Author: rbnnews

Siyasiga somaliyeed ee usharaxan xilka madaxtinimada kana tirsan barlamanka somalia Abduqadir Osoble Ali oo kulan layeeshay safiirka turiga ee somalia asaga oo kala hadlay arimaha dalka sida uu ku baahiyay bartiisa fecbook waxa uuna yiri. Maanta waxa aan kulan la qaatay safiirka dowlada Turkiga ee Somalia mudane Alper Aktas. Waxa aan si qoto dheer uga wada hadalnay xiriirka soo jireenka ah ee Somalia iyo Turkiga iyo xaaladda guud ee Soomaaliya. Waxa aan safiirka u caddeeyay mowqifka Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed iyo ka go’naanshaheeda ku aaddan fariimihi ay Madashu soo saartay tan iyo marki la aasaasay. Sidoo kale, waxa aan la wadaagay…

Read More

Ruushka ayaa wali diyaar u ah inuu dhex dhexaadiye ka noqdo khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran, soo jeedintii hore ee Moscow ee ahayd in lagu kaydiyo Yuraaniyaamka Iran ee Ruushka ayaa weli miiska saaran, Kremlin ayaa sidaas sheegtay Isniintii manta. Soo jeedintii  hore  ee Ruushka ee lagu xallinayo khilaafka ayaa weli miiska saaran, laakiin dillaaca colaadaha ayaa xaaladda sii adkeeyay, afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sidaas yidhi. Afhayeenka ayaa hadalkisa lagadheehan karay in ruusha uu shurada dhex dhexadinta u cuskaday in la aqbalo uranium ka iran. midas ayana mujineysa in israiil dib ugurasho sameyso madama ay kamid tahay qodobada…

Read More

Iran ayaa ku boorisay Britain, Faransiiska, iyo Jarmalka, inay ku cadaadiyaan Israa’iil, inay joojiso weerarrada dilaaga ah ee ay ku hayso Iran, iyadoo dagaalku uu maalintii afraad u dhexeeyo labada dal.   “Jarmalka, Faransiiska, iyo England ,waa inay si cad u cambaareeyaan dembiyada nidaamka Sahyuuniyadda, gaar ahaan ka dhanka ah xarunta Nukliyeerka ee Natanz,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Esmaeil Baqaei, isagoo intaa ku daray in quwadaha Yurub ay diiradda saaraan “joojinta gardarrada” iyo in ay Israa’iil, la xisaabtamaan. Inkasta oo afhayeenku sojedinta samaeyay hada dawlada ay iran baqa udirtay aya u muqda kowa tageersan nidamka iyo gardarada Israa’iil.

Read More

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarunta Degmada Yaaqshiid kaga qeyb galay kulan Wacyigelin oo ku saabsan Isdiiwaangelinta Dadweynaha ee Doorashooyinka tooska ah.   Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimada ay leedahay isdiiwaangelinta dadweynaha ee doorashooyinka tooska ah, taasi oo qeyb ka ah qorshaha dimuqraadiyeynta dalka oo talada dib loogu celinaayo bulshada, si ay usoo doortaan hogaankooda, isla markaana ay xuquuqdooda aasaasiga ah u helaan.   Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in gacanta shacabka ay ku jirto Muqdisho oo hesha maqaamkeeda, isla markaana la mid noqota Maamul Goboleedyada dalka, taasi oo lagu gaari…

Read More

Sarakiisha cidamada puntland ayaa shaciyay xogta salka katirsan koxda dacish oo lagu qabtay howlgalka calmiskaad. Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad oo shaaciyay xogtan kooban ayaa si rasmi ah u soo bandhigay magaca iyo dalka uu ka soo jeedo argagixiyahan ka tirsanaa Daacish oo lagu qabtay hawlgal ciidanka difaaca Puntland ka sameeyay togga Baallade (Calmiskaad). Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad ayaa xaqiijiyay in argagixiyahaasi uu ka soo jeedo dalka Turkiga, waxaana ay magaciisa ku sheegeen Xasan Atar, sida ku xusan bayaan uu soo saaray Xafiiska, balse ma bixin faahfaahin intaasi ka baxsan oo ku saabsan argagixiyahaasi. “Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka…

Read More

Israa’iil iyo Iran ayaa bilaabay weeraro hor leh oo midba midka kale ku qaaday, waxaana ku dhintay dad badan oo rayid ah, waxaana sare u kacay cabsida laga qabo isku dhac ballaaran, waxaana madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in si fudud lagu soo afjari karo isagoo uga digay Tehran inaysan weerarin bartilmaameedyada Mareykanka. Magaalada Washington, laba sarkaal oo Mareykan ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Trump uu diiday qorshe Israel maalmihii la soo dhaafay ku doonaysay in ay ku disho hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ali Khamenei. Iraaniyiintu wali miyay dileen qof Maraykan ah? Maya. Ilaa…

Read More

Ugu yaraan sideed falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay tobanaan kalena waa lagu dhaawacay shalay oo toogasho ka dhacday meel u dhow goobaha cuntada lagu qaybiyo ee Israa’iil iyo Maraykanku ku taageero marinka Qaza, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka. Goob joogayaal ayaa eedeyn u jeediyay militariga Israa’iil, kuwaas oo aan weli ka hadlin. Goob jogayasha ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay rasaas ku fureen subaxnimadii hore ee saakay dad badan oo Falastiiniyiin ah oo quus ah oo u socday laba goobood oo gargaar ah oo ku yaalla koonfurta magaalada Rafah. Khubarada iyo shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in xannibaadda bilaha ah ee…

Read More

Iran iyo Israa’iil waxay heli doonaan nabad mar aan dheereen  ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka. Donald Trump ayaa ku sheegay bartiisa bulshada Axada manta ah isagoo intaa ku daray in ay jiraan shirar badan oo aan la cayimin oo dhacaya iyo in labada dal ay heshiis gaaraan. Israa’iil iyo Iran ayaa weerarro cusub isku qaaday habeennimadii Axadda  halkaas oo ay ku dileen dad badan. Iran iyo Israa’iil waa inay heshiis gaaraan  waxayna samayn doonaan heshiis Trump ayaa ku yiri Truth Social, isagoo raaciyay waxaan heli doonnaa NABAD, dhawaan.

Read More

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Talyaaniga ee Soomaaliya, Amb. Pier Mario Daccò Coppi. Kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray xoojinta hay’adaha shaqada ee dalka iyo horumarinta fursadaha shaqo ee Soomaaliya. Wasiirka iyo Safiir Pier Mario ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii Talyaanigu u kordhin lahaa taageeradiisa, gaar ahaan dhinacyada farsamada gacanta (TVET), shaqo-abuurka iyo horumarinta xirfadaha shaqaalaha. Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay sidii dib loogu soo noolayn lahaa xiriirka istaraatiijiyadeed ee labada dal ee ku…

Read More

Guddiga Joogtadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa caadiga ah ku yeeshay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow. Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka furay ayaa xubnaha guddiga warbixin ka siiyay dib u bilaabida howlaha Golaha ka dib markii laga soo laabtay fasax kooban oo ahaa maalmihii Ciida iyo gudashada waajibaadka Xajka, waxa uuna xubnaha…

Read More