Author: rbnnews

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Salaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed muhiim ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, Mudane Cabdullahi Cali Elihya. Kulankaasi ayaa dhacay intii uu socday shirkii 51-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC). labada wasiir waxay si qoto dheer uga wada hadleen xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee gobolka, arrimaha caalamiga ah, iyo isbeddellada ka socda mandaqadda. Sidoo kale, waxaa la xoojiyay muhiimadda ay leedahay sii ballaarinta iskaashiga laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kuwait, si loo kobciyo xiriirka taariikhiga ah…

Read More

Weerar Israa’iil ay manta  ka geysatay galbeedka Iran ayaa lagu dilay ugu yaraan shan askari, waxaana ku dhaawacmay sagaal sare, sida ay sheegtay warbaahinta Iran. Shan sarkaal oo ciidan ah ayaa lagu dilay sagaal kalena waa lagu dhaawacay weerarka maanta ee taliska Israel uu ku qaaday galbeedka magaalada Sumar” ee gobolka Kermanshah, wakaaladda wararka ee Fars ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganaysa mas’uul ka tirsan gobolka. Israa’iil iyo Iran ayaa is dhaafsaday mowjado weeraro ah, kaddib markii Israa’iil ay billowday ololaheeda hawada 13-kii June, iyadoo sheegtay in Tehran ay qarka u saaran tahay inay sameysato hub nukliyeer ah — hammi ay…

Read More

New Delhi “waligeed” dib uma soo celin doonto heshiis muhiim ah oo dhanka biyaha ah oo ay laashay Pakistan, sababo la xiriira rabshadaha dilaaga ah ee ka dhacay Kashmir ay Hindiya maamusho, wasiirka arrimaha gudaha ayaa ku sheegay wareysi la daabacay manta. Hindiya ayaa hakisay heshiiska ka dib weerar bishii April lagu qaaday dad rayid ah oo ay ku eedaysay Pakistan inay taageerto, eedeymahaas waxaa beenisay Islamabad iyo mid uu daba socday dagaal maalmo socday oo u dhaxeeyay labada cadaw. In kasta oo ay xabbad-joojin jirto, haddana wasiirka arrimaha gudaha ee Hindiya waxa uu sheegay in dawladdiisu aanay soo celin…

Read More

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Gideon Saar ayaa ku eedeeyay ilaalada kacaanka Iran Sabtidii in ay isku dayeen in ay weerar ku qaadaan muwaadiniinta Israa’iil ee ku sugan Qubrus. Qoraal uu soo dhigay X, Saar wuxuu ku sheegay in weerarka la fashiliyay, Mahad waxaa iska leh maamulka ammaanka Qubrus, iyagoo kaashanaya laamaha ammaanka ee Israel.” Saar ayaan wax faah faahin ah ka bixin qaabka uu u dhacay weerarka. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Iran arinta ku adan edeyntan.

Read More

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta oo Sabti ah (21.06.2025) si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalada 8-aad (Dhexe) iyo 4-aad (Dugsiga Sare) ee Somaliland,tirada Ardayda Imtixaanka u fariisanaysa ayaa ah 40,000 oo Arday kuwaas oo isugu jira fasalka 12-aad ee dugsiga sare iyo Fasalka 8-aad ee dugsiga hoose dhexe. Munaasibadan oo ka dhacday Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu Madaxweynuhu farriin u diray Ardayda, Macallimiinta, Kormeerayaasha iyo Masuuliyiinta bahda Waxbarashada, isaga oo dul istaagay muhiimadda ay Waxbarashadu u leedahay aasaaska horumarka. Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa…

Read More

Doorashadii xiriirka kubadda cagta Puntland oo habeenimadii xalay loo balansanaa inay qabsoonto ayaa dib u dhacday, kadib markii uu buuxsami waayey kooramkii xubnaha codbixiyayaasha ah ee ka socda kooxaha kala duwan ee ka dhisan Puntland. Goobta doorashada ayaa waxaa soo xaadiray laba musharax oo ah guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen isku sidkan & 8 wakiil oo codbixiyayaal ah, iyadoo ay maqan naayeen laba musharax iyo 7 wakiil. Guddiga doorashada xiriirka kubadda cagta Puntland oo ay hareer joogto wasiiradda ciyaaraha Puntland Hodon Siciid ayaa ku dhawaaqay in doorashada markale caawa dib loogu dhigay, iyagoo ka dalbaday xubnaha codbixiyayaasha ah inay goobta soo…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii  kaga qeybgalay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, Shirka degdega ee ay iskugu yimaadeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta. Fadhigani ayaa lagu qabtay codsi ka yimid Jamhuuriyadda Ciraaq si looga hadlo xiisadihii u dambeeyay ee u dhaxeeyey Iiraan iyo Israa’iil. Kulankan ayaa dhacay xilli xiisad goboleed oo xasaasi ah ay taagan tahay, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta midnimada Carbeed iyo dejinta mowqif isku-duwan si loo xakameeyo xiisadaha cirka isku sii shareeraya, loona dhowro amniga iyo xasilloonida gobolka.

Read More

waxa si rasmi ah guud ahaan dalka uga bilowday xuska maalmaha toddobaadka xoriyadda iyadoo dabaal degyadii ugu horeeyey shalay lagu qabtay degmooyinka gobolka Banaadir,dabaal degyadan ayaa socon doona mudo toddobaad ah si joogto ah. Masuuliyiin ka mid ah xubnaha Guddiga qaban qaabada toddobaadka xoriyadda ayaa shalay uga qayb galay isu soo baxyo dabaal deg ah oo lagu qabtay degmooyinka Kaaraan iyo Xamarweyne halkaas oo dadweynuhu isugu soo baxeen iyadoo dadweynaha shucuurtoodu ahayd mid ay ku dheehan tahay farxad ay ku muujinayaan soo dhowaynta maalmaha xoriyadda. Kooxaha fanka ee kala ah Onkod iyo Heegan ayaa shalay si weyn uga dhex muuqday…

Read More

Iran ayaa manta ku dhawaaqday xannibaado dhanka internetka ah oo aad u culus, iyada oo ku eedaysay Israa’iil in ay shabakad gara si khaldan u isticmaalayso ujeeddooyin milatari iyada oo uu socdo dagaalka u dhexeeya labada dhinac. Xanibaad ku meel gaar ah ayaa lagu soo rogay isticmaalayaasha internetka,” ayay wasaaradda isgaarsiinta ku sheegtay hadal ay soo saartay wakaaladda wararka ee Fars ee xiriirka la leh dowladda, iyadoo intaas ku dartay in go’aankan uu sabab u ahaa “xadgudubka gardarada u geystay shabakadda isgaarsiinta dalka arrimo ciidan. NetBlocks, oo ah koox ilaalisa khadka tooska ah ee fadhigeedu yahay London, ayaa sheegtay in…

Read More