Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan waaxda miinada,Ciidanka saldhiga Dekadda Boosaaso iyo PMPF ayaa tababar loogu soo xiray Dalka Kenya halkaas oo Saraakiil ka socday Hay’adda Booliska aduunka (Intelpol) ku siiyeen sida looga hortago Waxyaabaha qarxa.
Tababrka oo soconayay lix maalin ayaa Saraakiisha iyo Saraakiil xigeenada markii uu u soo gabgaboobay waxaa lagudoon siisay qalab loogu talagalay ka hortaga khataraha xiliyada Howlgalada lagu jiro.
Kaaliyaha Taliyaha Ciidanka Booliska DPL G/Sare Axmed Cabdi Sugulle oo hormuud u ahaa Ciidankan Tababarka qaadanayay ayaa uga mahadceliyay Hay’dda (Intelpol) sida waanaagsan ay casharo kala duwan usiisay isagoo guul urajeeyay.