Author: rbnnews

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay hoggaannada ururka dhallinyaradda Gobolka Banaadir oo uu horkacayay Guddoomiyaha ururka dhallinyarada mudane Cumar Cabdiraxmaan Macow. Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda G/Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa waxaa warbixin sanadeed lagaga dhageystay hoggaannada ururka dhallinyarada degmooyinka Gobolka Banaadir, iyagoona soo bandhigay waxqabadka sanadka sii dhamaanaya ee 2024, caqabadaha iyo qorshayaasha u degsan sanadka soo socda ee 2025. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay hoggaanka dhallinyarada Gobolka Banaadir in ay…

Read More

Kumanaan ka mid ah fallaagada Suuriya ayaa Sabtidii la wareegay inta badan magaalada Xalab, iyaga oo fariisimo ka sameystay meelo ay ka mid yihiin saldhigyada waaweyn iyo garoonka diyaaradaha. Sida ay sheegeen kormeerayaasha iyo fallaagada, ma jirin wax iska caabin ah oo ay kala kulmeen ciidamada dowladda Bashar Al Asad ee Suuriya oo Xalab maamulayay tan iyo sannadki 2016-ki, markaas oo ay dib ugala wareegeen Daacish. Kormeerayaasha kor kala socda colaadda iyo xaaladda xuquuqul insaanka ee Suuriya ayaa sheegay, in malleeshiyada kooxda Xayaat Taxriir Al-Shaam, ay hadda gacanta ku hayaan garoonka Xalab, taas oo ka digan in ay gacanta ku…

Read More

Ciidamada Isra’il ayaa Sabtidi shalay duqeyn cirka ah ku dilay laba nin oo ka mid ahaa shaqaalaha gargaarka ee ka shaqeeya Gaza, gaar ahaan Hey’adda hey’adda cuntooyinka kasoo ururisa dunida ee World Central Kitchen. Bayaan kasoo baxay millatariga Isra’il ayaa lagu sheegay in, in mid ka mid ah labada qof ee la dilay uu ka qeybgalay weerarki ay Xamaas ku qaadday Isra’il 7-badi bishi October ee sannadki 2023-ki. Isra’il ma aysan sheegin wax caddeyn ah oo muujinaya in uu qeyb ka ahaa weerarki todobadi October. Qoyska Axad Cazmi Qadeex ayaa beeniyay eedaha Isra’il kuna tilmaamay been abuur ay ku xalaaleysteen…

Read More

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, iyo Danjire Yoonis Xaashi, Agaasimaha waaxda Yurub iyo Ameerika, iyo Masuuliyiin kale ayaa la kulmay Mudane Thani Maxamed Soilihi, Wasiiru-dawlaha Faransiiska ee Francophonie iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Kulanka ayaa lagu faaqiday iskaashiga xooggan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Faransiiska, waxaana diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada muhiimka ah sida amniga, socdaalka, iyo horumarinta dhaqaalaha. Wada-hadallada ayaa lagu muujiyay doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ee saaxada caalamka, oo ay ku jirto doorashadii dhawaan loo doortay xubinnimada Golaha Ammaanka ee…

Read More

Wararka ka imanaya magalada nairobi ee dalka kenya ayaa kuwaramay in natiijo la.aan kusidhamaday shirkii udhaxeeyay wafdi kasocda dawlada somalia uuna horkacayay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Bare iyo dawlada kenya logana arinsanayay qilafka udhaxeeya dowlada somalia iyo maamulka jubland shirka ayaa lashegaya inu kusogaba gabobay in markale la isku yimado nairobi si loga naqasho qilafka waxana labada dhinac kamu qatay qanaco la,aan laxariirta natiijada shirka maamulka jubaland shirka waxa kumatalay ergay gara kanasocda xafiiska madaxweyne axmed madobe wali waxanan lashacin waqtiga kale ee uu qabsomayo shirka balse warar aan helnay ayaa shegaya in suragaltay inuu shirka danbe yimaado madaxweynaha jubland…

Read More

Madaxwweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb galay shirweynaha 24 ee caadiga ah oo ay yeelanayaa dalalka ku bahoobay Urur gobolleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika,shirkan ayaa ka socda magaalada Caruusha ee dalka Tanzania Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa shalay ka qayb galay xuska 25-sano guurada ka soo wareegatay aas-aaska ururka Dhaqaalaha bulshada bariga Africa. Hal ku dhiga shirka sannadkan ayaa ah dhiiri-gelinta ganacsiga, hurumarka waara, nabbada iyo amniga si loo helo nolol fiican. Dhamaadka Shirka Madaxda ayaa saxiixaya qoddobo muhiima oo ay mid tahay wax ka bedelka hoggaanka meertada ururka oo lagu…

Read More

Xafiiska ku meel gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo saaray War saxaafadeed ku aadan Xadgudubka Jinsiga ee Somaaliya, waxaana lagu yiri War-saxaafadeedka “Iyadoo la xusayo billowga 16-ka maalmood ee ololaha dhaq-dhaqaaqa sanadlaha ah ee caalamiga ah ee ka dhanka ah xad-gudubyada ku saleysan jinsiga, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa hoosta ka xarriiqday muhiimadda ay leedahay in maamullada Soomaaliyeed ay kordhiyaan maalgelinta dagaalka ka dhanka ah xadgudubyada jinsiga ku saleysan. “Wax ka qabashada xadgudubyada jinsiga ku saleysan waxay u baahan tahay maaliyad iyo agab dhaqaale iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo ilaalinta haweenka, carruurta, dadka naafada ah,…

Read More

Wafdiga uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud HSJ Mudane Axmed Siciid Maxamed oo safar shaqo ku jooga dalka Jarmalka isla markaana ay wehlinayaan Safiirka iyo Safiir kuxigeenka JFS ee dalkaas ayaa kulan gaar ah kula qaatay xafiiskiisa Madaxwaynaha ugu sarreeya booliiska federaalka ee wadanka Jarmalka halkaas oo ay kaga wadahadleen arrimo muhiim ah oo la xiriira wadashaqaynta labada dal ee dhinacyadda socdaalka gaar ahaan iskaaashiga ku dhisan khibrad wadaagga iyo dhismaha aqoonta saraakiisha ka shaqaysa Socdaalka. Dowladda Jarmalka oo xiriir qoto dheer ah la leh dalkeenna ayaa horumar ka gaartay adeegsiga teknoolijiyadda casriga ah taas oo qayb wayn ka qaadatay horumarinta socdaalka…

Read More

Ku dhawaad ​​100 falastiiniyiin ah ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay weerarrada Israa’iil ay ka fulisay Gaza 24-kii saac ee la soo dhaafay. Dadka dhinatay waxaa ku jira 75 ruux oo lagu dilay weerarro xagga cirka ah oo lagu qaaday laba guri oo ku yaalla magaalada Beit Lahiya ee dhacda waqooyiga. Xasuuqa Israel ayaa sii socda xilli gaajada iyo silica heysta Falastiiniyiintya Gaza ay gaartay heer masiibo ah sida uu ku waramay  xafiiska warbaahinta dawladda ee fadhigiisu yahay  dhulka go’doosan. Xabad joojinta Lubnaan ayaa gashay maalintii afaraad, waxaana madaxa Xisbullah Naciim Qasem uu tallaabadaan ku tilmaamay guul rabbaani ah…

Read More

Wasiirka Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil – Fartaag oo ku guda jira booqashadisii Belgrade Serbia ayaa shalay booqday Machadka Daraasaadka Cilmi baarita Amniga Dunida, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Tiknoolajidda ee Vlatacom. Madaxda Machadka Vlatacom Dr. Vladimir Cizelj ayaa Wasiirka ka siiyay warbixin guud shaqada ay u xilsaaranyihiin iyo xiriirka Machadka uu la leeyahay in ka badan 96 dal oo uu Machadku la shaqeeyo. Machadka Vlatacom ee Serbia oo qabta hawlo aad u fara-badan ayaa Dowladda Soomaaliya u soo bandhiga fursado ay Soomaaliya u baahan tahay oo wax weyn ka tari doono Dowlad dhiska dalkeenna, waxaana…

Read More