Author: rbnnews

Kulan ay ku yeesheen magaalada beydhabo Ee Xarunta gobolka Bay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur/galbeed Cabdicasiis Laftagareen loogana hadlayay sidii meel la isugu keeni lahaa madaxweyne laftagareen iyo siyaasiyiinka ka soo jeeda koonfur/galbeed ee dhaliilsan madaxweynaha. Sh Aadan Madoobe iyo Laftagareen ayaa isku afgartay 6 qodob, Oo kala ah;1- In dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, culimaa’udiinka, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka si dhab ah ugu istaagaan dedaalada la-dagaalanka aragagixisada oo ay hormuudka ka yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada qalabka sida. 2- In…

Read More

Nuur Macalin Abuukar Calasow waxa uu kamid ahaa dagaalyahannada kooxda Alshabaab Ee ku sugnaa duleedka magaalada Aadan Yabaal Ee gobolka sh. dhexe halkaas oo dhawaan kooxda ay kala wareegeen ciidamada xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo isgarabsanaya.Goobta lagu soo bandhigay Nuur waxaa ku sugnaa Taliyaha Ciidanka dhulka XDS General Maxamed Tahliil Biixi, taliyaha Guutada 17-aad ee Gorgor Dayax Cabdi Cabdulle iyo masuuliyiin kale.

Read More

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya ayaa maanta xukuno isugu jira dil toogasho Xabsi , Xabsi Sideed ilaa Sedax Sano iyo & Xorriyad u celin ku riday xubno ka tirsanaa kooxda Alshabaab kuwaas oo iyaga oo shabakad isku xeran ah laamaha amniga ay ka soo qabteen gudaha magaalada muqdisho. laba kamid ah eedeysanayaasha ayaa lagu xukumay dil toogasho ah kuwas oo kala ah Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow Maama iyo Xasan Cali Xuseen Ibraahim Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow Maama ayaa dilay Maxamed Xaanshi Faarax oo Dilkiisa lagu eedeeyay Taraafikada. laakiin hay’adaha Baarista mar dambe ay u Cadaatay in iyaga Jidka loo…

Read More

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khilaaf xooggan oo ka dhextaagan wasaaradda kalluumeysiga dowlad goboleedka puntland Somaliya. Khilaafka ayaa u dhaxeeya Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga puntland , Rashiid Maxamuud Yuusuf iyo ku xigeenkiisa, Cabdikhaaliq Maxamed Maxamuud. Xogo madax-bannaan Oo ay heshay Warbaahinta RBN ee Magaalada muqdisho ayaa sheegaya in khilaafku uu salka ku hayo doomo kalluumeysi oo wasaaradda loogu deeqay kuwaas oo qaarkood la arkay iyada oo si hoose loo iibsanayo . Wasiirka iyo ku xigeenkiisa ayaa khilaafkoodu uu dhashay markii arintaasi la soo gaarsiiyay wasaaradda iyaga oo labada mas’uulba mid walba uu qaaday talaabooyin u gaar ah oo arintaasi…

Read More

Kulan ballaaran Oo ay u wada dhan yihiin guddoomiyayaasha gobolada. degmooyinka Ee Maamulkaasi Puntland iyo Golaha Wasiirada, Taliyeyaasha Ciidamada, La-taliyeyaasha Madaxweynaha iyo Saraakiil Madaxtooyo. Iyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka dhacay aqalka madaxtooyada magaalada Garowe. Kulanka ayaa lagu falanqeynayay diyaar garowga Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Puntland oo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ay bilaabmi doonto 5-ta January 2023, Sidoo kale waxaa lagaga hadlay Amniga iyo Horumarinta degmooyinka iyo Gobollada dowlad goboleedka Puntland. Guddoomiyeyaasha gobolada iyo degmooyinka ayuu madaxweynuhu ka dhageystay warbixinta xaaladda guud ee degmooyinka iyo Gobollada Puntland, wuxuuna Kula dardaarmay inay sii horumariyaan dadaalka iyo u adeegida Bulshada iyo…

Read More

Nin hubeysan ayaa goordhaw Xerada Daraawiishta Ee Magaalada Beledweyne ka fuliyay weerar toogasho ah isagoona goobta ka baxsaday weerarka kadib. Sida ila wareedyo deegaanka ay U xaqiijiyeen Warbaahinta RBN Ee Magaalada Muqdisho hal askari ayaa toogasho lagu dilay halka mid kalena la dhaawacay kadib markii nin hubeysan uu weerar gaadmo ah la eegtay askartaasi oo ku sugnaa xerada daraawiishta oo kamid ah meelaha ugu mashquulka badan magaalada beledweyne. Ruuxa dilka geystay oo aan la ogeyn waxa uu yahay ayaa horay u sii qaatay askariga uu dilay qorigiisa isagoona goobta ka baxsaday. Halka askariga kale ee uu dhaawaca u geystay loola…

Read More

Tan iyo markii Ciidamada dowladda soomaaliya iyo dadka deegaanka ay kala wareegeen kooxda Alshabaab Degmada Aadan-Yabaal Ee gobolka sh.dhexe.ma aysan tagin wafuud heer caalami ah oo ka socda dowladda soomaaliya marka laga reebo xildhibaannada deegaan doorashadooda ay tahay gobolkaasi iyo saraakiisha kala duwan Ee Ciidanka xoogga dalka. Wafdi Heer Caalami ah Oo uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamze Cabdi Barre ayna ka mid yihiin wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.ayaa maanta gaaray markii ugu horeysay Aadan-Yabaal kadib la wareegidda Ciidanka Xoogga. Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen. saraakiisha ciidamada.iyo qeybaha bulshada.ayaana si weyn ugu soo dhaweeyay magaalada Aadan Yabaal wafdiga…

Read More

Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta ku wareejiyay Lacag dhan 140-Kun oo Dollar (Boqol iyo Afartan kun oo Doolar) Maamulaha guud ee Shirkadda dhismaha Kulmiye Cabdiqaadir Abuukar Cumar Cadaan, lacagtaas oo ah wajiga labaad ee loogu talagalay in lagu dardargaliyo dhameystirka dhismaha Biya-mareenka Ceel-Qalow ee Degmada Wadajir. Sanado badan bulshada degmadaan ayaa la daala dhacayay biyo mareenkaan oo xilliyada roobabka kala xera isu socodka xaafadaha ceel-qalow halka mararka qaarkii oo biyaha roobabka ay ka bataanna xaafadaha godka ah uu ku rogmanayay.

Read More

Kadib Kormeer Uu maanta ku tagay Sh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ku simaha madaxweynaha Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka ee soomaaliya taliska qeybta 60-aad ee Gobolka Bakool waxa uu faray saraakiisha taliska inay si deg deg ah ku bilaabaan dagaalka ka dhan ah kooxda Alshabaab. Sidoo kale Ku-simaha Madaxweynaha Sheekh Aadan Maxamed ayaa booqday cutubyo cusub oo tababar ugu socday magaalada Xudur wuxuna ku dhiirageliyay dalka iyo dadka si daacad ah in loogu shaqeeyo. Dhankooda Saraakiisha Ciidanka Xoogga ayaa Ku-simaha Madaxweynaha warbixin ka siiyay xaalada ciidanka qaranka kuwooda ku sugan gobolka Bakool. waxayna ballan qaadeen in ay…

Read More

Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xafiiskiisa maamulka ee gobolka banaadir ku qaabilay Mr. Mehmet Yilmaaz Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayay . Waxay kawada hadleen Guddoomiyaha gobolka banaadir Sheikh Yuusuf Madaale iyo Safiirka Turkiga Mr. Mehmet Yilmaaz xoojinta Iskaashiga lagu horumarinayo heshiiska Mataaneenta Muqdisho iyo magaalooyinka Turkiga, dardargalinta mashaariicda lagu dhisayo Waddooyinka Caasimadda iyo xarumaha Danta-Guud Ee Gobolka Banaadir. Wuxuuna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) uga mahadceliyay Dowlada Turkiga iyo shacab keedaba ka qeybqaadashadooda dib u soo kabashada Dalka.

Read More