Saciid Cabdullahi Deni madaxweynaha dowladda Puntland ayaa maanta kulamo kula qaatay xafiiskiisaย Wafdi ka socda Midowga Europe oo ay hoggaaminayso Safiirka Midowga Europe ee Soomaaliya Tiina Intelmann iyo Wafdi ka socda Hayโadda Care International oo ay hoggaaminayso Ku-xigeenka Madaxa Care International ee Soomaaliya Ummykaltun Abdimajid.
Sidoo kale wafdiga waxaa qeyb ka ahaa Saraakiil ka socotay, Hayโadda Save the Children






Qasriga Madaxtooyada kulan saacado badan qaatay oo Madaxweynaha iyo Masโuuliyiintaas ku dhexmaray ayey kaga wada hadleen Mashruuca Waxbarashada
Waxayna Dowladda Puntland u ballan qaadeen iney kala shaqeynayaan Mashruuca Waxbarashada, gaar ahaan tayada macalimiinta iyo Heerka Waxbarasho.