Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta shir guddoomiyay Kulanka gudoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir kaas oo looga hadlayay dardargalin howlaha kala duwan ee lagu horumarinayo Caasimadda Soomaaliya Ee Muqdisho,
Mudane Sheikh Yuusuf Madaale ayaa warbixina ka dhageystay Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka.
Warbixinadaas Oo ku saabsan howlihii u qabsoomay Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa la filaayo in la hirgaliyo.