Mas’uuliyiin uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur.Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Hirshabelle ayaa maanta safar ku tagay Degmada Aadan Yabaal Ee gobolka sh.dhexe halkaas oo dhawaan ay la wareegeen Ciidanka dowladda somaliya iyo kuwa dadka deegaanka Oo isgarabsanaya.
Wasiirka iyo Taliyaha xoogga ayaa kaga mahadceliyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen dagaalka kooxda Alshabaab Ciidanka Xooga iyo dadka Deegaanka.
Wasiirka gaashaandhigga ayaa sheegay inaan laga hari doonin firxadka kooxda Alshabaab Ee isaga baxay degmada Aadan yabaal halkaas oo ay sanado badan ka talinayeen.
Dhankiisa Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in jab xooggan lagu gaarsiiyay Alshabaab dagaalka ka socda dalka,