Author: rbnnews

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Buundada cusub ee Garoowe oo ah mid casri ah, Buundada oo ah tii labaad ee ay yeelato caasimadu waxay door weyn ka qaadan doontaa isku socodka bulshada iyo koboca dhaqaalaha caasimadda iyo gobollada kala duwan ee Dalka. Madaxweynaha ayaa boggaadiyay dhismaha Buundadan oo ah mid ka mid ah mashaariicda ugu weyn ee dalka laga hirgeliyay tan iyo burburkii, wuxuuna ku boggaadiyey maamulka degmada, Bangiga Adduunka iyo cidkasta oo kala shaqeysay sida weyn ee ay masuuliyad isaga saareen dhismaha Buundada iyo weliba dhismaha Wadooyinka kale ee…

Read More

Dawladda Austria ayaa qorshaynaysa in ay xoojiso shuruucda qaranka ee hubka ka dib markii ay dhacday  toogashadii ugu xumayd ee dugsiga Chancellor Christian Stocker ayaa ku sheegay waraysi uu bixiyay  Sabtida manta. Isagoo la hadlayay raadiyaha ORF, Stocker ayaa sheegay in saraakiishu ay rabeen inay dejiyaan sharciyo adag oo u qalmida haysashada iyo gadashada hubka ka dib markii nin 21 jir ah oo Austrian ah Talaadadii uu toogtey toban qof kusugna dugsi sare oo ku yaal magaalada Graz ka hor inta uusan is dilin ninka waxayna tasi keentay in dib lugu labta sharciga hub heysashada. Talaa booyinka la qor sheeyay…

Read More

Wasiirka Difaaca Israel Israel Katz ayaa uga digay hogaamiyaha ugu sareeya Iran Ali Khamenei in Tehran ay gubab doonto hadii ay sii wado gantaalada ay ku ridayso rayidka Israel. Kaligii-taliyaha Iran ayaa afduub ku heysta muwaadiniinta Iran  isagoo keenaya xaqiiqo ay hayan dadka reer Tehraan, waxan  ku bixin doonaan qiimo culus waxyeelada muuqata ee loo geystay muwaadiniinta Israel. Haddii Khamenei uu sii wado in uu gantaallada ku rido afaafka hore ee guriga Israa’iil  Tehran way guban doontaa  ayuu Katz ku yidhi hadal uu soo saaray.

Read More

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa ka qeyb gashay Shirweynaha 30-aad ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC). oo lagu qabtay magaalada Jubba ee caasimadda dalka Koonfurta Suudaan. Shirkan oo socday intii u dhaxeysay 9-13 Juunyo 2025 ayaa waxaa isugu yimid wakiillo ka kala socda shanta qeybood ee xubnaha ka ah EACO, oo ay ka mid yihiin hay’adaha nidaamiya isgaarsiinta, hay’adaha boostada, shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa bixiya adeegyada internet-ka ee Bariga Afrika. Shirweynaha sanadkan ayaa muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama ay dhawaan ku biirtay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC). Ka qeyb galka HIQ wuxuu muujinayaa sida ay…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka, kaas oo sanadkan ay u fariisanayaan in ka badan 39,000, arday oo ku kala sugan gobollada dalka. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siineyso tayeynta waxbarashada dalka, isaga oo xusay in imtixaanka shahaadiga ah uu yahay mid muhiim u ah ardayda Soomaaliyeed iyo horumarka mustaqbalka dalka. “Marka laga yimaado amniga, dowladdu waxa ay xoogga saartay sidii ay ubadka Soomaaliyeed u heli lahaayeen waxbarasho tayo leh, horumarsan oo la jaan-qaadaysa nidaamyada waxbarasho ee caalamka”. Ayuu yiri…

Read More

La-taliyaha Amniga Qaranka ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Xuseen Macallin, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Masar, Dr. Badr Abdelatty. Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga xiriira ka dhexeeya labada dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo dadaallada ay labada dal si wadajir ah uga wadaan xasilinta gobolka. Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr. Badr Abdelatty, ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada buuxda ee dalkiisa u hayo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, horumarka, iyo amniga. Waxa uu sidoo kale hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay dowladda Masar in ay sii waddo taageerada ay siiso…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Abdi Ali ayaa kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda, Wasiir Olivier Nduhungirehe, intii lagu guda jiray Kulanka Wasiirada ee FOCAC oo ka dhacay Dalka Shiinaha,gaar ahaan Magaalada Changsha ee gobolka Hunan. Labada wasiir ayaa si qoto dheer uga wada hadlay arrimo muhiim ah ee la xiriira xoojinta xiriirka labada dal, kor u qaadista iskaashiga dhaqaale, horumarinta ganacsiga, iyo adkeynta wada-shaqeynta gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika. Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa mashaariicda horumarineed iyo dardargelinta iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada, iyo kaabayaasha…

Read More

Bayaan midaysan oo ka soo baxay xubnahan ayay kaga warbixiyeen xaaladda gobolka Mudug ee dhinaca ammaanka iyo horumarinta, waxaana ay xukuumadda Puntland u jeediyeen baaq ku aaddan in ay sida ugu dhakhsaha badan wax uga qabato xaaladda amni-xumo iyo horumad la’aan ee ka jirta gobolkaas, gaar ahaanna colaadaha qabiilka iyo sidoo kale mashaariicda xanniban Xukuumadda madaxweyne Deni ayay ka dalbadeen degdeg ah oo shuruud la’aan ah u fasaxdo dhammaam mashaariicda gobolka ka xanniban oo uu ugu horreeyo jidka Xarfo-Galkacyo, waxaana baaqooda u qornaa “Waxaan xukuumadda ka dalbanaynaa in ay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u fasaxdo mashaariicda gobolka…

Read More

Maamulka puntland ayaa sheegay inaysan qeyb kanoqon donin gogasha muqdisho ilaa villa somalia ka aqbasho dorashadii jubaland ee axmed madobe lagu doortay. Wasiirka Caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa shaaciyay in aysan Puntland qeyb ka noqon doonin gogosha Xasan Shiikh ilaa Villa Somalia aqbasho doorashadii Jubaland ee mar kale lagu doortay madaxweyne Axmed Madoobe. Wasiir Maxamed Cabdiwahaab ayaa sidoo kale ugu baaqay Villa Somalia in ay ku soo laabato dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee la ansixiyay Aug 2012, islamarkaana joojiso duullaanka ka dhanka ah Puntland iyo Jubaland, si loo aqbalo gogoshii madaxweyne Xasan Shiikh,…

Read More

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday iskuul ku yaalla koonfurta Austria. Booliska ayaa sheegay in ninka hubeysan uu ahaa 21 sano jir wax ka baranayay iskuulka, isgoo is dilay kadib markii uu dadka toogtay. Dad badan ayaa lagu dilay weerar hubeysan oo ka dhacay dugsi sare oo ku yaalla magaalada Graz ee koonfurta dalka Austria. Booliiska ayaa sheegay in 10 qof la dilay – oo uu ku jiro ninkii toogashada geystay – halka dhowr qof oo kalena ay si xun u dhaawacmeen. Wakaalada wararka ee Austraia ee APA ayaa goor dambe sheegtay in dhibane kale uu…

Read More