Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah madaxdii hore iyo siyaasiyiin mucaarad ah ayaa ka soo horjeestay hanaanka Dowladda Federaalka u wajahday xulista xubnaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka.
Mucaaradak ayaa DFS ku eedeeyey inay baal martay habraacyada dastuuriga ah iyo kuwa sharciga, gaar ahaan qodobada 41aad iyo 111B ee Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah iyo Sharciga Lr. 16 ee 2016.
War-saxaafadeed ay soo saareen Madasha ayaa lagu sheegay in xulista xubnaha Guddiga ay ahayd in lagu saleeyo hannaan hufan, daahfuran, kana madax bannaan faragelin siyaasadeed, balse hadda ay muuqato in Guddiga loo adeegsanayo dano gaar ah. Waxa ay sidoo kale xuseen in Villa Somalia ay si cad uga dhex muuqato faragalinta geeddi-socodka xulista.
Madasha Samatabixinta waxay ku baaqday:
1.In si degdeg ah loo hakiyo magacaabista guddiga ilaa la hubiyo in loo marayo waddo sharci ah oo waafaqsan dastuurka.
2.In Madaxtooyada iyo Xukuumadda ay faraha kala baxaan xulista guddiga.
3.In muwaadiniinta Soomaaliyeed ee leh karti, sumcad iyo hufnaan loo furo fursado ay ugu tartamaan xubnaha guddiga si daahfuran oo horyaalla warbaahinta.
4.In beesha caalamka, bulshada rayidka ah iyo hay’adaha xuquuqul insaanka ay feejignaadaan si looga hortago guddiga cusub inuu noqdo mid loogu talagalay dano gaar ah.
Ugu dambeyn, waxay ugu baaqeen dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, bulshada rayidka, suxufiyiinta, iyo beesha caalamka in si feejigan loogu kuur-galo hanaanka xulista Guddiga, lana xaqiijiyo in la raacayo Dastuurka iyo Sharciga Lr. 16.

