Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow iyo qaaar kamid ah xildhibaanada labada gole ee BJFS ayaa booqday isbitaalka xooga dalka soomaliyeed halkaasi oo lagu dabiibayay askartii ku dhaawacantay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday ciidanka14ka octoobar ee ku sugnaa kulliyadda jaalla siyaad ee magaalada muqdisho.
Guddoomiye Abshiroow ayaa mid mid u booqday qolalka ay ku jireen dhaawacyada ciidanka isagoo ka xog wareesanayay dhaqaatiirta xaaladda caafimaad ee askarta ay wax yeeldu kasoo gaartay qaraxii ismiidaaminta ahaa.Waxa uuna alle u weydiiyay inuu caafimaad taam ah siiyo Ciidankii ku geeriyoodayna uu janadiisa ku irsaaqo Intaas kadib guddoomiyaha oo ay wehlinayeen xildhibaano iyo sanataro matala askartii dhibaatadu kasoo gaartay qaraxii is miidaaminta ahaa ayaa tagay halka ay masiibadu ka dhacday ee xerada jaalle siyaad ee muqdisho waxa uuna la kulmay taliyaha ciidamada dhulka si uu wax uga ogaado sida ay wax udhaceen taliyaha ayaana guddoomiyaha iyo xildhibaanada labada gole ugu warbixiyay sida ay wax u dhaceen waxa uuna kala hadlay askarta dhaawacyadooda aadka u liita in loo helo Caafimaad dibadda ah.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ka baarlamaan ahaa uu xoogga saari doono sidii wax loogu qaban lahaa askartii ay wax yeeladu kasoo gaartay qaraxaasi isagoo carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in arrintaan baaritaan adag lagu sameeyo.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa wasaaradda gaashaandhiga kulan kula qaatay taliyaha ciidamada xoogga dalka soomaaliya isagoo kala hadlay masiibadii xanuunka badneed ee ka dhacday xerada jaalle aiyaad ee magaalada muqdisho halkaasi oo lagu laayay dhallinyaro tababar ku qaadaneesay xerada kuwa kalena dhaawacyo ay kasoo gaareen. Dhamaad