ayaa kaga warbixiyay guddoomiyaha golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya xaalada gobolka…

Read More

Sida Warbaahinta ku hadasha afka dowladda uu u xaqiijinayay Taliyaha Ciidanka xoogga General Odawaa Yuusuf Raage Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa dagaalamayaasha Alshabaab kala wareegay deegaanka Alkowthar. Deegankaan Al-kowthar ayaa ka tirsan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada dhexe waana deegaankii ay saldhigteen shabaabkii isaga baxay degmada Aadan Yabaal.

Read More

Nin ku hubeysnaa bastoolad 16qaad ah ayaa la sheegayaa inuu weerar toos ah ku qaaaaday goob ay ku shir sanaayeen guddiga Iskaashatada guryaha ee magaalada Roma Caasimadda dalka Talyaaniga Ninkaan toogashada geystay ayaa la xaqiijinayaa inuu aad kaga soo horjeeday lacagaha sanad walba lagu kordhiyo dadka kireystayaasha ah isagoona arintaasi marar badan ka dhiidhiyay. Dabayaaqadii toddobaadkii hore ayaa la sheegayaa inuu galay xarun lagu barto shiishka hubka isagoona ugu dambeyn maanta fuliyay weerar uu ugu talagalay munaasabadda sanad walba ay ku kulmaan gudiyada iskaashatada guryaha. Wariye ku sugan magaalada Roma ayaa u sheegtay laanta bbc-da in ninka toogashada fuliyay uu…

Read More

Xamse Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ballan qaaday in xukuumaddu ay deegaannada lagala wareegay kooxda Alshabaab ay geyn doonto adeegyada aasaasiga ah ee shacabku dowladda uga baahan yihiin oo uu ugu horreeyo adeegyada caafimaad. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo ka qeyb galay kulanka isku duwidda hawlaha nidaamka caafimaadka Soomaaliya iyo xuska maalinta caalamiga ah ee yoolka caafimaadka ayaa tilmaamay inaan la aqbali karin hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed inay u dhintaan daryeel la’aan xagga caafimaadka ah.

Read More

Cabdullaahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharmaarke) Waxaa uu kamid ahaa dagaalyahanada kooxda Alshabaab tan iyo sanadkii 2016kii Cabdullaahi ayaa la soo qabtay xilli uu miino ku aasayay deegaanka Sabiid Caanoole ee gobolka sh.hoose. Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo maanta xukunkiisa u fadhiisatay ayaa dhageysiga dacwadiisa kadib ku xukuntay xabsi daa’in ah. Maalmihii u dambeeyay dagaal yahano ka tirsan kooxda Alshabaab oo siyaabooyin kala duwan loo soo qabtay ayey xukuno kala duwan ku fulineysay maxkamadda ciidamada qalabka sida Ee Soomaaliya.

Read More

Inta la xaqiijyay waxaa dhintay labo ruux oo ahaa wiil iyo aabihii halka saddex kalena dhaawacyo ay soo gaareen kadib markii dad rayid ah oo gaari rakaab saarnaa rasaas ooda looga qaaday. Weerarkan oo loo maleynayo iney geysteen xubno ka tirsan dagaalyahannada al Shabaab ayaa shalay aroortii ka dhacay inta u dhexeysa Jabibar iyo Bamboo oo dhacda waqooyiga magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari ee dalkaasi Kenya. Gaari uu noociisu ahaa Landcruiser islamarkaana marayay wadada Rhamo Ceel waar, ayaa la xaqiijinayaa in mar qura rasaas ooda looga qaaday iyadoona durba weerarkaasi ay ku dhinteen Aabbe iyo Wiilkiisa, halka lagu dhaawacay…

Read More

Abu Agela Mascud Kheir al-Marmimi Oo ka soo jeeda Liibya ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu yahay ninkii sameeyay bambkii lagu qarxiyay diyaaradii rakaabka aheyd ee mareykanka uu lahaa taas oo lagu burburiyay 1988-dii magaalada yar ee Lockerbie ee ku taalla Scotland. Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay in hay’adda dembi-baarista ee FBI inay gacanta ku hayaan sarkaalkan tirsanaa Sirdoonka Liibiya oo loo haysto inuu sameeyey bambkii soo riday diyaaradaasi kaas oo sababay dhimashada 259 rakaab ah oo saarnaa oo ay ku jiraan 190 muwaadin oo u dhashay Maraykanka iyo weliba 11 qof oo kale oo ku dhintan goobtii…

Read More

Inkastoo geeridu ay tahay lama huraan Aadanuhu u abuuran yahay hadana waa ay kala xanuun badan tahay asbaabaha kala duwan ee loo geyriyoonayo. Magaalada Boorama Ee ah Caasimadda labaad Ee Maamulka Somaliland Caawa waxaa ka dhacday geeri xanuun badan taa oo asiibtay saddex carruur ah oo ka soo jeeday hal qoys. Geerida caruurtani yar yarka ah ayaa timid kadib markii dab uu ka kacay gurigooda oo kuyiilay xaafadda Nafaqo ee magaalada Boorama. Guriga Oo ahaa jiingad iyo gurmadka dab-damiska oo ka soo yara daahay ayaa loo aaneynayaa iney sabab u ahaayeen geerida carruurta inkastoo hadana qadartu meesheeda ay taagan tahay.…

Read More