Senator Abdi Hashi Abdullahi Guddoomiyaha Aqalka sare Ee Golaha BJFS ayaa kulan kula qaatay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalkaasi Mudane Mustafa Sentop,
Waxay kawada hadleyn adkaynta xiriirka labada Baarlamaan iyo in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Turkigu ay si dhow u wada shaqeeyaan.
Guddoomiye Cabdi Xaashi marka uu dalka dib ugu soo laabto isaga oo kaashanaya Guddoomiyha Golaha Shacabka BFS,
Waxay diyaarin doonaan dhismaha xubnaha guddiga Saaxiibtinimada labada Aqal ee Baarlamaannada Soomaaliya iyo Baarlamaanka Turkiga.


