Author: rbnnews

Wafdi ka socda Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Waaxda Deegaanka Badd iyo Ilaalinta, Mudane Keenadid Mumin Ali, iyo Xirriiriyaha Mashruuca Badmaal, Abdullahi Addow, ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha Saddexaad ee Qaramada Midoobay ee Badaha (UNOC 3), kaas oo si habsami leh uga socda magaalada Nice, ee dalka Faransiiska. Shirkaan waxaa si wadajir ah u qabanaya dowladaha Faransiiska iyo Costa Rica, wuxuuna soconayaa inta u dhaxaysa Juun 9–13, 2025. Mawduuca shirka sanadkan ayaa ah dardar gelinta tallaabooyinka lagu horumarinayo badaha iyo sidii xal waxtar leh looga heli lahaa arrimaha la xiriira badaha…

Read More

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa deeq daawooyin ah ku wareejiyay Ciidamada Difaaca Deegaanka ee ka bar-bar dagaalama Ciidamada Xooga dalka kuwooda ku sugan Gobolka Hiiraan. Duqa Muqdisho ayaa, sheegay in ay ka go’an tahay taageerida iyo garab istaaga Ciidamada Qaranka iyo kuwa difaaca Deegaanada ee dagaalka kula jira kooxaha khawaarijta, waxa uuna xusay in uu gacan ka geysan doonno taageeri weliba oo ay u baahan yihiin. Munaasabadda uu Duqa Muqdisho ku wareejinaayay Deeqdaan waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ururka…

Read More

Dabley hubaysan ayaa fiidkii hore ee xalay laba ruux ku diley afaafta hore ee goob dalxiis oo ku taalla duleedka Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Kooxdaan hubaysan ayaa weerar dhabbo gal ah ku diley AUN Marxuum Siciid Guure Cali oo watay baabuur Dhaweeye ah murxuumad ayana gariga kuwaday laha unaxariistee marxumad Canab Burhaan Maxamed Cabdi oo uu ka soo qaaday beer dalxiis oo ku taalla duleedka Galkacyo. Laamaha ammaanka gobolka Mudug  ayaa xaqiijiyey inay goobta ka baxsadeen raggii dilka geystey isla markaana ay wadaan baaritaano lagu raadinayo. magalada galkacyo ayaa mudoyinka la ciir cireysay dagalo qaba il xili in…

Read More

Baxdo June, 07, 2025, Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xarigga ka jaray dhismaha Hotelka casriga ah ee Laas, kaasi oo ganacsade reer Galmudug ah ka hirgaliyay degmada Baxdo ee Gobolka Galguduud oo ah magaalo dadkeedu ay taariikh wanaagsan ku leeyihiin halganka dib u xoreynta dalka. Madaxweynaha ayaa Ganacsatada ku bogaadiyay maalgashiga deegaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in Dowladda Galmudug ay fursad gaar ah siinayso ganacsatada ku howlan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga deegaanka, isaga oo ugu baaqay ganactsada kale ee ree Galmudug in ay qaataan kaalintooda ku aaddan casriyeynta deegaanka.

Read More

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah madaxdii hore iyo siyaasiyiin mucaarad ah ayaa ka soo horjeestay hanaanka Dowladda Federaalka u wajahday xulista xubnaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka. Mucaaradak ayaa DFS ku eedeeyey inay baal martay habraacyada dastuuriga ah iyo kuwa sharciga, gaar ahaan qodobada 41aad iyo 111B ee Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah iyo Sharciga Lr. 16 ee 2016. War-saxaafadeed ay soo saareen Madasha ayaa lagu sheegay in xulista xubnaha Guddiga ay ahayd in lagu saleeyo hannaan hufan, daahfuran, kana madax bannaan faragelin siyaasadeed, balse hadda ay muuqato in Guddiga loo adeegsanayo dano gaar ah.…

Read More

Siyasi Guuleed Saalax Barre ayaa xukumada maamulka puntland ku eedeyay inay tacadiyo kula kacday dhalinyarada gobalka mudug oo cabsho ka qaba tacadiyo iyo dayacaad Tacaddiga iyo xarigga laamaha Amniga Puntland ay kula kaceen dhallinyarada ka abaabulayey isusoo-baxa nabadeed magaalada Gaalkacayo waa fal ka soo horjeeda qodobbada 14 iyo 24-aad ee Dastuurka Puntland” ayuu yiri siyaasi Guuleed Saalax oo warsaxaafadeed ka soo saaray xarigga dhalinyaradaasi. Guleed Saalax oo baaq deg deg ah u jeediyay Madaxweyne Deni ayaa ka dalbaday in uu sida ugu dhakhsaha badan u sii daayo dhalinyaradaasi oo uu ku tilmaamay kuwa u af-duuban xukuumadds Siciid Deni, waxaana uu…

Read More

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa wada hawlgallo ballaaran oo ay ku baadi goobayaan malayshiyaadka Daacish ee ku dhuumaalaysanaya godad ku yaalla togga Baalade iyo Koonfurta Miiraale. Hawlgalladii ugu dambeeyey oo dhacay gelinkii dambe ee shalay ayaa ciidnku ku qabsadeen saddex saldhig oo ay Daacish ku lahaayeen Baalade iyagoo halkaasi ku diley ku dhowaad 19 xubnood oo katirsan Daacish, sida ay HM u xaqiijiyeen saraakiil dowladda katirsan. Hawlgalkaan ayaa waxaa ku shahiidey 2 askari oo ciidanka dowladda katirsan, waxaana wararku sheegayaan in saaka ciidanku kusii siqayaan inta badan togga Baalade. Dhanka kalena, Ururka 9-aad ee Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fadhigiisu yahay…

Read More

Danjiraha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee dalka shiinaha Dr Hodan Cismaan Cabdi ayaa kulan booqasho iyo is-xog wareysi la yeeletay Ganacstada iyo Jaaliyada Soomaliyeed ee ku nool magaalada Yiwu ee dalka Shiinaha. Danjire Hodan ayaa Jaaliyadda Magaalada Yiwu ka dhagaystay Xaalada iyo daruufaha haysto gaar ahaan Ardayda,Ganacsatada Waxay la wadaageen Caqabadaha Ka haysta Sharciyada dal ku galka Shiinaha iyo ku dal ku jooga. Waxa ayna u ballana qaaday in ay Tabashadooda ay kulamo kala yeelan doonto Hay,adaha ay quseyso waxay jaaliyadda ugu baaqday wadajir iyo isku duubni Safarkani danjiraha dowladda Soomaaliya ee Shiinaha Hodan Cismaan ayaa qeyb ka ah boqashooyin ay…

Read More

Safarka Madaxweyne Erdoğan ee Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa imaanaya maalmo kaddib markii labada dowladood gaareen heshiis uu dhex-dhexaadinayay Turkiga, kaasi oo lagu dhammeeyay Khilaafkii labada dhinac. Waxaan booqan doonaa Ethiopia iyo Soomaaliya labada bilood ee u horreeya sannadka soo socda waxaana Caalamka la wadaagi doonaa tallaabada aan aadnay” ayuu yiri Madaxweyne Recep Erdoğan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa ku heshiiyay in Itoobiya marin badeed ka hesho badda Soomaaliya, kaasi oo ay u isticmaali doonto deked ay adeegsato, kadib markii loo maro heshiis ku dhisan hannaan ganacsi oo laba geesood ah. Labada dowladood ayaa sidoo kale ku…

Read More