Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al-Rumaithi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga gargaarka bini’aadantinimo, gaar ahaan sidii gargaar deg-deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay abaartu saameysay ee ku sugan gobollada Waqooyi ee dalka. Labada mas’uul waxay isla garteen baahida deg-degga ah ee loo qabo in wax laga qabto xaaladaha abaarta, ayna muhiim tahay in laga hortago saameynta ay abaartu ku leedahay nolasha bulshada, iyadoo la qorsheynayo in ceelal biyoodyo laga hirgeliyo deegaannada sida joogtada ah abaartu ugu soo noqnoqoto.
Sidoo kale, Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa safiirka la wadaagay qorshe safar rasmi ah oo uu dhawaan ku tagi doono Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulan kula yeelan doono hay’adaha gargaarka iyo gurmadka deg-degga ah ee dalkaasi. Ujeeddada safarku waa xoojinta xiriirka labada dhinac iyo u ololeynta in la kordhiyo kaalmada tooska ah ee la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee nugul.
Guddoomiyuhu wuxuu uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo is-garabsiin.
Dhankiisa, Safiir Axmed Juma Al-Rumaithi ayaa ballan qaaday in Dowladda Imaaraadku ay si buuxda uga shaqeyn doonto qodobadii laga wada hadlay, isla markaana ay dhawaan Soomaaliya soo gaarsiin doonaan shixnad gargaar ah oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen xaaladaha bini’aadantinimo.
Share.

Leave A Reply