Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshisiinta XFS ayaa baaq nabadeed u direysa beelaha walaalaha ah ee colaadda ku dhexmareyso magaallada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag. Qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ayaa dhinacyada dagaalamay loogu baaqay in si shuruud.la’aan ah ay ku joojiyaan colaada sababtay khasaaraha isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac,wax walbana lagu dhameeyo wada hadal. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa dagaallo u dhaxeeyo laba beelood oo walaala ah waxa uu ka socday magaallada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag,kaa oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Author: rbnnews
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Guddiga Dib u Eegsita Iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal iyo Guddiga Madaxa-banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka. Xubnaha labada guddi ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin ka siiyay arrimaha dib u eegista Dastuurka gaar ahaan cutubta 5-aad ilaa cutubta 9-aad oo uu guddiga gacanta ku haayo iyo sida loo wajahayo marka uu furmo kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka iyo sidoo kale guud ahaan hanaanka dib u eegista dastuurka iyo qodobada ka harsan. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa kulan muhiim ah haatan uga socdaa xarunta Madaxtooyada Turkiga ee magaalada Ankara. Kulankan ayaa ah hordhac loogu sii gogol-xaarayo wada-hadallo uu madaxweynaha Turkiga garwadeen ka yahay ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka kooban Wasiirro, Taliyaha Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka, iyo La-taliyayaal ayaa muujinaya sida dowladda Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta midnimada, gobonnimada, iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan ayaa magaalada Riyaad ee Caasimadda dalka Boqortooyada Sucuudiga kula saxiixday dhiggiisa Wasiirka Kheyraadka Aadanaha iyo horumarinta Bulshada mudane Eng. Axmed Bin Suleymaan Al-rajhi heshiis shaqo qoris ah, taas oo ay si wadajir ah isaga kaashanayaan hirgelinta heshiiskan. Heshiiskan ayaa diiradda saari doonaa dhowr arrimood oo muhiim ah: 1) Is-afgaradkani wuxuu dejinayaa hannaan habaysan oo loogu talagalay shaqaalaha u shaqo tagaya Saudi Arabia, iyadoo la hubinayo in hab-ka socdaalka shaqaaluhu uu yahay mid nidaamsan, sugan, badbaado leh, oo waafaqsan shuruucda iyo xeerarka shaqada, waxa kale oo uu…
Wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallin oo shalay socdaal shaqo ku tegay Turkiga ayaa maanta booqasho ujeedkeedu yahay xoojinta xiriirka iyo sahminta fursadaha iskaashi ee wadajirka ah, waxey ku tageen Akadeemiyada Cadaaladda ee Turkiga. Wafdiga ayaa loo soo bandhigay warbixin qoto dheer oo ku saabsan qaab-dhismeedka, shaqooyinka iyo barnaamijyada tacliinta ee akaadeemiyada. Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay arrimaha muhiimka ah sida hababka tababarka xirfadlayaasha garsoorka, mashaariicda cilmi-baarista, iyo istaraatiijiyadaha kobcinta awoodaha. Mas’uuliyiinta ayaa kulan ay machadka ku yeesheen xoogga ku saaray in la aqoonsado fursadaha iskaashiga, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada sharciga, tababarka garsoorka, iyo…
Ra’iisul wasaaraha cusub ee Suuriya Maxamed Al Bashiir ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqay, in uu billaabay dhaqaajinta howlaha qaran ee dalka, kaddib marki uu taageero buuxda ka helay dhammaan kooxaha fallaagada ee xakunka ka tuuray madaxweynihi hore Bashar Al-Asad. Khudbad kooban oo laga baahiyay telefishanka, ayuu Al Bashiir ku sheegay in uu dowladda ku meel gaarka ah hoggaamin doono ilaa 1-da bisha March ee sannadka foodda nagu soo haya. Ninkan ayaanan si wanaagsan looga aqoon guud ahaan Suuriya, balse ku soo caan baxay gobolka Idlib ee waqooyi-galbeed Suuriya, halkaas oo uu hogaamiyay maamul hoosaadka ay dhiseen kooxaha mucaaridka ee taageerada…
Ra’iisul wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa Talaadadi shalay marki ugu horreysay hor yimi maxkamad, si uu u wajaho eedo musuq maasuq oo in muddo ahba loo heystay. Netanyahu, oo 75 jir ah ayaa noqday ra’iisul wasaarihi ugu horreysay oo Isra’ili ah oo maxkamad lasoo taago isaga oo xafiiska jooga. Wuxuu sheegay, in dacwadaha lagu soo oogay ay yihiin kuwo isaga si gaar ah loogu maagayo, gaar ahaan siyaasadihiisa dhinaca amniga. Maxkamadeyntiisa ayaa kusoo aadday, xilli Isra’il wali dagaal ka wado Marinka Gaza, kaas oo uu amray Natanyahu kaddib duullaankii ay Xamaas ku qaadday koofurta Isra’il, todobadki bishi October ee sannadki…
Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/G Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyey saldhigga Xamar Jajab. Qeybtan cusub ayaa ah xabsi casri ah oo u gaar ah haweenka, taas oo loogu talagalay in lagu hubiyo ilaalinta xuquuqda haweenka ee ku jira gacanta booliska. Munaasabadda Xarig jarka waxaa ku wehliyey Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Soomaaliyeed G/sare Mahdi Cumar Muumin Guddoomiyaha Degmada Xajajab iyo Masuuliyiin ka kala socdey Dhamaan Qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Banaadir “Xabsigan cusub wuxuu muujinayaa sida Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ugu heellan yahay inay xaqiijiyaan adeeg…
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa maanta oo Talaado ah hortagay maxkamad ku taalla magaalada Tel Aviv, si uu markii ugu horreysay uga marqaati furo kiiskiisa musuq-maasuqa. Netanyahu, oo marar badan isku dayay inuu dib u dhigo ka soo muuqashadiisa maxkamadda, ayaa ah ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee Israa’iil ee isaga oo xilka haya wajaha dacwad dambi ah. Wuxuu wajahayaa saddex kiis oo kala duwan oo la xiriira laaluush, wax isdaba marin iyo ku xad gudub kalsoonida shacabka. Dhageysigii Talaadada, ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa ka jawaabay eedeymaha iyo marqaatiyada ay fureen dad ay ku jiraan kaaliyayaashiisii hore ee aadka ugu…
Wasiiru dowlaha Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS, ahna ku-simaha wasiirka Amb Ilyaas Sheekh Cumar ayaa xarunta Ergada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya kulan wadajir ah kula qaatay ergayga jaamacadda Carabta ee Soomaaliya (LAS), Danjire Abdullah bin Mutlaq iyo ergayga ururka Iskaashiga Islaamka ee Soomaaliya (OIC), Danjire Mohamed Bamba Mohamed. Mas’uuliyiinta ayaa kulankooda uga wadahadlay Xoojinta iskaashiga u dhexeeya OIC iyo LAS ee arrimaha Cadaaladda, Dastuurka iyo Garooska iyo in laga wadashaqeeyo barnaamijyo lagu horumarinayo, sidii ay kaalin wax ku ool ah uga qaadan lahaayeen dhaqangelinta istiraatiijiyadda Bahda cadaaladda ee 2025-2029, Baahinta federaaleynta, daadejinta awoodaha heerarka dowladda iyo gaarsiinta garsoorka goobaha laga…