Author: rbnnews

Waxaa maalintii labaad si toos ah kaga socda magaalada muqdisho Kulanka dib u eegista hanaanka dhab u heshiisiinta. Kaas Oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arimaha gudaha soomaaliya waxaana qeyb ka ah dowlad gobolleedyada iyo qeybaha bulshada sida Culuma’udiinka odeyaasha, haweenka iyo dhalinyarada. Kulanka waxaa maanta kalimad ka jeediyay Sh Bashiir Axmeed Salaad Oo ah Guddoomiyaha Hey’adda Culimada Soomaaliyeed Sh Bashiir waxa uu yiri’ “Soomaali waxaa ay isku heysto waa lahaanshiyo dhuleed qof ama qabiil iyo isku heysi maamul, marka dhul la yiraahdo waa in diinta lala aado, dhulka ilaah ayaa abuuray, oo iska leh, banii’aadam ayaa loogu talogalay, midda…

Read More

Kadib Kulan ay kuwada yeesheen madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa waxa uu soo dhaweyay dhaxal sugaha boqortooyada dalka sacuudiga guulaha wax ku oolka ah ee ciidamada xoogga dalka ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxda Alshabaab, Amiir Maxamed Binu Salmaan ayaa sidoo kale muujiyay sida ay diyaar ugu yihiin taageero buuxdana ay ula garab tagaan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa kaga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Boqortooyada Sucuudiga, garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed,

Read More

Munaasabad ballaaran Oo lagu dhaarinayay Xubnaha cusub Ee Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug, Sidoo kalena Casho sharaf loogu sameeyay xubnahaasi ayaa xalay ka dhacday xarunta madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug. Mudane Cali Daahir Ciid Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Oo ka qeybgalay Munaasabadaa ayaa kula dardaarmay xubnaha Guddiga in ay la yimaadaan shaqo hufnaan isla markaasne karti ku dheehantahay, kuna gutaan waajibaadka saaran, Sidoo kale Marti-Sharafta ka qeybgashay Munaasabadda dhaarinta Guddoonka iyo xubnaha Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Galmudug, waxaa kamid ahaa Guddoomiyaha Baaralamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Maxamed Nuur Gacal, Xeer ilaaliyaha Galmudug, Wasiiro, Xildhibaano iyo qaar ka mid…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Moqokori ee Gobolka Hiiraan. Madaxweynaha iyo Wafdiisa ayaa safar dhanka dhulka ah kaga ambabaxay Degmada Aadan yabaal iyaga oo soo maray deegaanada mubaax iyo ceel qooxle oo kamid ah deegaanadii dhowaan laga saaray Alshabaab.Ugu dambeyn waxa ay soo gaareen Magaalada Moqokori halkaa Oo boqolaal dadweyne ay kusoo dhoweeyeen bartamaha Magaalada. Madaxweynaha hirshabelle ayaa uga mahadceliyay sida qiimaha iyo maamuuska leh Ee bushada Reer Moqokori ay ugu soo dhaweeyeen Magaaladooda. Ugu dambeyn Cali Guudlaawe ayaa xusay…

Read More

Hamza Abdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeybgalay dabaal degga munaasabadda Xuska 10-ka December Ee Maalinta Caalamiga ah Ee Xuquuqul Insaanka Adduunka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in shareecada Islaamka iyo xeerarka dalka u yaalla ay meel cad iska taageen xad gudubyada ka dhanka ah dumarka iyo dadka nugul, isagoo ku baaqay in aan qiil loo raadin cid walba oo ku xadgudubta xuquuqul insaanka. Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale ka sheegay munaasabadda dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab ah ee ka socda gobolada dalka inuu yahay dagaalkaasi mid lagu raadinayo xaquuqda aadanaha, maadaama ay kooxdaasi ka…

Read More

Axmed Macallim Fiqi Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya ayaa maanta furay kulanka “Dib u eegista Hannaanka Dhab-u-Heshiisiinta Qaran”. Waxaana shirka goobjoog ka ah oo ka soo qeyb galay dowladda federaalka, dowlad gobolleedyada iyo qeybaha bulshada sida Culuma’udiinka odeyaasha, haweenka iyo dhalinyarada. Kulanka dib u eegista hanaanka dhab u heshiisiinta qaran waxaa bandhig ku saabsan qaabka ay u arkaan dhab u heshiisiinta kasoo jeediyey wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ah, wasaaradda dhalinyrada federaalka ah, maamul goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur galbeed, golaha shacabka iyo mas’uuliyiin kale. Arrimaha ugu muhiimsanaa ee laga hadlay waxaa ka mid ahaa kaalinta maamullada ee…

Read More

Cali Ifiye Cali Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluuga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa Magaalada Mazara del Vallo ee dalka Talyaaniga kaga qeyb galay shir looga hadlaayay dhaqaalaha buluuga ah iyo sidii hormar joogto ah looga sameyn lahaa. Shirka ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saarayay, Joojinta Xaalufinta kheyraadka badda, ka hortagga ka faa’iideysiga sharci darada ah, wasaqeynta Biyaha, Isbedelka Cimilada iyo luminta noolaha badda, iyo Muhiimada ay dalalka afrika ee xeebaha leh ay u leedahay. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluuga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Cali Ifiye ayaa shirka ka jeediyay khudbad uu kaga hadlaayay…

Read More

Sida uu shaaciyay Guddoomiye ku xigeenka labaad golaha shacabka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Xidlhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow. Waxaa maanta kooram la’aan u baaqday kulan ay xildhibaamnada Golaha Shacabka Soomaaliya ku lahaayeen magaalada Muqdisho, Xidlhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa iska soo xiray kulanka,kadib markii uu buuxsami waayey kooramka loogu talagalay inuu ku furmo kulanka Baalamaanka Soomaaliya ay kuwada balansanaayeen.. Waxa uu xildhibaan Abshirow sabab uu kaga dhigay baaqashada kulanka inay jiraan daruufo adag oo haysto xildhibaannada,sida baaritaanada la marsiiyo iyo amniga Muqdisho, Ugu dambeyn waxa uu guddoomiye ku xigeenka labaad golaha shacabka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Xidlhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow ka…

Read More

Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta shir guddoomiyay Kulanka gudoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir kaas oo looga hadlayay dardargalin howlaha kala duwan ee lagu horumarinayo Caasimadda Soomaaliya Ee Muqdisho, Mudane Sheikh Yuusuf Madaale ayaa warbixina ka dhageystay Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka. Warbixinadaas Oo ku saabsan howlihii u qabsoomay Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa la filaayo in la hirgaliyo.

Read More

Mas’uuliyiin uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur.Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Hirshabelle ayaa maanta safar ku tagay Degmada Aadan Yabaal Ee gobolka sh.dhexe halkaas oo dhawaan ay la wareegeen Ciidanka dowladda somaliya iyo kuwa dadka deegaanka Oo isgarabsanaya. Wasiirka iyo Taliyaha xoogga ayaa kaga mahadceliyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen dagaalka kooxda Alshabaab Ciidanka Xooga iyo dadka Deegaanka. Wasiirka gaashaandhigga ayaa sheegay inaan laga hari doonin firxadka kooxda Alshabaab Ee isaga baxay degmada Aadan yabaal halkaas oo ay sanado badan ka talinayeen. Dhankiisa Taliyaha ciidanka…

Read More