Warka Waxada Jir U Aqrinaya: Abdulqadir Xasan Barrow iyo Sihaam Mohamed Nuux Farsamada Warka: Abduqadir Salaad Muunye file:///C:/Users/hp/Desktop/war%20galab%2028.mp3
Author: rbnnews
Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan guud oo wadajir ah ayaa dood adag geliyay miisaaniyada Qaranka ee 2022. Ajandaha kulanka oo ahaa akhrinta labaad ee miisaaniyadda Qaranka 2022 ayay Xildhibaannadu dood iyo su’aalo geliyeen xisaab xirkii miisaaniyadda Qaranka sanadihii la soo dhaafay iyo miisaniyadda hortaala oo ay ku jiraan odoros miisaaniyadeed iyo mashaariic u baahan is waafajin iyo faahfaahin meelaha qaar. Guddiga KMG ee maaliyada Baarlamaanka ayaa soo gudbiyey warbixinta Odoroska qoondada 2022-ka, waxaana xildhibaanada Golaha Shacabka ay ka doodeen warbixinta miisaaniyad sanadeedka islamarkaana ay su’aalooyin ka weeydiiyeen wasiirka wasaaradda maaliyada Xukuumadda Xilgaarsiinta JFS mudane…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinaya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehlinayaan wufuud kala duwan ayaa kormeeray xarunta cusub ee xukuumadda iyo Ra’iisul Wasaaraha oo oo heer gabo-gabo ah dhismaheedu marayo. Xarunta Oo Dhismaheedu Socday Labadiisane Udanbeysay Ayaa Laso Afjaray Waxana Lafilaya Inay Kushaqayndoonto Xukumada Cusun Ee Dhawan Lafilayo Inuu Sodhiso Mudane Xamse Cabdi Barre. RBN NEWS SOMALIA RBN NEWS SOMALIA RBN NEWS SOMALIA RBN NEWS SOMALIA
Warka Waxa Idinlasocodsinaya: Axmed Ramas Farsamada: Abdulqadir Salaad Munye RBN NEWS SOMALIA
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aada, ayaa maanta furay kulan wada-tashi ah oo loogga hadlaayey Wada-hadalka Dawladda iyo Ganacsiyada Gaarka ah ee iskaashatooyinka iyo Qeybaha Ururada Ganacsiga kaas oo ka qabsoomay magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Dawlad Goballeedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Waxaana halkaas lagu soo bandhigay xor uruurin hore loogga sameeyey ganacsiyada yar-yar ee ka shaqeeya gudaha Baydhabo kuwaas oo diirada lagu saaray siyaabaha loo horumarin karo, caqabadaha jira iyo siddii ay u la jaan-qaadi lahaayeen iskaashatooyinka iyo ganacsiyada yar-yar ee ka jira caalamka. Barnaamijkan oo ay ka wada-shaqeynayaan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha…
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee dalka ayaa maanta soo gaba-gabeysay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalada 12-aad oo si Siman loogu qaaday xarumaha waxbarashada ee maamulada dalka, kaasi oo ahaa mid mideysan oo dhamaan Dugsiyada Sare laga qaaday. Imtixaanka oo galay sanadkii 8-aad oo xariir ayaa lagu kala galay magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka, iyada oo Wasaaraddu ku guuleystay in sanad dugsiyeedkaan 2021-2022 ay si nabad ah ugu soo gaba-gaboobeyso. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare Cabdullaahi Abukar oo soo xiray Imtixaanka ayaa yiri “ waxaa aan ku guuleysanay in sanadkaan uu Ixtiraanku si nabad ah inoogu soo…
Warka Subax rbnnews somalia Waxa Soojedinaya Asad Mohamed Yusuf Farsamada: Abdulqadir Salaad Munye RBN NEWS SOMALIA
Ergeyga Ayaa Sheegay Inay Xalada Gobalka Gedo Tahay Mid Liidata Waxa Una Shegay Indawlada Ka Go,antahay Gurmadka Abaraha. Dhaman Umada Somaliyeed Ayuu Ugubaqay Inay Kumashqulan Xalada Abaraha Somalia Dadka Ay Samaynta Kuyesheena Lagarsiiyo Gurman Deg Deg Ah. RBN NEWS SOMALIA
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Serbia Mudane Aleksandar Vučić ayaa Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona Dalka Serbia Mudane Maxamed Cabdullahi Axmed. Dalalka Soomaaliya iyo Serbia waxaa ka dhexeeya Xiriir qoto dheer oo ku saabsan Iskaashiga labada dal, waxaana Danjire Maxamed Cabdullaahi uu La wadaagay Madaxweynaha Serbia Dhambaal Salaan ah oo uu ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Xiriirka somalia iyo Serbia ayaa soo bilowday 62-sanno ka hor, waxaana Madaxweynaha Serbia Mudane Aleksandar Vučić uu sheegay in labada dal ay leeyihiin Taariikh iyo xiriir dheer. Dhinaca Kale Arintan Ayaa imanaysa Xili Dawladii Hore…
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay u-diyaar garowga Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya ee 26 june iyo 1 da Luulyo, kaasoo ay kasoo qeyb galeen dhamaan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Laamaha Amaanka ee Qeybta Guud Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar. Shirkaan ayaa waxa uu ahaa mid uu Duqa Magaalada Muqdisho ku farayay Madaxda Maamulada iyo Saraakiisha laamaha Amniga sidii ay ugu diyaar garoowi lahaayeen Xuska Maalmaha Qaran ee 26 June iyo 1 da Luulyo,…